Dagaalkii Soomaalia Iyo Itoobiya

Qormadan kooban waxaan sida timirta ugu lafa guri doonnaa, Dagaalkii Ethiopia Iyo Soomaalia

dhaxmaray ee lagu xoraynaayay dhulkii Soomaali Galbeed. Tiro wadareedka guud iyo gaar ahaan ee ciidamadii Darafyada Dagaalka ku jiray iyo halbeegga tiro ee sanadihii kala gedisanaa ee ay kala adeegsadeen labada dhinacba. Xog ururada iyo xaqiijin dheer oo aan sameeyey kedib, ayaan idinla wadaagay xogtan. 

Waxaan kasoo ururiyay xogtan waraysiyo iyo sheekooyin dheg raacca.

Ugu Horayn Soomaaliya waxay xidhiidhka iyo Xadhkaha U goysay Midowgii soofiyeeti iyo Xulafadii la jirtay marka laga reebo Dalka Shiinaha, Dagaalku waxa uu u dhexeeyey somaliya iyo itoobiya, Se markii Ciidamadii Somaliya Kaga adkaadeen Dagaalka Ciidamadii Itoobiya Waxaa Si Cad garab iyo gaashaan buuxa u siiyey itoobiya Wadamada ,kuuba,koofurta Yemen,midowgi Sofiyeti WSL. Dagaalkii xoraynta Soomaali Galbeed waxa uu ahaa dagaal dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Hadaba Sababta Dagaalkani uu ku bilaabmay waxay ahayd, khilaaf kataagnaa gobolka soomaalida ee Itoobiya ama Ogadeniya ee Soomaalidu U yaqaanaan Soomaali Galbeed, Gobolkan Oo Ingiriisku 1954-tii ka iibiyey Wadanka itoobiya Dadkiisii iyo deegaankiisiiba, Waxaanay dawladii somaliya ee uu hor kacayey jaalle Maxamed siyaad barre Go’aansatay inay dib u soo ceshadaan Dhulka ogadeniya, Waxaanay dawladii siyaad ugu horayn Ku dabaqday Dib u soo celinta dhulkaasi hab iyo hannaan siyaasiya waxaana dhawr mar laysku hor fadhiista miis lagu gorfaynayay Masiirka umada iyo dhulkaasi, Se ugu dambayn way fashilmeen dhammaan wada hadaladii siyaasadeed ee ku saabsanaa arinta gobolka ogaden Intaa kadib ciidamadii Soomaaliya waxa ay weerar Cad oo xorayna ku qaadeen wadanka Itoobiya. Hadaba Dagaalka Tobaadkii ugu horeeyayba waxa ciidamada soomaaliya u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan badhtamaha iyo koonfurta gobolka Soomaali Galbeed. Intii dagaalku socday waxa ay ciidamada soomaaliya marba marka kadanbaysa kasoo hooynayeen guulo aad u balaadhan oo is daba jooga waxa ay ciidamada soomaaliya daba socdeen oo dabada kaga jireen ciidamada itoobiya ilaa ay lagaadheen goobta loo yaqaan Sidamo. Markii la gaadhay Sep sanadkii 1977 ciidamada Soomaaliya waxa ay gacanta ku dhigeen dhamaan gobolka Galbeed waxa kale oo ay qabsadeen goobo iyo magaalooyin muhima oo kabaxsan gobolka. Kadib markii ciidamada soomaaliya ay go'doon galiyeen magaalada Loo yaqaan Harar waxa dagaalka soo galay oo itoobiya soo garab is taagay wadankii la odhan jiray Midowga Sofiyet. Sofiyeedku waxa uu taakulo dhanwalba leh siiyay ciidamada iyo dawlada Itoobiya, waxa kale oo uu sofiyeedku ugu deeqay itoobiya in ka badan 18,000 oo askari oo ka yimid wadanka kuuba, taaso oo keentay in ciidamadii soomaaliya dib loosoo jabiyo laguna qasbo in ay ka baxaan gobolka ogaden.

Tiradii Ciidankii Xooga dalka, Somaliya: 35,000, 23 guuto oo oo Efentari ah, tiknikadiisiina wata 9 guuto oo Taangiyo ah, 9 guuto oo Madaafiica, 4 guuto oo ciidamada cirka, Ciidamadii cirka Soomaaliya, Guud ahaan diyaaradaha Soomaaliya waxay ahaayeen 52 Diyaaradood, 24 ka mid ahina ay ahaayeen MiG21s. waxyaabaha saacidayay Soomaaliya, Ciidamadu aad ayay akhlaaqdooda iyo tababarkoodu u sarreeyey, sidoo kale mooraalkoodaa aad ayaa uu u sarreeyey, Qalab ku filan ayay haysteen, Ciidankii xooga dalku wuxuu aad uga dhisnaa dhinaca guutooyinka Madaafiicda, madaafiicduna waxay ahayd hubka ugu muhiimsan ee ay wax ku weerarayeen, Quwadaha kale ee Soomaaliya waxa ka mid ahaa ciidamadii kamaandawska ahaa ee birigaydhka, kuwaasoo loo tabo baray qaab aan cidina hor istaagi karin. Meelaha ay daciifka ka ahayd, Soomaaliya Ciidamda soomaalidu aad ayay uga yaraayeen ciidamada is bahaysigii kasoo horjeeday. halka askari ee soomaaliga ah waxa kusoo beegmayay 12.5 askari oo xabashi ah, Midowgii soviet-ka oo mudo dheer xuluufo la ahaa Soomaaliya, soona tababaray ciidamada xooga dalka iyo saraakiishii somaliyaba markan wuu Kasoo hor-jeedaa wuxuuna yaqaanaa dhamaan xeeladaha dagaal iyo meelaha Ciidanka Somaliya ka jilicsannahayba, sidoo kale waxa dhib ahaa hagaajinta iyo spare u helida hubka iyo qalabka soomaalidu wadatay maadaama ruushkii sameeyeyba kasoo Horjeedo. qoriga rasaastiisu go'do iyo wixii xumaadaba halkaas ayaa lagaga tagayay loomana helayn spare, Dagaalkan Soomaaliya cid kula socotay ama gaashaan buur la ahayd ma jirin. Maraykanka oo Ay somaliya Is lahayd Xulufo ka dhigtana madaxweynahoodii xiligaas ayaa diiday oo yidhi waxay nala tahay inaanay Soomaaliya xaq u lahayn inay weerarto Ethiopia, dowladihii kale ee jeclaa inay Soomaaliya garab istaagaana waxay ka cabsanayeen Maraykan ama Ruushka, sidaas daraadeed waxay go'aansadeen inay iska aamusaan.

Saraakiishii Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliya:

Taliyahii guud ee ciidankii Xooga dalka somaliya

  • General Maxamed siyaad barre.

Abaan- Duulihii Ciidankii Xooga Dalka Somaliya:

  • Generaal cumar xaaji Masaala.

Hogaankii Xeeladaha iyo qorshayntii ciidanka:

  • Generaal Mohamed Cali Samatar.

Taliyahii Ciidamdii cirka:

  • General Cali Mataan Xaashi.

Hogaankii iyo saraakiishii Ciidanka Itoobiya:

Taliyihii guud ee ciidanka Itoobiya

  • Mengistu Haile Mariam

Abaan-duulihii Ciidanka itoobiya

  • Aberra Haile Mariam

Hogaankii guud ee Midowga Sofiyet

  • Vasily Petrov poll

Hogaankii guud ee Kuuba

  • Arnaldo Ochoa

Hadaba Dagaalkani waxa Uu u bilaabmay 1977- ilaa 1978-dii Waxa Uu socday 8/9*-bilood iyo 2-maalmood.

> Tiradii iyo Tifaalihii Ciidamada Dagaalka Ku jiray iyo Agabkii Dagaal:

Dagaalkani waxa Gadhka iyo Gomada lays daray Laba Weji dagaal.

Billowga Dagaalka Waxaa Somaliya ka soo horjeeday 47,000 ciidana guud ahaan Wadamadii Is bahaysiga,

Wejiga 1aad-

Somaliya Ciidankeeda: 4 guuto ciidanka Lugta, 1 farsamo, Guuto taangiyo ah, 2 guuto oo madaafiicada goobta, 3 guuto ciidan dalaayadaha, 75,000 ciidanka joogtada ah 19807.

-Midowgii Soofiyeet: 1,500.

-Kuuba 18,000

- Yamanta Koonfureed 2,000.

Wejiga 2aad-

Billowga dagaalka: 35,000 ciidana, 23 oo isugu jira Qalab iyo gaadiid farsamo, 9 guuto taangiyo ah, 9 guuto madaafiicda goobta, 4 guuto ciidan cirka,

Dhamaadkii dagaalka Ugu dambayn Khasaarihii Darafyada dagaalamayey:

Soomaaliya: 63,200, WSLF 15,000, Khasaarihii iyo dhaawacii

Itoobiya: 6,133 laga dilay, 10,563 laga dhaawacay, 6,000 laga qabtay, Qaarna la waayay waliba waxaa dheeraad ah 1,362 oo cararay.

- Kuuba: 400 ayaa laga dilay, - Yamanta Koonfureed: 100 laga dilay, - Ruushka: 33 dhintay lana waayey, - Gaadiid qasaaray: 23 Diyaarad, 139 Taangi, 108 Baabuurta Ciidanka qaada, 1,399 Gaadiid kala duwan, 6,453 laga dilay, 2,409 la dhaawacay, 275 laqabtay ama lawaayey, - Gaadiid qasaaray: 28 Diyaaradood 1/2 ee diyaaradaha ciidanka cirka, 72 taangiyo ah, 30 Baabuurta ciidanka qaada ah, 90 Gaadiid.

Dhimashada guud ee labada dhinacba:

Dawladaha Dhimashada Dhaawaca Wadarta Maxaabiista Guud (1982)

 - Itoobiya: 17,000 25,000 6,000 48,740  - Soomaaliya: 5,500 2,409 270 7,979 -  kuuba: (Gurmad) 400 0 0 400

- Yamanta Koonfureed (Gurmad) 100 0 0 100  - Midowga Sofiyeti (Gurmad) 33 0 0 33 Hadaba Wadarta guud 57,252 ee Ciidamada gurmad ahaanta ugu yimid itoobiya. Goobta dagaalada Qadhaadhi ka socdeen Waxay ahayd Barta Buluuga ah, Oo ahayd goobtii u jeedada dagaalku Dhabarka ku haysay.

Qalinkii- Fadxi garaad ciise.

 

Tags:

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

YugandhaSaambiyaGadabuursiGabayada abwaanada hawiyeIUDastuurka SoomaaliyaBaarlamaanka Federaalka SoomaaliyaJoorjiya (wadan)2020IlaahayShiikh Cabdiraxmaan Shiikh NuurSSDFMasagoKulGurgura (beel)DiinsiSadaxleeyWarsangaliDeeroMudug2015BooramaWardheerShingaaniShaqo la'aanSamsungSilcis (beel)SigaarDiyaarada SoomaaliyaXarardheereBoris JohnsonNabi Luud C.S.Heesta qarankaToljecleBocorGaarisaCiidanka Badda SoomaaliyaWabiga NiilSoomaalidaUsaama bin LaadinCamar bin caasOlivia RodrigoKenyaBartireManchester City FCBariisBoondheereSalaaxudiin al-AyyuubiHeerkulReer-DarawiishJubbada DhexeIslaamMasjid al-AqsaMeksikoLionel MessiSuugaanta SoomaalidaDeegaanSheekhaal JaziiraAduunkaEratareyaNebalQabyaaladaCabdullaahi YuusufArdogrolMalmalJuqraafiga SoomaaliyaDiiwaanka Caasimadaha AfrikaDangorayoMagaalooyinka MaraykankaJagada Madaxwaynaha SomalilandLuuqad SoomaaliAw-badeedka MaldiifDagaalki Russka-Jabaan🡆 More