Kitaab

Kitaab

    Yaan lagu khaldin Buug.

Kitaab
Kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka.
Kitaab
Bogag ka mid ah kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka.

Kutub (ingiriis: book, kitab; carabi: ﮐﺘﺎﺏ, "kitaab"; wadar: ﮐﺘﺏ, loogu dhawaaqo "kutub"; Giriig: κιτάπι, loogu dhawaaqo: "kitabi"; Kiswahili: kitabu; af-Hindi, af-Faarsi, Urdu, Af-Turki: "kitap"; Hebrew: מך, "kethav") waa erey af-Carabi ah oo macnaheedu tahay "buug". Intaasi waxaa dheer ereyga "kitaab" waxaa loo isticmaalaa in lagu qeexo kutubta afarta ah iyo suxufiga Ilaahay (s.w) ku soo dejiyay ama u soo waxyooday Rasuusha iyo Nebiyada. Sidoo kale, marka la soo qaado ereyga Al-Kitaab waxaa loola dan leeyahay ama la sheegayaa oo loo adeegsadaa kitaabka Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka.

Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

Kitaab

Kitaab

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed waxaa jira tiro badan oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub. Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed. Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Lagu soo Dejiyay Kitaab
(ﮐﺘﺏ الأنبیاء والرسل)
Magaca Magaca
Af-Carabi
Kitaabka Suxufi Sharaxaad Kooban
Nebi Muxamed ﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪ Kitaabka Quraanka
"Al-Furqaan"
(ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ)
-
Nebi Ciise ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ Kitaabka Injiil
"Masiixiyad"
-
Nebi Muuse ﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰ Kitaabka Towraad
(ﺗﻮﺭﺍﺓ)
Suxufi Muusa
Nebi Daa'uud ﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩ Kitaabka Sabuur
(ﺯﺑﻮﺭ)
-
Nebi Ibraahim ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ - Suxufi Ibraahim

Kitaab

Kitaab

Kitaab

Kitaab

Tags:

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Khilaafada RaashidiintaRuwandaBaalcad absame2004Maalinta Madaxbanaanida Somaliland 1960MaaliWikipediaAbwaanAw-badeedka KhuuriDalalkaDirMarookoSoftwareMooracaseCiidanka BaddaGabayada abwaanada hawiyeTogdheerSurre (beel)GalmoUdeejeenDiiwaanka Caasimadaha AfrikaWarshadBuluug (teknooloji)Suug (qori)BurcoDastuurka SomalilandWarta NabadaKalandarka IslaamkaKaabayaalAbu HurayraAf-Faransiis2024Usaama bin zeydDagaalkii DhufeysyadaQabiilada JubalandKhilaafada IslaamkaSaldanada GelediMurursadeStar WarsTulibDhulbareBahda Qoraxdu MidaysayNabi Muuse C.S.Al-ShabaabBilahaBaasaboorka SoomaaliyaKanadaMagaalooyinka MaraykankaXadhig xabsiBanaadirMeereGarjante gardheere samaaleGeed TimirLahjadaha Af SoomaaligaCanuuniSaruurNabi Luud C.S.Liska Salidka MawduucyadaQandalaQolobaa CalankeedUrurka Iskaashiga IslaamkaFirefoxShiinahaWariyeXiman & xeebAf-SoomaaliLiberiaQabiilMasarreHaaruun AlrashiidDaa'uud XirsiMeheriJubalandGaranuug🡆 More