shan Walxood


Abaarista xeerka wikipedia shanta asaas waxay ka kla yihiin:

    shan Walxood Wiki insaykalobeedhiya waxay idiin soo bandhigaysaa macluumaad guud ee ku saabsan insaykalobeedhiya una gaarka ah. Ma ogola baaris asaleed waxaaba ujeedkeedu yahay wax la hubo oo xigasho leh; qoraal kasta ee aan lahayn xog ama xigasho waa la tirtirayaa, sidaas daraadeedd waxaa lagaa rajaynayaa inaad soo xigato raad raaca macluumaadkaada. wikipedia maaha meel la isaga qoro ra'yiga meel wax lagu tijaabiyo xalin gaar ah, mana ahan meel lagu kaydiyo dhammaan noocyada macluumaadka mana ahan meel fadhi ku dirir ah toona madbacad gaara sidaas oo kale maaha meel wax laga soo daliishado mana ahan meel ay wax ku tijaabiyaan dadka Fowdada ama Dimoqraadiyed. mana ahan xitaa wikipedia meel xogta lagu kaydiyo laakiin waa meel Mashaariic bah wadaag ah.

    shan Walxood Wiki waxay ku dhisantahay aragtida dhexdhexaadnimada: taasi macnaheedu waa inaan ku dadaalnaa si ayna u helin taageero maqaalo hal ra'yi ku salayasan, mar mar waxay ubaahanatahay soojeedinta argtida dhinacya kala duwan ee lagu kalsoonaan karo laguna tilmaami karo mid kasta oo ka mid ah wax lahubo taasoo ay la jirto soo gudbinta macluumaad ka dhamaystiran dhan kasta, soo gudbin la'aanta ra'yi kasta oo ka dhigaysa wax sax ah ama iska wanaagsan. Taasi macnaheedu waa muujinta xigashada la hubo gaar ahaan marka uu yahay mowduuc khilaaf ku salayasan. Hadii ay dhacdo isqabsi ku salaysan iilasho waxaa la bixinayaa ogaysiis ku saabsan in uu jiro {{Khilaaf}} ama {{Eexasho}} taasoo ay la jirto faahfaahin Bogga wadahadalka kadib raac tilmaamaha halka khilaafka.


    shan Walxood Wiki wuxuu leeyahay hab wadahadal: Ixtiraam asxaabtaada haddii xitaa aad is khilaaftaan. Noqo mid ansha leh kana dheeraaw masaalix isdiidan iyo weerar shaqi ama wax la mid ah. Isku day si wada jir ah kana fogaatid ku dagaalanka wax bedelka iyo inaad joogteeyso qaanuunka soo celinta saddexaad, iyo abaarista in tirada maqaalada Wikipedia-ha soomaaliga 7,980 waxaa jirta in badan oo suurta gal ka dhigaysa ina laga sheqeeyo lagana wada doodo. Ku shaqee niyada wanaagsan iyo dadka kalana uniyoo niyad wanaagsan sidoo kale ha carqaladeeynin wikipedia si ay u jirto aragtidaada, noqo mid aqbala kuwa kale lehna soo dhowayn.

    shan Walxood malahan wikipedia qawaaniin ad-adag kuna dhisan shantaan walxood. haka baqin inaad wax bedesho waxana wereejiso. qasab maaha inaad dhamaystirto ujeedku sidaasba ha ahaadee. Haka baqin in ay wax halaabaan dhammaan nuquladii ka horeeyey waa kaydsanyihiin; sidaa daraadeed dhibi maysid wikipedia ama qaribaad wax ku jira hab ah inaan lahagaajin karin adigoon ula kac usamaynin. Xusuusnoow waxa aad qoreeyso waxaa loo kaydin doonaan jiilal dambe.

Tags:

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

AroosSuugaanShirkada Isgaariinta HormuudQoryooleyDaadmadheedhCaliLibaaxWaxbarashada SoomaaliyeedOogBunMuduloodAf-SoomaaliPuntlandRoob la DhacLondonFurashada makkaXaasaska Nebi MuxamedWikimediaFungiNebi Aadam C.SGolahi Sare Kacaanka SoomaaliyaLaxanSkotlandCiise (qabiil)MurtiDagaalkii soomaalia iyo itoobiyaDawladda federaalka SoomaaliyaGuddiga Af SoomaaligaBurundiMudugHeerkulGujisKaarboonBanaadirYugandhaLTE (isgaarsiin)Napoleon BonaparteHaber AwalBocorx2sdkQabaalCimraanHodan CabdiraxmaanXayawaanKeski qabe2006AbwaanHartiMasarAfrikaCumar DhuuleMuuse BiixiNamibiyaRoobAduunkaCeel BuurGoogleJarmalkaDhulNebi Maxamed c.sMalaysiyaHiraabTaariikhda SaxaabadaSiigeysiTuwitterQaamuusTaariikhSoomaaliweynJijeeleFarxiya FiskaLiiska Jaamacaddaha SoomaaliyaIngiriiskaKhaalid bin Waliid🡆 More