Harti: Beel kamida Qabaa'ilka Daarood-ka

Harti, Beel kamida Beelaha Daarood ee Ka Farcama Kablalax Daarood, waa beel Lagu tilmaami karo tan ugu saamaynta badan Bulshada Soomaaliyeed.

waxaa ka farcama qabaa'il waawayn oo mid waliba gaarkeed u taagantahay, Gaarkeed-na isugu Filantahay.

Beelaha Hartiga waxaa Kamida:- Maxamed Harti(Majeerteen), Siciid Harti(reer Darawiish), Maxamuud Harti(Warsangeli), Axmed Harti(Dashiishe). iyo Beelo Kale.

Beeshani waxay Degtaa 7 Gobol oo kamida 18kii Gobol ee Soomaaliya. Waxay si buuxda u degaan Gobollada: Bari iyo Nugaal. waxay Majoorati Ku yihiin Gobollada:- Sool Sanaag iyo Mudug. waxay Deegaano Baaxad leh Ka degaan Gobollada Togdheer iyo Jubbada Hoose oo ay U badan yihiin Magaalada Kismaayo Intii kismaayo Jirtayna Gudoomiyaasha u badan ee Soomaray ilaa hada waxay kasoo Jeedaan Harti.

Sidoo kale beeshani waxay Degtaa oo ay Majoorati ka yihiin Gobolka Doolo.

beeshani waxay sidoo kale degtaa Dalka Cumaan oo ay Boqolaal sano ku dhaqnaayeen Saamayna ku leeyihiin. 
Harti
هارتي
Harti: Taariikh Kooban, Sidoo kale fiiri, Tixraac

Harti: Taariikh Kooban, Sidoo kale fiiri, Tixraac

Meelaha ay ku badan yihiin
Harti: Taariikh Kooban, Sidoo kale fiiri, Tixraac Soomaaliya
Harti: Taariikh Kooban, Sidoo kale fiiri, Tixraac Cumaan
Harti: Taariikh Kooban, Sidoo kale fiiri, Tixraac Yemen
Harti: Taariikh Kooban, Sidoo kale fiiri, Tixraac Itoobiya
Luqada

Af-Soomaali, Iyo Af-Carabi

Diinta

Islam

Dadka ay dhalyo wadagaan

Geri koombe, Absame, Leelkase , Mareexaan, Awrtable Iyo Qabaa'il kale oo Daarood ah.

Taariikh Kooban

Dagaalkii shimbire kore oo ahaa dagaal Caan ah oo dhacay 5 Qarni/Shan boqol oo sano ka hor, dhexmarayna muslimiinta oo uu Hogaaminayo imaam Axmed Gurey iyo Kiristaankii Xabashida, xabashidana si xun Loogu jabiyay, ayaa waxaa sida ku qoran Buuga (Futuuxul xabasha) Qabaa'ilkii Soomaalida ee ka Qayb Galay waxaa ka mid ahaa Qabiilka Harti(oo reer maydh ah, sida buuga ku xusan). Sida ku qoran Buugaas waxay ahaayeen dad aad ugu xamaasadaysan Jihaadka oo inay dagaalka horey ka galaan doonayay, muslimiinta kale-na ay dajinayeen kuna lahaayeen wax yar Sabra inta uu dagaalku ka bilaabmayo.

Inta la Ogyahay meeshaas waa halkii ugu danbaysay oo harti oo midaysan uu duulaan ka galo. waa shan boqol oo sano oo qabaa'ilka harti ay kala maqnaayeen, Qabiil walbana uu dhan u dhaqaaqay, Sidaa oy tahay saamayntoodii ma aysan yaraan, waxayna shan boqol oo sano kadib bulshada Soomaalida ku dhex leeyihiin miisaan xoogan oo noqon kara ka 1aad ee Qabaa'ilka Soomaalida.

Qabiilkan waa Qabiilka ugu Taariikh Hodansan Soomaali oo idil. waxa ay hormuud ka yihiin dhan kasta oo aad Soomaalida ka eegtid, Haday noqoto Halganka, Siyaasadda, Taariikhda, Dhaqaalaha, Isku duubnida, Hal-adayga, Soomaali jacaylka iyo meelo kale oo badan.

Halganka

Halgankii ay Soomaali Gashay waxaa ugu saamayn badnaa kii Daraawiish-ta iyo kii SYL. labaduba waxay ka bilaabmeen beeshan Harti. oo sidaan wada Ognahay Daraawish waxay u badnaayeen Reer-Darawiish, Sayidkuna iyaga ayaa dhalay, Kuna soo dhex koray, isaga iyo aabihiis, Dhaqankoodiina wuu ku barbaaray, markuu soo baxayna iyaga ayaa hiil u noqday.

Dhanka kale ururka SYL inkastoo Soomaali badani Ku Jirtay hadana 5ka mid ah waxay ahaayeen beelaha Harti, Gaar ahaan Majeerteen, waana ururkii Ugu dambayn soomaali xornimo gaarsiiyay, Saan cadihiina dalka Ka raray.

Taariikh

saldanadihii Warsangeli iyo Majeerteen, waxay ahaayeen laba saldano oo ka dhisnaa Waqooyi iyo Bari dhulka Soomaalida, waxaa la sheegaa In ay soo jireen Dhowr boqol oo sano, Xadaarad iyo ganacsi badan oo ay Aduunka la lahaayeenna ay ku naaloonayeen.

Sidoo kale waxaa dib kaga soo biirtay saldanadii hobyo oo ka dhisnayd bartamaha Soomaaliya. Halka daraawiish oo U dagaalamaysay Xornimada Soomaaliyana Ay ka dhisnayd deegaanada Harti, Garabna ay u ahaayeen.

Dhaqaalaha

Soomaaliya waxay leedahay 5 Dekedood, Labo ka mida beeshan ayay Gaar u yihiin, Boosaaso Iyo Garacad, halka mida kismaayo (oo sidaan soo sheegnay ay majoorati ku yihiin) ay maamul Xoogleh ku leeyihiin, Yihiinna Ganacsatada wax kasoo dejisa kana dhoofisa.

Siyaasadda

Siyaasadda waxaa ku suntan, Halbowlana u ah beesha majeerteen oo kamid ah beelaha Harti. waxaana lagu tilmaama beesha 1aad ee sida dhabta ah u fahantay siyaasada, iyagoo ku dhex leh door muuqdaa oo cidina aysan ka qarsoonayn. Laba mar ayay dalka xilka ugu sareeya kasoo qabteen, halka marar fara badan ay ku hagoogteen xilka Ra'iisal wasaaraha.

isku soo wada duub beeshani qabaa'ilka ka farcama Sidaan soo sheegnay mudo shan boqol oo sano ah ayay kala maqnaayeen, Mid waliba gaarkeed isugu filnaatay. Sidaas oy tahay Miisaankooda marnaba ma liicin, qabiil walbana halka uu joogo ayuu ka muuqday. Hadii ay midoobaanna Cidna kama qarsoona Miisanka ay Ku dhex yeelan karaa -dhankastaba- Bulshada Soomaalida. saansaantoodana maanta ayay Muuqataa.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

Harti: Taariikh Kooban, Sidoo kale fiiri, Tixraac 
Wiki Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tags:

Harti Taariikh KoobanHarti Sidoo kale fiiriHarti TixraacHarti

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

HirshabeelleKalandarka IslaamkaEimi FukadaKul2015BerberaDalxa bin Cubeydilah R.C.Tiirarka IimaankaIsaaqMadagaskarBadweynta HindiyaGalmada dabadaMuuse Shiikh IsxaaqJowleMuduloodWalaweynAbu BakrGobolada SoomaaliyaHonjo SuzuGeedDudubleBooramaSuuriyaKhilaafada IslaamkaPico RestaurantQaasim bin MuxamedGuCabdulaahi bin mascuudAljeeriyaJuqraafiXasan ganayIngiriisNabi Suleymaan C.S.MiirtaqwaAadan DaarWaraabeAwdalBiyoBaayCeeldheerIUJilibInternational Standard Book NumberDalia MubarakQansax dheereBari (Gobol)KurtunwaareyYeesif maxamedLaylkaseSamuel Eto'oShiicaBarasiliyaMaamulgoboleedka SoomaaliyaKitaabAf-CarabiAf CarabiDameerXasan BarsaneNoloshaUdeejeenIbraahim bin MuxamedJijeeleNabi Ibraahiim C.S.SigaarGobolada SomalilandDhedigIlbaxaysiCarabtaAfarta xilliLibaaxDekadaha SoomaaliyaFinlandShaqo la'aan🡆 More