Bun

Bun, Qaxwe (Af Carabi : ar‎; Af-Taliyaani : caffè; Af Ingiriis : coffee) waa midho la jajabiyey oo lagu kariyey biyo (inta badan kuleyl ah, laakiin mararka qaar waxaa jira mid qaboow) kaasi oo dadku cabaan.

      Kani waa maqaal ku saabsan Bunka.
      Bogaga "Koofi", "Coffee" iyo "Qaxwe" halkan ayaa laga soo toosiyay.

Sida caadiga ah, Bunku waa cabitaan ka mid ah cuntoda kaas oo laga sameeyo midhaha geedka bunka. Geedka bunka oo lagu magacaabo Koffea wuxuu asal ahaan ka yimid wadanka Yemen, halkaasi oo la sheegay in lagu cabi jirey qiyaastii qarnigii 15aad; maanta waxaa soo saara oo ka ganacsada in ka badan 70 wadan oo intooda u badan degan gobolada Dhulbadhaha ee ka mid yihiin labada Ameeriko (Koonfur iyo Waqooyi Amerika), koonfurbari Aasiya, Hindiya iyo wadano badan oo qaarada Afrika.

Bun
Koob Bun ah
Koon Bunka madoow ah
NoocaKuleyl ama qaboow (sida badan kuleyl)
Wadanka asalkaJabuutiItoobiya(noocyadii ugu horeeyay ee la cabo)
La soo bandhigayQiyaastii qarnigii 15aad
MidabMadoow, coowlaan, madoow cowlan, cowlaan khafiif ah
DhadhanQadhaadh markuu bila sokorta yahay

Labada nooc ee ugu caansan Bunka la isticmaalo waxay kala yihiin nooca loogu jecelyahay e Bunka Carabta iyo nooc ka khafiifsan oo lagu magacaabo Bunka Robusta.

Marka midhaha koofigu bislaado ayaa laga soo guraa geedka Caffea, ka dib waa la qalajiyaa, la jajabiyaa ilaa la baceeyo oo la dhoofiyo. Caalamka maanta aan ku noolnahay Bunku caan ayuu ka yahay, meelo badana waxaa looga isticmaala si joogto ah kaasi oo ka mid ah nolosha maalinle.

Bunka wuxuu leeyahay xoogaa asiidh ah (pH 5.0–5.1) wuxuuna fifircooni siiyaa maskaxda dadka sababtoo ah wuxuu leeyahay aalada loo yaqaano "Kaffeine" oo ah mid lala qabsado.

Midhaha koofigu waa kuwo yaryar, wareegsan oo leh midab madoow ah. Midhaha koofiga waa la burburiyaa si loogu dhex milo biyo iyo sonkor.

Ereyga "Bun" asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa luuqada amharada ee wadanka Itoobiya. Soomaalidu weey soo amaahatay ereygan, laakiin dadka qaar ayaa waxay ku murmaan in ereyga Qaxwe yahay kan ugu haboon in lagu magacaabo Koofiga.

Markii la fiiriyo dhaqanka Soomaaliyeed, bunka waxaa inta badan la isticmaalaa habeenka iyo subaxa jimcaha. Gobolada qaar, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya waxaa caan ka ah bunka iyo cambuulada, Daango iyo Shaax; kuwaasi oo ah cunto fudud oo dadku isticmaalaan wakhtiyo badan. Bunka soomaaliya waa uu ka baxaa, laakiin wadanka ugu horeeyay aduunka oo bunka isticmaalay waxee eheed wadanka Itoobiya. Maanta bunka waxaa laga soo saaraa meelo badan oo caalamka ah.

Bunka waxaa kaloo loo isticmaalaa gaxwo ahaan oo dad ka soomaamiyeed aad u is ticmaalaan qaasatan subaxdii.

Sidoo kale eeg

Bun

Bun, Qaxwe (Af Carabi : ar‎; Af-Taliyaani : caffè; Af Ingiriis : coffee) waa midho la jajabiyey oo lagu kariyey biyo (inta badan kuleyl ah, laakiin mararka qaar waxaa jira mid qaboow) kaasi oo dadku cabaan.

Tags:

AasiyaAf CarabiAf IngiriisAf-TaliyaaniAfrikaAmeerikaBiyoCabitaanCuntoDadDhulbadheGanacsiGeedHindiyaKulMidhoQarniQaxweYemen

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

QabaalBaarlamaanka SomalilandBeesha Habar CafaanCaliSoolMaxamed CigaalGuurGedoRa'iisul wasaarayaashii SoomaaliyaGabayada abwaanada hawiyeBardhereCiiseMacluumaadka TeknolojiyaddaShilin SoomaaliMarkaSuxufi IbraahimBurundiLiiska magaalooyinka SoomaaliyaDhismeOodweyneNugaalWayback MachineNebi Maxamed c.sCumar (saxaaba)QaaradahaDastuurka SoomaaliyaOgaadeen (beel)Qabiilka eyloQalaafeMidabGuska weynMaxmuud SangubYuutYuubMurtiDoofaarMaxamed gorgaateAxmed IdaajaaHowraarsame AmaanreerBajeelaJubbada DhexeWabiga ShabeelleShilinGarxajisKinsi Xaaji AadanFircoonLiiska Xisbiyada Siyaasadda SoomaaliyaWebiyadaXeebjireJava (luuqada borograaminta)DayniileDiiwaanka Caasimadaha AfrikaSoomaaliCabdiqaadir YamyamDowlad madax banaanSalagleBoqortooyada MidowdayHibo NuuraAqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaFalastiinDhaqanka SoomaaliAraarsoXisbiga SYLKoonfur Afrika'''Cabdalla Abokor'''Xasan Sheekh MaxamuudSuugaanMaxamed Cali KalaayDowladii UmawiyiintaWax ka bedelkaBurco🡆 More