Muraad Koowaad

almalik alcaadil abul fatxi suldaan muraad bin orkhan bin cusmaan gaazi (turkida cusmaaniyada: الملك العادل أبو الفتح غازي سلطان مُراد خان أول بن أورخان بن عثمان)

waxaa loogu yeeri jiray "muraad khudaawankaar" oo laga wado amarki alla kii ku xukminaayay

Wuxuu ahaa kan sedexaad ee boqorada cusmaaniyiinta, waana kan ugu horeeye ee boqor lagu magacaabo


mraad koowaad
مراد الأول
suldaanka 3aad ee cusmaaniyiinta
mudada xukunkiisa
1389 ilaa , 1360
Xil kaga horeeyay: orkhan.
Xil kaga danbeeyay bayazid koowaad.
Dhashay: 1326
Ku dhashay: amaasiya ,anaadool
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: dawlada cosmaniya
aabihiis orkhan bin cusmaan gaazi
hooyadii holafiira khaatuun
ilmaha bayazid koowaad,saafjii shilbi, yacquub shilbi, nafiisa Malik khatun
Dhintay: 1389
Ku dhintay: kosofo

Hooyadii waxaa la oran jiray holofiira oo asal ahaan biriizanda ka soo jeeday, aabiihina waa orkhan bin cusmaan,

waxaa dhaxal suge ahaa walaalkii ka weyn suleymaan baasha, balse dhimashadiis kadiska aheyd kadib sanadkii 1358 ayuu naqday qofka badalaayo booska aabihiis   

qabashadiis xilka

Markuu dhintay aabihiis orkhan 1360 wuxuu naqday muraad hogaamiyaha cusub ee dawlada isla markii waxaa dhashay mashaakil badan laba walaalihiis oo kala ahaa khaliil baasha iyo ibraahim ayaa kasoo horjeesteen oo fasaad bilaabeen balse gacanta ayuu ku dhigay wuuna dilay

xiligiisa waxaa aad u awoodeestay dawladii cusmaaniyiinta, dawladiihii turkida ayaa daciifay, badankood waxaa qabsaday cusmaaniyiinta, qaarna waxay naqdeen kuwo hoos imaada, imaaradii qarmaan ayaa isku dayday hor istaagida cusmaaniyiinta lkn muraad ayaa weerar uu ku qaaday ku qabsaday caasimadood ankara,

furashooyinkiis

Bilawgii xukunkiisa wuxuu qabsaday magaalada adirna, balse ciidamo kirshtaan is aruursadeen oo horkacaayay amiirka saafuuri amadiyos 6aad ayaa magaalada iyo meelo kale oo ka mid tahay jaziirada galiilobi ka qabsadeen، 1366dii ayuu markale dib u qabsaday suldaan muraad adirna, ahmiyada ee leedahay awgeedna caasimada ayuu usoo wareejiyay wuu sii waday furashadiisa koonfur bari ee yurub, wuxuu qabsaday mandiqada taraqiya, wuxuu ka dhigay caasimada biriizandiyiinta Qusdandiiniya mid ay dhinac kasta kaga xigaan dhulka cusmaaniyiinta

Waxa oo u jaheestay furashada makadooniya arintaan ayaa sababtay in boqoradu iclaamiyaan dagaal saliibi ah oo cusub waxaa hor kacaayay osdofan aruk wuxuu kaalmeestay boqoro kale ciidan gaaraya70,000 ، ayuu aruurshay waxaa qeyb kala ahaa boqorka hangari luwis koowaad iyo boqoro kale, suldaan muraad wuxuu ku mashquul sanaa anadool, isbahaysiguna caasimada dawlada meel u dhaw ayuu soo gaaray, mid kamid ah odayaasha dawlada oo la oran jiray xaaji iil bek ayaa soo jeediyay in weerar gaadmo colka habeen lagu qaado, taldiis ayaa la qaatay, habeen gaadmo lagu weeraray colka jab weyn ayaana loo geestay way kala gaareen, luwis koowaad ayaa si layaab leh ku badbaaday kadib suldaan muraad wuxuu fursad u helay qabsashada makadooniya wuxuu qabsaday magaalooyin badan sida daraama, qowla, seeruuz, waxaa halis soo wajahday magaalooyinka badan Guulahaan waxaa aad ugu farxay caalamka islaamka, khaliifka cabaaysyiinta mutawakil calalah ayaa ku caleemo saaray suldaan muraad magacyo sharafeedyo sida "سلطان الغزاة والمجاهدين" "غياث المسلمين" "أبو الفتح" "ليث الاسلام"

intuu ku maqnaa la dagaalanka seerbiyiinta waxaa afgambi inuu sameeyo iskudayay wiilkiis saafji bek, asigoo kaashanaya wiilka imbiraadoorka biriizanda andronikos afaraad oo isna afgambi ku sameeyay aabiihiis, markuu soo gaaray warkaas aad buu u xanaaqay, saafji bek ayaa u cararay dimotika, balse gacanta ayaa lagu dhigay, suldaan muraad ayaa ku ciqaabay indhaha inuu ka bujiyay wax yar kadib bursa ayuu kudilay ceeji.

imbiradorka biriizanda yoxanaa 5aad wax walbo ayuu sameeyay soo u joojiyo dhul balaarsiga cusmaaniyiinta, waxa oo u tagay baabaa woo isku duleeyay jilbaha ayoo ka qabsaday xitaa waxa oo sheegay inuu noqday kaatolik oo ka tagay madhabka artodkas balse waxba kama dheefin ugu dambeyn wuxuu ogolaaday inuu noqdo mid raacasan cusmaaniyiinta iyo inuu jizyo sanadla ah bixiyo suldaan muraad ayaa ka saaciday soo afjarida kacdoonka wiilkiis, xiriirkoodu wuu xumaaday mar kale, Wiilka ayaa xabsiga kasoo fakaday kaalmo yoona weediistay suldaan muraad soo u rido aabihiis wuu taageeray xilka ayuu qabtay, aabiihiis iyo walaalihiis ayuu xabsiga dhigay wuxuu dawlada u celiyay jasiirada galiilobi, mar kale aabaha ayaa xabsiga ka soo fakaday suldaan muraad ayuu gurmad ka dalabay asigoo balan qaaday aalaa shahar inuu dawlada uga dago, xilkiis ayuu ku celiyay wuxuuna amray in uu u qeybiyo boqortooyada sedexdiis wiil emanawel, tiyudoor iyo andronikos

Emanawel oo ahaa Wiilka imbiradorka biriizanda yoxanaa 5aad ayaa wuxuu heestay salaniik waxa oo buriyay hishiiska oo kula jiray dawlada, suldaan muraad ayaa weerary oo ka qabsaday salaniik iyo gobolka tasaliya 1387

1379dii waxaa midoobay qeysarka serbiya laazaar iyo boqorka bulgeriya yooxana shiishman see ula dagaalamaan cusmaaniyiinta, oo sii maqlayay suldaan muraad wuxuu weerar ku qaaday bulgeerya dhulkeeda ayuu soo dardaray, magaalooyinka iyo dhufeesyada ayaa mid mid gacantiisa ugu dhaceen sofiyaa ayuu qabsaday sanadkii 1383, boqorada seerbiya iyo bulgeeriya ayaa qirteen caajisnimadood, wayna aqbaleen inay u hogaasamaan cusmaaniyiinta jizya sanadla ahna ay bixiyaan, waxa uuna guursaday suldaan muraad walaasha boqorka bulgeeriya.

1386 ayee mar kale isku dayeen boqoroda serbiya iyo bulgeeriya inay midoibaan balse suldaan muraad ayaa ka gaaray oo ciidan badan oo hugaaminaayo sadrulacdam khalil baasha diray ciidankaan ayaa jabiyay bulgeeriyiinta waxay qabsadeen caasimada tornoofo iyo magaalada shomla, shiishman ayaa ciidamo badan aruuriya dagaal ayuu kaga hor imaaday cusmaaniyiinta Waana la jabshay gacanta ayaa lagu dhigay suldaan muraad ayaa karaameeyay oo qaar ka mid ah dhulkiisa Madax uga dhigay

dagaalkii kosofo iyo shahiiditaankiisa

Boqoradii kirishmiska ayaa kulmeen waxay qeeli dhaan u direen baabaa orbaan shanaad waxay ka dalbeen inuu ka taageero la dagaalanka muslimiinta iyo in ay ka saaraan yurub, wuu ka yeelay, waxa oona ku baaqay dagaal saliibi ah ee lagu difaacayo yurub, sanadkii 1389 ayee fooda is dareen ciidankii kirishmiska ahaa oo ka kooban seerbiyiin, albaaniyaan, boosniyan iyo ciidanka cusmaaniyiinta, dagaal adag kadib cusmaaniyiinta ayee guusha raacday, amiir laazaar oo ahaa hogaamiyihii isbaheysiga ayaa gacanta lagu dhigay kadibna la dilay, hase ahaatee muraad koowaad dagaalka markuu soo dhamaaday asagoo baarbaaray goobta dagaalka ayaa nin seerbiyaana dhahay waxaa rabaa inaa islaamo markii oo hor istaagay suldaanka toorey sumeysan ayuu galiyay sidaas ayuuna ku shahiiday suldaan muraad koowaad, waxaa loogu magac daray dagaalkan dagaalkii Kosofo

Tilmaamihiisa

wuxuu ahaa geesi dagaalyahan diintiisa ku dhagan faralkiisa ilaaliya, wuxuu jeclaa la fariisiga culumada, isla weyni ma aqoon wuxuu xiran jiray dharka suufiyada wuxuu ahaa mid yaqaana luqadiisa turkida iyo carabiga wuxuu jeclaa in badan ugaarsiga waxa uu lahaa eeyo leh silsilado dahab ah.

Taariqyahanka xaaji khaliifa wuxuu ka dhahay "wuxuu ka mid ahaa boqorada kan ugu weyn xaga sharafka iyo diinta, wuu duulaan badnaa cumrigiisa oo dhan wuxuu ku bixiyay jihaadka, mid ku guuleesta dagaaladiisna wuu ahaa, wuu kheyr badnaa jamaacada ayuu salaada ku daaimi jiray

xaasaskiisa iyo ilmahiis

xaasaskiisa

  • kuljiijik khatun mid kamid ah dagaalada ayaa lagu soo qafaashay
  • baasha Malik khatun waxaa dhalay amiir muraad bek qazal
  • Tamaara khatun waxaa dhalay qeysarka bulgeeriya yooxana iskandar
  • Disbiina khatun waxaa dhalay mid kamid ah talyaasha biriizanda
  • Fuudaana khatun waxaa dhalay mid kamid ah madaxda imaarada jandarli

Ilmahiisa

  • saafji bek aabihiis ayuu ku caasiyay asagoo kaashanaya andronikos afaraad waa la qabtay waana la dilay
  • bayazid koowaad waxaa dhashay kuljiijik khatun aabihiis ayuu xilka kaga dambeeyay
  • gunduz bek
  • yacquub shilbi bayazid ayaa dilay mardabe soona xilka ugu qabsan
  • Ibrahim bek
  • nafiisa Malik khatun waxaa guursaday amiirka qaramaan caaludiin, wiil ayee u dhashay oo xilka kaga dambeeyay aabihiis

xigasho


Tags:

Muraad Koowaad qabashadiis xilkaMuraad Koowaad furashooyinkiisMuraad Koowaad dagaalkii kosofo iyo shahiiditaankiisaMuraad Koowaad TilmaamihiisaMuraad Koowaad xaasaskiisa iyo ilmahiisMuraad Koowaad xigashoMuraad Koowaad

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

MaahmaahJuqraafiHeesCaruurta Nebi MuxamedAsharaaf sarmaanJadwalka CuriyayaashaDagaalkii soomaalia iyo itoobiyaGarjante gardheere samaaleHintireBerberaJiilaalBocorDayax GacmeedWacbuudhan AbgaalCirifka waqooyiSiigeysiSkotlandHoosingowShirkada Isgaariinta HormuudXiriirka Turkiga-SoomaaliyaCabdicasiisXagalAsharaafGarreCumar bin cabdi caziizQaramada MidoobayAstaanta Calanka CirdhowDaaroodAwstriyaJacaylKoonfur GalbeedDylan BesseauBoocRa'iisul wasaarayaashii SoomaaliyaGeedDhedigJubada SareAwdalDishiisheBoonMaalinta Madaxbanaanida SomalilandRaxanweynMoskowKitaabMurursadeCanuuniMaaliWabiga NiilMaryamAbaajibilTelesomKajolShiicaImaamu ShaaficiSingabuurCagaarshow BQadiyaddaSiigaysiguFircoonQabiilSaliid MacsaroTiirarka IslaamkaWarsangaliCabdiqaasim SalaadLambarArjantiinaKoonfur AfrikaFaysbuugJubbada HooseMarkaYurubIleysSamo ku waarCarabta🡆 More