Orkhan

Boqor mujaahid suldaan gaazi shujaacu diin wa dunyaa orkhan gazi bin cusmaan bin ardogrl (turkida cusmaaniyada:الملكُ المُجاهد غازى سُلطان اورخان خان بن (عُثمان بن ارطُغرُل؛ waa kan labaad ee boqorada cusmaaniyiinta, waxaa dhalay aasaasaha dawlada cusmaan gaazi

orkhan gaazi
أورخان غازي
suldaanka 2aad ee cusmaaniyiinta
mudada xukunkiisa
1326 ilaa , 1360
Xil kaga horeeyay: cusmaan gaazi.
Xil kaga danbeeyay muraad koowaad.
Dhashay: 1281
Ku dhashay: sogut ,anaadool
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: dawlada cosmaniya
aabihiis cusmaan gaazi
hooyadii rabia bala malhun khaatuun
xaaskiis fiiri
ilmaha muraad koowaad, suleymaan baashaa siifiiri
Dhintay: 1360
Ku dhintay: bursa, anaadool

Taariiqdiisa

Waxaa lagu dhalay sogut 1281, wax badan lagama oga noloshiisa dhalinyarnimo iyo ka hor qabashadiis xilka, hooyadiis waxaa la oran jiray maala khatun ilaha qaar ayaa leh waxaa awoowa u ah shiiq adiib cali oo dhalay hooyadiis

Wuxuu kala qeyb qaatay dagaalada qaar aabiihiis sanadkii 1300 wuxuu qalcada kobri xisaar,

Bursa markii la hareereeyay oo lagu daahay waxa oo u dhiibay cusmaan hogaaminta wiilkiis orkhan

Qabashadiis xilka

cusmaan gaazi intuusan dhiman wuxuu diirada saaray furasha bursa, wuxuu ka ag dhisay labo qalco، aad ayee u adkaatay furashadeeda, sanado badan ayaa la hareereeyay 1326 ayaa la furtay, cusmaan gaazi sakaraad buu ahaa markii khabarka soo gaaray wax yar kadibna wuu dhintay, kulan ee yeesheen hogaamiyayaasha aakhiyiin iyo wax garadka dawlada ayee ugu doorteen orkhan amiirka cusub ee dawlada, walaalkiis calaaudiin ayaa iska diiday inoo kula tartamo

markii hore dawladiisa wuxuu ka dhigay mid hoos timaado dawlada ilkhaaniyiinta ee magoolka laakin 1335 markuu dhintay abuusaciid bahaadur khaan toos ayuu uga goostay, wuxuu hadaf ka dhigatay qabsashada niiqiya iyo nikomedya wuxuu ka hareereeyay dhinac kasta, imbiraadoorkii biriizandiyiinta andronikos sedexaad ayaa ciidamo oo watay iyo cusmaaniyiinta ku dagaalameen dagaalkii biliikaanoon oo guul weyn ka gaareen cusmaaniyiinta ، andronikos ayaa ka cararay goobta wuxuu dalbaday hishiis,. jabkaas ayaa horseeday in ay biriizandiyiinta ka rajo beeleen ilaalashada anaadool, niiqiya ayaa ku dhacday gacantiisa 1331 nikomediya ayaa xigtay 1337, sidoo kale dhulal badan oo anaadool ka tirsan ayuu ka qabsaday dawladii biriizandiyiinta, meelo yar ayee anaadool uga hareen

Sanadii 1335 Imaarada qaraasii dhulkeeda ayuu ku soo daray dawlada si uu marin uga dhigto dhanka yurub waxayna naqatay imaaradii ugu horeesay ee imaaradaha turkida oo cusmaaniyiinta ku biirtay

sandii 1337 ayuu weerar ku qaaday caasimadii biriizandiyiinta Qusdandiiniya lkn kuma guuleysan qabasashadeed, balse imbiratorkii biriizandiyiinta andronikos sedexaad ayaa ka cabsaday wuxuu u orday in gabadhiis uu ku daro orkhan, balse guurkan cusmaaniyiinta kama celin horay iney u socdaan,

Waxaa dhintay imbiraadoorkii biriizandiyiinta andronikos sedexaad 1341dii xaalada biriizandiyiinta ayaa xumaatay, dagaalo sokeeya ayee galeen, yoxanaa 5aad baalyuuluj iyo yoxanaa 6aad qantaaqoozin ayaa ku loolamay xilka, yoxanaa 6aad ayaa kaalmo ka dalbay orkhan, wuxuuna u guuriyay gabadhiis tiyodoora, dabcan orkhan ciidamo ayuu ugu gargaaray imbiraadoor ayuuna ka dhigay

Qeysarkii seerbiyiinta osdofan doshaan ayaa weerar ku qaaday biriizandiyiinta saalaniik iyo magaalooyin kala ayuu ka qabsaday, waxa uu u hanqaltaagay qabsashada Qusdandiiniya iyo aasaasida dawlad cusub,، imbiraadoorkii biriizandiyiinta ayaa mar kale kaalmo ka dalbaday cusmaaniyiinta, orkhan ayaa u diray ciidan dhan 20kun askari oo hugaaminaayo wiilkiis suleymaan wayna ku guuleesteen inay celiyaan seerbiyiinta, saalaniik wee ka soo celiyeen, qalca jimba la yiraahdo oo dhinaca yurub ku taal ayuu abaal ahaan u siiyay imbiraadoorkii biriizandiyiinta cusmaaniyiinta, orkhan wuxuu u dhiibay qalcada wiilkiis suleymaan wuxuuna dajiyay turki badan, jasiirada galiilobi ayuu qabsaday asoo ka faaideestay dhulgariir dhacay 1354, ، waana markii ugu horeysay ee cusmaaniyiinta meel yurub ka mid ah ee qabsadeen

Guulaha orkhan ayaa faaftay khaliifka cabaasiyiinta ee qaahira jooga Abu rabiic almustkfi bilaah ayaa ku caleemo saaray magacyo sharafeed badan sida "shujaacu diin wa dunya" "seyfu diin" "algaazi bin gaazi"

wax qabadkiisa

orkhan wuxuu ku dadaali jiray nadaaminta dawladiis sifiican، wuu u qaybiyay dawladiisa sanjaqyo(gobolo) bursa ayuu caasimad ka dhigtay

ciidamada wuxuu ka dhigay qaybo qaybo, ilmaha yurubiyaanka kirishmiska ah ee lasoo qabto ayuu ka aasaasay ciidan la magac baxay inkishaariya, waxaa lagu tababarijiray tacaalimta islaamka ka bacdi caskarnimada, waxay lahaayeen saldhigyo u gaar ah ma ayna dhax gali jirin dadka, waxay u hibeeyeen naftooda difaaca dawlada iyo diinta.

Waa la yiraahdaa ciidanka markuu sameeyay orkhan shiiq suufi caan ah oo xaaji baktaash la oran jiray buu u geeyay wuuna u duceeyay ،

inkishaariyiinta waxay ahaayeen laf dhabarka dawlada, ilaa ay mar dambe qas sameeyeen oo keenay in la burburiyo

Sandkii 1328 orkhan wuxuu soosaaray lacago dahab iyo fido ah oo dhinac kamid ah lugu qoray magaciisa dhinaca kalana magaca khaliifka cusmaaniyiinta ee jooga qaahira

Dhanka culuumta hadii la dhaho orkhan taageero xoogan buu siin jiray, culumada wuu soo dhaweyn jiray aad buuna u karaameyn jiray, madarasa heersara ah oo culuumta kaladuwan lagu barto ayuu ka aasaasay magaalada bursa, mid kalana izniik .

Tilmaamihiisa

taariqyahanka axmad bin yuusuf alqarmani ayaa yiri " wuxuu ahaa boqor weyn, Muuqaal qurxoon, dhaqan fiican, deeqsinimo buuxa, cadaalad badan, wuxuu ka dhisay izniik jaamic iyo madaraso, waana madarasadii ugu horeesay ee dawla cusmaaniya laga dhiso".

Ibnu baduuda ayaa markuu booqday anaadool xiligii orkhan wuxuu ka dhahay "Waa boqorada turkida kan ugu weyn, ugu badan xoolo magaalooyin iyo caskar, wuxuu leeyahay wax ku dhaw boqol dhufees, wuu baarbaaraa dhufeeskasta maalma ayuu joogaa soo u hagaajiyo arimihiisa"

dhimashadiisa

Sanadihii dambe ee noloshiisa wuxuu u go'ay cibaado, bursa ayuuna ku sugnaa, arimaha dawlada iyo maamulkeeda ilmihiisa ayuu u wakiishay, waxaa soo gaaray sanadii 1358 dhacdo murugo laheed in dhaxal sugihiisa suleymaan baashaa mar asoo fuushan faras oo ku simbaday dhagxaan, faraskii ayuu ka dhacay madaxa ayuu ku dhufsaday isla markii wuu dhintay aad ayuu ugu murugooday orkhan heer laga yiraahdo ajashiis waxee la soo dhawaatay murugadiis badan bishii jamaadal awal 761 hijiri ku beegan miilaadi marso1360 ayuu dhintay orkhan wuxuuna jiray 81 sano 35 sano ayuu xilka haayay،

Xaasaskiis iyo ilmahiis

xaasas badan ayuu guursaday orkhan qaar Muslim ah iyo kuwo kirishtan ah qaar asoo nool bay dhinteen, ilmo badan ayuu dhalay wiilal iyo gabdho

  • suldaana bak khatun waxay u dhashay
    • khadiija khatun
  • holofira khatun waxaa dhalay qalcada yani xisaar ninkii heestay asal ahaan waa biriizandiyad waxay is guursadeen ayagoo yar yar waxay dhashay
  • Bayaalon khatun
  • aasboorja khatun waxay dhashay
    • Ibrahim basha
    • faaduma khatun
    • suljuuq khatun
  • tiyudoora qanaataqoozin khatun waxaa dhalay imbiraadoorkii biriizanda yoxanaa lixaad qanataqozin waxay dhashay
    • khaliil basha
  • maryam khatun waxaa dhalay imbiraadoorkii biriizanda andronikos sedexaad
  • iftan diisa khatun waxaa dhalay adeerkii gunduuz alb
    • suleymaan basha wuxuu ahaa dhaxal suge aabiihiis ka hor ayuu dhintay 1358

Xigasho


Tags:

Orkhan TaariiqdiisaOrkhan Qabashadiis xilkaOrkhan wax qabadkiisaOrkhan TilmaamihiisaOrkhan dhimashadiisaOrkhan Xaasaskiis iyo ilmahiisOrkhan XigashoOrkhanCusmaan gaazi

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Soomaali AlifbeetBuulo BurdeBeesha hilibi daarandooleBaddacasAduunkaTunisiyaTurkigaDegmooyinka Gobolka BanaadirBeeraha SoomaaliyaGobolada MidoobayIsmaaciil saleebaanXisaabBiyo-xireenka HorukacaKismaayoNaasleyJamhuuriyadda KongoAxmed TeersoSextubeAbu BakrInternational Standard Book NumberGuurBiyoCilmiga bulshadaTaariikhIsiraynWariyeXasan Sheekh MaxamuudXisbiga KulmiyeXasan Aadan SamatarXiriirka Turkiga-SoomaaliyaWadamada AfrikaFalastiinNubian Gold CorporationXaasaska Nebi MuxamedDowlad HooseGeelFaadumo MaandeeqNamibiyaAbaajibilTamarBeeldaajeSkotlandWabiga ShabeelleGaraad Jaamac Garaad CaliAxmed IdaajaaXafada daha baardheereGar adagDayax GacmeedQaaradahaIsmaaciil Cumar GeelleSoomaalidaMaamulgoboleedka SoomaaliyaHartiRaxanweynFaransiiskaXagalQaramada MidoobayAsharaafBiciideFaraanti galis (far)Warta NabadaGujisWajaaleCali Cafii Fiqi OmarHodan CabdiraxmaanCiise (qabiil)CawramaleCabdiqaadir YamyamSuugaanta SoomaalidaSuuradWadanCismaan yoonisBaasaboorka SoomaaliyaLTE (isgaarsiin)QoomaalMurursadeXulbad🡆 More