Raxanweyn (Af ingiriis :Rahweyn; Af Carabi :رحنوين ) waa Beel kamid ah Beelaha Soomaalida kuwaasi oo degan Geeska Afrika .
Raxanweyn Waa beel Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Bay, Bakool,Gado,Jubada Dhexe, Jubada Hoose & Shabeelada Hoose.
Flag of South West state of Somalia.svg | |||
Meelaha ay ku badan yihiin | |||
---|---|---|---|
| |||
Luqada | |||
Af-Soomaali iyo af Garre iyo af-Tunni iyo af-Dabarre | |||
Diinta | |||
ISLAM: Jamaacadaha Ahlu sunno waljamaaca, Suufi, Salafiya, Jama'atul Muslimin | |||
Dadka ay dhalyo wadagaan | |||
Sodoo kale dalka kenya Iyo Ethopia .
Digil iyo Mirifle waa beel kamid ah beelaha soomalida , waa dad tariikh weyn ku leh dhulka somalida iyo wadamada Soomaaliya xaduudda la leh. Raxanweyn waa dad ilaah ku maneystay Kheyrad fara badan meelaha ay ka degaan dhulka soomaaliya, waayo meelaha ay ka degan yihiin dalka waa meesha laga helo 10% dhaqaalaha waddanka.
Digil& Mirifle waxay ku hadlaan lahjado fara badan; Beelaha Digilka waxey ku hadlaan ilaa 4 Lahjadood; Beelaha Mirifle waxay ku hadlaan Maay-Maay, oo xoogaa ka duwan Luqadda Soomaalida kale ku hadasho oo ah Lahjadda Maxaa-Tiri-ga loo yaqaano.
Digil & Mirifle waa dad xoolo dhaqato iyo beeroley ah .Digil iyo Mirifle waa bulsho dhulkeeda aad barwaaqo u ah oo laga soo saaro dhammaan waxa dalka laga cuno sida: Galleyda Masagada Qudaarta noocyadeeda kala duwan iyo waxyaabaha la dhoofiyo inta badan sida: Mooska oo ay Soomaaliya aad caanka ugu tahay, Babaayga, Qaraha,Bombeelmada iwm. Digil iyo Mirifle waa dad aaminsan wax soo saarka dhulka iyo dhaqidda xoolaha waana dad jecel nabad ku wada noolaashaha iyo martgelinta walaalahooda kale ee beelaha dalka wax ka deggan. Sidoo kale D&M waxay caan ku yihiin xafidka Qur,aanka iyo baridiisa Dhamaan geyiga Soomaaliya iyo xitaa dalalka deriska nala ah sida Kenya & Itoobiya. Macallimiinta qur'aanka ka dadka bara meel kasta oo soomaali ay ku nooshahay 90% waa Digil iyo Mirifle, Taasi oo ah hibo uu allaah ku manneystey. Digil iyo Mirifle waa qowmiyada keli ah ee laga heli karo (Aabe iyo hooyo iyo wiilashooda iyo gabdhahooda oo subac qur'aan u wada fadhiya, ayagoo xaafidiin wada ah) Taasi waa dhaqankooda soo jireenka ah ee Rabbi ku manneystay. Maanshaa Allaah. Digil- Mirifle waa dad nabada jecel samir badan.
D & M waxay degaan dhamaan koonfur galbeed soomaaliya labada webi iyo xitaa Ethopia,Kenya iyo meelo kale ee ka mid ah bariga Afrika.waaqabiilka ugu dhul qurxoon wuxuna dagan yahay labada wabi waxaana laga quudiyaah 18 ka gobol somalia tusaaale ahaaan waxaa ka baxa qudrada laga cuno dalka Soomaaliya oo dhan sida muuska cambaha liinta isbaandheys ka. sido kale beeshani waxa ay degtaa Baay, bakool, jubbada dhexe, jubbada hoose, Gedo, iyo shabeelaha hoose.
waxay ukala baxaan sagal iyo sideed Dhalsha haan qaar waa digil qaarna waa ilma cumar diin khuduub faqi cumar.
waxaa la sheegaa in digil uu ka koobanyahay todobo qabiil, ma aha sidaasi ee eeg qabaa'ilada kale iyo kuwa kaloo ka maqan halkan:
Wiki Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Raxanweyn, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.