Xisbiga Syl

Xisbiga Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed (Af Ingiriis : Somali Youth League, Af Carabi : ar‎), (loo soo gaabiyo: SYL) wakhtiyadii hore loo yaqaaay Kooxda Dhalinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Club) (SYC), waxay ahaayeen xisbi siyaasadeed ka shaqayn jirey wadanka Soomaaliya.

Xisbigani wuxuu ku bilaabmey urur dhalinyaro ah, markii dambe isku bedelay xisbigii dhaqdhaqaaqa ugu horeeyey ee Madaxbanaanida wadanka Soomaaliya sanadihii u dhexeeyay 1950kii ilaa 1960kii.

Xisbiga Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed
Somali Youth League
MadaxweyneYaasin Xaaji Cusman Sharmarke
La sameeyay1943 (1943)
Burburey1969 (1969)
Xarunta sareMuqdisho, Soomaaliya
AragtiSoomaaliweyn doon
Xidhiidh caalamiMalaheen
Midabyo             Casaan, Cadaan, Cirdhow
Calanka xisbiga
Xisbiga Syl

Faallo

Xisbiga Syl 
File:SoomaaliSYL.png
SYL waa urrur siyaasadeedkii ugu horeeyay ee Soomaaliya.

Ururka SYL (laga keenay: Somali Youth League) waxaa la'aasaasay 15 Maajo sanadkii 1943 wuxuuna qeyb wax ku ool ah ka qaatay Xoriyadii dalka Soomaaliya ee lahay 1960kii waxaana ku midaysnaa dhalin yaro Soomaaliyeed oo da, yar ah. Dhalin yartii u istaagay xornimada Soomaaliya waxey ahaayeen kuwo u baahnaa in wadanku xor noqdo isla markaana ka hoos baxo gumaystihii wakhtigaasi haystay.

Liiska Xisbiyada Siyaasada

Tan iyo wakhtigii dadka Soomaalidu qaateen xoriyada waxaa jiray xisbiyo siyaasadeed. Sanadkii 1969kii ayaa waxaa talada wadanka la wareegay Golaha Sare Kacaanka (SRC) kuwaasi oo dhowr nooc oo xisbiyo ah soo bandhigay; sida Xisbigii Kacaanka Hantiwadaaga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wadanka Soomaaliya ugu horeeyay Xisbiga SYL, kuwaasi oo ahaa xisbigii la dagaalamay gumaystihii wadanka.

Markii Jaale Siyaad Barre la wareegay talada wadanka, waxaa meesha ka baxday dhamaan xisbiyadii bulshada ee madaxa banaanaa, wakhtigaasi oo wadanka Soomaaliya iskubedelay nidaamka shuuciyada ee laga keenay wadanka Ruushka iyo Shiinaha. Ka dib, markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee wadanka sanadkii 1991kii ayaa waxaa meesha ka baxday dhamaanba nidaamkii dowladnimo ee wadanka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, dadaalo badan oo dawlad dhisid ah ka dib waxaa Soomaaliya dib uga soo noolaaday nidaamka xisbiyada kuwaasi oo ilaa maanta daciif ah.

Sidoo kale fiiri

Maqaalo kale

Tixraac

Tags:

Xisbiga Syl FaalloXisbiga Syl Liiska Xisbiyada SiyaasadaXisbiga Syl Sidoo kale fiiriXisbiga Syl Maqaalo kaleXisbiga Syl TixraacXisbiga SylAf CarabiAf IngiriisLiiska Xisbiyada Siyaasadda SoomaaliyaSoomaaliyaTaariikhda Soomaaliya

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Cumar bin KhattabCarabtaJuqraafiKomishanka Doorashooyinka QarankaXooloMaxamed CigaalIsku dhisBalwoFarabadneCumar (saxaaba)LibaaxLionel MessiRuushkaCeelDhaqan SoomaaliQorax MadoowaadIsuduwaha Waqtiga CaalamigaSagaal xajiileTaariikhda SomalilandAduunkaIsbaniaLuuqad (Af)Ruhollah KhomeiniKinsi Xaaji AadanAbu HurayraInternetSamoaPuntlandSoomaaliweynGusBegediMaxamed Cali KaariyeMuuse AbokorTiirarka IslaamkaInqilaabkii 1969-kiiShawaalSaado Cali WarsameKumbuyuutarMatxafka Qaranka SomalilandKhadiijoSaakowOgaadeen (beel)TuwitterDhiigDagaalkii Dunida KowaadMaansoDegmooyinka Gobolka BanaadirSSC-Khatumo stateAbwaanCilmiga bulshadaAdhiBogga HoreSuugaanta Reer AlmisWaroodka HowlwadaagNabi Muuse C.S.DiinsiBuurta SheekhFebraayoShabeelSacad bin mucaadQaramada MidoobayKiristiyano RonaldoRio de JaneiroKhilaafada RaashidiintaSurre (beel)AljebraSedjibekeFaadumo Maandeeq🡆 More