Dawlada Cosmaniya

Boqortooyadii Cusmaaniyiinta loogu dhawaaqo: /əmən/; 'Af Turki : Devlet-i ʿAlīye-i ʿOsmānīye; Luuqada Turkig maanta: Osmanlı İmparatorluğu ama Osmanlı Devleti), sidoo kale loo yaqaano Saldanadii Turkiga, Cusmaaniyiinta Turkeyga, waxay ahayd boqortooyo Islaamiya oo awood yeelatay qarnigii 13aad deegaano ka mid ah waqooyigalbeed wadanka maanta loo yaqaano Turkiga.

Boqortooyada waxaa asal ahaan bilaabay ismaamulkii beelaha ee ka jiray deegaanada Antanoliya wakhtigaasi, waxaana markiiba awooda qabsadey ninkii loogu magaca daray boqortooyada Cusmaankii I.

Ottoman Empire
Af Carabi : ar
Devlet-i ʿAlīye-i ʿOsmānīye
Life span?
Dawlada Cosmaniya Dawlada Cosmaniya
Calan (1844–1922) Astaanta ciidanka (1882)
Motto
دولت ابد مدت
Devlet-i Ebed-müddet
"The Eternal State"
Anthem
Noocyo badan
(1808–1922)
Dawlada Cosmaniya
Location of Boqortooyadii Cusmaaniyiinta
Ottoman Empire
Dhulka boqortooyadu ka talin jirtey 1683.
Caasimadda
Luqadaha
Diinta
Government
  • Boqortooyo
  • (1299–1876)
  • (1878–1908)
  • (1920–1922)
Suldaan
 - 1299–1326
Cusmaankii Koowaad (ugu horeeyay) 
 - 1918–1922
Mehmed VI (ugu dambeeyay) 
Khaliif
 - 1512–1520
Selim I (ugu horeyay) 
History
 - Bilaabatay
Enter start year 
 - Burburkeeda
Enter end year 

Hordhac

Dawlada Cosmaniya 
Dawlada Cosmaniya
Dawlada Cosmaniya 
Maxamed al-Faatex
Dawlada Cosmaniya 
Dowladda Cosmaniya

Dowladii Cusmaaniyiinta (1299-1924) waxay ahaayeen dawlad Islaamiya taasi oo aasaasey Cismaannkii Koowaad. Dowlada boqortooyadani waxa ay xukuntay dhul aad u balaaran, waxaa ka mid ah Aasiya (sida Bariga Dhexe wadanada maanta loo yaqaano), Geeska Afrika, iyo meelo badan oo ka mid ah Yurub.

Boqortooyadii dowlada Cusmaaniyiinta waxaa saldhigeeda ugu wayni ahaa magaalada Istanbuul, ee maanta ka tirsan wadanka Turkiga.

Taariikh

Asalka cusmaaniyiinta

asal ahaan cusmaaniyiinta waxay ka soo jeedaan aasiyada dhexe, Waana qabiil turki ah oo la yiraahdo kaay, waxay dagi jireen buuraha altaay iyo bada qazwin inta u dhaxeyso, duulaamadii tataarka awgeed ayee uga soo qaxeen dhulkooda, waxay dageen meel u dhaw magaalada khilaad, mudo kadib duruufo jira awgeed waxay u guureen darta dijla, halkaas ayuu ku dhintay kaaba qabiilkood suleymaan shaah, qabiilka wuu qeybsamay ardogrol oo ahaa mid ka mid ah wiilasha suleymaan shaan iyo inti raacay waxey u guureyn magaalada arzanjaan, wuxey la kulmayn dagaal u dhaxeeyay salaajiqada oo hugaaminaayay calaaudiin iyo khawaarzimiyiinta, ardogrol wuxuu la saftay oo taageeray calaaudiin,calaaudiin wuxuu ugu abaal guday ardogrol inuu dajiyay meelo u dhaw ankara, ardogrol garab istaagiisa ayuu siiwaday markii dambe suldaankii salaajiqada ayaa siiyay mandiqada sogut ee xuduudka biriizanda, wuxuuna u magacaabay ilaaliyaha xuduudka, ardogrol ayaa ku qaaday weeraro badan dhulka biriizanda, dhufeesyo qaar ayuu ka qabsaday wuxuu dhintay sanadii 1281

Aasaasanka dawlada

Kadib waxaa booskiis loo magacaabay wiilkiis cusmaan gaazi, cusmaan wuxuu muujiyay siyaasad fiican, dawladaha dariskiis ee turkida ahaa ayuu hishiisyo la sameeyay duulaamada oo ku waday dawladii biriizandiyiinta buu laba laabay wuxuu ka qabsaday dhulal badan sida karaja xisaar, enagol, belajik, izniik, iyo askee shahar

Cusmaan xiligiisa waxaa dhacday dawladii salaajiqada, dawladii waxay u qeybsantay dawlado yar yar oo toban ka badan, waxaa ka mid ah dawladii qarmaan, dawladii banii jandaar iyo dawladii banuu aaydiin

sanadii 1299 ayaa la dhahaa waa bilawga cusmaaniyiinta kadib markii ay ka go'een salaajiqada waxey muujiyeen astaanta dawladnimo waxay samaystay dawlad adag iyo ciidan aad u awood badan waxay hadaf ka dhigatay faafinta islaamka, cusmaan gaazi wuxuu dhintay sanadii 1326 miladi xiligaas ciidankiis waxey hareero ka haayeen magaalada buursa, wiilkiis orkhan ayaa hogaaminayay

Orkhan ayaa la wareegay talada cusmaan kadib wuxuu la imaaday nadaamin cusub wuxuu sameeyay walaayaad buursa ayuu caasimad ka dhigay, wuxuu lacagaha ku sameeyay magaciisa, ciidamada ayuu nadaamiyay ilmaha yurubiyaanka kirishmiska ah ee lasoo qabto ayuu ka aasaasay ciidan la magac baxay inkishaariya, ciidankaan tababar gooni ah ayuu siiyay, fidinta dawlada ayuu ka shaqeeyay dagaalada ayuu sii waday wuxuu qabsaday magaalooyinka niiqiya iyo izmiid sandii 1337 ayuu weerar ku qaaday caasimadii biriizandiyiinta Qusdandiiniya lkn kuma guuleysan qabasashadeed, ، balse imbiraadoorkii biriizandiyiinta andronikos sedexaad ayaa ka cabsaday wuxuu u orday in gabadhiis uu ku daro orkhan balse guurkan cusmaaniyiinta kama celin horay iney u socdaan, xiligiisa ayee cusmaaniyiinta cagata dhigeen yurub, jasiirada Galiiyobi wuxuu qabsaday imaarda qarsii oo ka mid ahay dawladaha yar yar ee dhashay kadib burburkii salaajiqada.

Sidoo kale orkhan wuxuu adkeeyay tiirarka dawlada, wuxuu camiray magaalooyinka masaajid buu dhisay iyo goobo wax lagu barto, wuxuu dhintay sanadkii 1360 da'diisu waxay ahayd 81 sano waxaa kaga dambeeyay talada muraad koowaad.

Muraad koowaad xiligiisa waxaa aad u awoodeestay dawladii cusmaaniyiinta, dawladiihii turkida ayaa daciifay, badanaa waxaa qabsaday cusmaaniyiinta, qaarna waxay naqdeen kuwo hoos imaada, imaaradii qarmaan ayaa isku dayday hor istaagida cusmaaniyiinta lkn muraad koowaad ayaa weerar uu ku qaaday ku qabsaday caasimadood ankara, wuxuu qabsaday magaalada adirna caasimada ayuu usoo wareejiyay wuu sii waday furashadiisa koonfur bari ee yurub, sofiyaa ayuu qabsaday sanadkii 1383, kadib salaaniik, waxa oo ku qasbay boqorada seerbiya iyo bulgeeriya xitaa imbiradorka biriizanda inay u hogaasamaan jizya sanadla ah ay bixiyaan,

Boqoradii kirishmiska ayaa kulmeen waxay qeeli dhaan u direen baabaa orbaan shanaad waxay ka dalbeen inuu ka taageero la dagaalanka muslimiinta iyo in ay ka saaraan yurub, wuu ka yeelay, woxa uuna ku baaqay dagaal saliibi ah ee lagu difaacayo yurub, sanadkii 1389 ayee fooda is dareen ciidankii kirishmiska ahaa oo ka kooban seerbiyiin, albaaniyaan, boosniyan iyo ciidanka cusmaaniyiinta, dagaal adag kadib cusmaaniyiinta ayee guusha raacday, hase ahaatee muraad koowaad dagaalka ayuu ku dhintay waxaa loogu magac daray dagaalkan dagaalkii Kosofo

bayazid koowaad ayaa xilka kaga dambeeyay dawladu waxay ahayd inay aad u fiday wuxuu xooga saaray siduu ku adkeyn lahaa, aalaashahar ayuu ka qabsaday biriizandiyiinta waxay ahayd dhulka anaadool meeshii ugu dambeesay ee ka joogeen, sidoo kale wuxuu xaqiijiyay midnimada anaadool kadib markuu tirtiray wixii ka haray imaaradihii turkida ahaa ee ka jiray anaadool,

Sanadkii 1393 wuxuu dhulka dhigay bulgeeriyiinta, ، boqrkii hangari sikesmond ayaa ka naxay dhul balaarsiga cusmaaniyiinta, wuxuu gurmad waydiiyay yurubta galbeed baabaa buunifaas sagaalaad ayaa ku baaqay weerar saliibi ah oo ka dhan ah cusmaaniyiinta waxaa yeelay boqorkii hangari iyo hogaamiya yaasha faransiiska, baafaariya hostoriya iyo fardooleyda qadiis yoxanaa, labada ciidan waxay ku kulmeen dagaalkii nikobolos waxaana si xun ugu jabay ciidankii kirishmiska, wuxuu hareereeyay Qusdandiiniya labo jeer lkn dhufeesyadeed ayaa celiyeen tiimuurlank ayaa ku soo duulay cusmaaniyiinta waxaa dhaxmaray 1402dii dagaalkii Ankara oo lagu jabshay cusmaaniyiinta waxaa la qabsaday bayazid, xabsiga ayuu ku dhintay sanadii 1403dii.

xiligii rabshada (1402-1413)

waxaa bilaawday kadib guuldardii dagaalkii Ankara rabshado iyo fitno badan, timuurlank ayaa dib u soo celiyay imaaradihii turkida ahaa ee anaadool sida qaramaan saaruukhaan karmiyaan, ، sidoo kale bulgeeriyiinta iyo seerbiyiinta ayaa dib usoo ceshadeen dawladahooda, wax yar un baa u haray cusmaaniyiinta intaas waxaa sii dheeraa dagaalada ka dhax bilaabmay wiilasha bayazid ee isku haysta xilka kadib dhimashada aabahood wiilasha is heystay waa suleymaan, Maxamad, ciisa, iyo muusa ugu dambeyn waxaa adkaaday 1413dii muxamad koowaad wuxuuna awooday in uu soo celiyo qaar ka mid ah dhulalkii ay dawladu weyday

soo laabashada dhul balaarsiga iyo furashada Qusdandiiniya

Maxamad koowaad kadib talada waxaa la wareegay muraad labaad, muraad labaad wuxuu sii waday soo celinta imaaradaha iyo magaalooyinka ka go'een dawlada, wuxuu hareereeyay Qusdandiiniya lkn kuma guuleysan qabsashadeyda, kadib wuxuu isku dayay mandiqada balqaan in uu hooskeeno awoodiisa wuxuu furtay dhowr magaalo iyo dhufeesyo magaalada balgaraad ayuu qabsan waayay, ، yurub ayaa ku baraarugtay halista cusmaaniyiinta dawladaha boolanda, hangari, korweeshiya litwana iyo kuwo kale ayaa ciidamo aruursadeen dagaalkii faaranaa ayee kula kulmeen cusmaaniyiinta 1444 jabweyn ayaana ka soo gaaray muraad labaad waxaa xilka kaga dambeeyay muxamad alfaatix, wuxuu diirada saaray furashada Qusdandiiniya 1453dii ciidamo badan ayuu aruursaday iyo madaafic waaweyn iyo usduul weyn, badda iyo dhulka ayuu ka hareereeyay biriizandiyiinta difaac weyn ayee u muujiyeen caasimadooda lkn 53 bari kadib cusmaaniyiinta ayaa galeen magaalada kadib markii madaaficdooda ku dumiyeen qeybo ka mid ah darbiga magaalada, maalinkaas ayaa loo bixiyay "alfaatix" caasimada ayuu adirna kasoo raray Qusdandiiniya usoo raray wuxuu u bixiyay "islaambuul" yacni magaalada islaamka, sidaas ayee ku dhacday dawladii biriizanda ama ruum kadib markii ay jirtay kow iyo toban qarni.

sanadihii xigay wuxuu sii waday muxamad alfaatix furashooyinkiisa, wuxuu qabsaday dhulka serbiya dhulka Moora ee koonfurta gariiga, gobolka aflaaq iyo albaaniya, wuxuu jabshay bunduqiya, midnimada anaadool ayuu soo celiyay asoo ka taqalusay imaarada qaramaan iyo darabazon, wuxuu isku dayay furashada talyaaniga lkn geerida ayaa u timid Sandkii 1481

Xiliga balaarashada iyo awooda (1453-1683)

Waxa loo qaybin karaa xiligaan taariikhdii cismaaniyiinta laba qaybood. qaybta hore waxa ay tahay xilgii horumarka iyo awooda milatari taas oo soo gaadhsiisnayd sanadii 1566 iyo taariikh kale oo ay dawladaasi soo martay xiliyo adag iyo dhibaatooyin siyaasadeed, waxaanay soo gaadhsiisanayd sanadii 1683.

Kadib markii uu dhintay suldaan Muxamed al-faatix waxa xukunka ku murmay labada wiil ee uu ka tagay bayazid iyo jam, laakiin waxa adkaaday oo loo doortay boqor baayasiid. kadib walaalkii waxa uu u cararay dhankaas iyo masar halkaas oo uu kaalmo karaadsaday dawladii katalinjiratay masar xiligaas ee Dawladii Mamaaliikta kadib halkaas wuu katagay oo waxa uu aaday dhanka jasiirada Rodos halkaas oo uu isku dayay in uu gacansiiyo ciidamadii hogaamiye diimeedka (Knights Hospitaller) iyo dawladaha reer galbeedka.

Bayazid labaad wuxuu ahaa nin nabada jecel dagaalna galin inuu is daafacaayo maahee, wuxuu la dagaalamay jamhuuriyada bunduqiya weerarada oo usduulkood ku qaaday bilaada moora awgeed, mamaaliikta ayuu la dagaalamay kadib markii suldaankood qaaytibaay go'aansaday qabsashada imaarada dilqaadir iyo magaalada albastan ee hoos imaayeen cusmaaniyiinta, wuxuu jeclaa lafariisiga culumada .

Xiligiisa ayee dhacday garnaada oo ahay meeshii ugu dambeesay ee muslimiinta ka joogeen andalus, wuxuu diray doomo si muslimiinta iyo yahuuda u dajiyo magaalooyinka dawlada ka taliso, ،

Isla xilgiis ayee ka soo baxday dhulka iiraan dawlad shiico ahayd oo halis ku ahayd cusmaaniyiinta waa dawladii safawiyiinta oo hugaaminaayay ismaaciil al-safawi

Xiliyadiisa dambe waxaa khilaaf ka dhexdhacay ilmihiisa, wiilkiis saliim koowaad ayaa afgambi ku sameeyay aabiihiis, wuxuu dhintay bayazid labaad 26 may 1512, saliim koowaad waxaa looga baahnaa is af garad in uu la sameeyo dawladaha yurubiyaanka ee deriska yihiin soo ugu firaaqo helo halista safawiyiinta, wuxuu la galay hishiis mudadiisu dheertahay, dhanka bari ayuu u jeestay wuxuu hadaf ka dhigatay qabsashada wadooyinka ganacsi ee bari iyo galbeed, mideynta awooda islaamka, iyo ka hortagida halista shiicada, shiico gaareesa 40kun oo shiico ah ayuu anaadool ku laayay, saliim iyo shaah ismaaciil ayaa fooda is daray dagaalkii jaldiiraan oo lagu jabshay shaahawuuna cararay saliim wuu soo naqday mamaaliikta ayuu ladiriray dagaalkii maraj daabiq ayuu ku jabshay suldaankii mamaaliikta qansoo alguuri ayaa lagu dilay dagaalka, weerar koodi ayee kusii wadeen dhanka masar mar kale ayee mamaaliikta is ku dhaceen dagaalkii riidaaniya 1517 taas oo ku cirib tireen mamaaliikta, ، shariifkii maka ayaa ku wareejiyay suldaan saliim furayaasha xarameynka, wuxuu qiray dhulka barakeesan inay hoos imaan doonaan cusmaaniyiinta

isla waqtigaas kii u dambeeyay khulafada cabaasiyiinta mutawakil sedexaad ayaa khilaafda uga dagay suldaan saliim, maalinkaas wixii ka dambeeyay boqorada cusmaaniyiinta waxay qaateen magaca khaliifka islaamka iyo amiirulmu'miniin saliim koowaad wuxuu ka dhigay dawlada awood gobol oo aad u weyn wuxuu dhintay 22 September 1520

xiligii dahabiga ee dawlada

suleymaan qaanuuni ayaa talada la wareegay wuxuu u jeestay dhanka galbeed dagaalo ayuu qaaday wuxuu qabsaday magaalda balgrad sandii 1521, jasiirada rodos ayuu la wareegay 1523, wuxuu weerar ku qaaday boqortooyada hangari, isbahaysi adag ayaa ka hor imaday dagalkii muuhaakish ayuu uga adkaaday boqortooyadii ayuu dumshay, fiyeena caasimada hostori ayuu hareereeyay balse wuu ka soo laabtay nafaqdiyaa kago'day

1532 ayuu mar labaad hareereeyay fiyeenaa balse kuma guuleysan qabsashadeyda, wuxuu la saxiixday boqrokii hangari ferdinal hishiis, waxaana ku qasbay hishiiska shaaha iiraan dahmaasib oo ku soo dhaqaaqay dawlada, iiraan ayuu weerar ku qaaday baqdaad ayuu ka qabsaday safawiyiinta wuu bursaday shaaha, caasimadood tibriiz ayuu galay

Xiligiisa waxay xaqiijiyeen cusmaaniyiinta guulo dhanka bada, kheyrudiin barboosa ayaa lahaa mahadaas oo dhoor mar jabiyay usduulka boqrtooyada isbeen, furashooyinkiisa muhiimsan ee usduulka cusmaaniyiinta xaqiijiyay, waxaa kamid ah xoreenta tiriboli 1551 oo ka xoreeyeen isbeen iyo fardooleyda qadiis yoxanaa

Xiliga fadhiidnimada ee dawlada

1566 ayuu dhintay suleymaanqaanuuni, waxay gaartay dawlada xiligiisa heerkeedii ugu sareesay, ka gadaal dhimashadiisa dawlada waxaa ku imaaday daciifnimo, boqorada ka dambeeyay waxay ahaayeen kuwo liito sadrulacdamka ayaa badanaa hoolahaa maamulaayay, mashaakil badan baa soo wajahday lakiin saameyn kuma yeelan 1683 ayee toos u bilaabatay fadhiidnimada kadib markii ku jabtay dagaal hostori iyo dawlado kale ay la gashay dhul badan bee ku weesay, soo ifbixida ruushka dawlad awood leh xiligii bodros Wayne waxay sii xumeesay xaala dawlada ruushka ayaa dagaalo badan la galay cusmaaniyiinta dhul badan buu ka qabsaday sida qaram

Isku dayo dib u hagaajin

Saliim sedexaad markuu xilka qabtay hagaajin badan buu bilaabay dhanka ciidanka iyo maamulka balse ciidanka inkishaariyiinta ayaa qalad u arkay wuxuu waday afgambi ayee ku sameeyeen weyna dileen

Saliim sedexaad xiligiisa ayuu dhacay kacdoonkii faransa, naabulyoon ayaa ku soo duulay masar 1798 waxuuna ujeedkiis ahaa udiidida ingiriiska inuu gaaro hindiya balse cusmaaniyiinta oo gacan ka helaaya ingiriiska ayaa dib u saaray

Xiliga dhicitaanka (1828-1908)

xaaldaha ayaa sii xumaaday waxaa bilaabay kacdoomo ay qowmiyadaha sameynayaan oo u dagaalamaya see uga go'i lahaayeen dawlada, waxay taageero buuxa ka helaayeen dawladaha yurub gariiga ayaa goosteen 1832 serbiya 1835 romaaniya 1878 maxamed cali baashaa ayaa masar goostay wuxuu lasoo baxay awood sareesa

Dawladaha yurub ayaa u bixiyay "ninka xanuunsan" waxaa durbadii soo waxa loogu magac daray "arinta bariga" oo looga doodayo sidii loo kala qaadan lahaa dhulka dawlada cusmaaniyiinta kadib markee dhacdo, faransiiska ayaa qabsaday aljeeriya 1830 sidoo kale tuniisiya 1881 ingiriiska ayaa qabsaday masar 1882

Xiligii kala furfurashada iyo dhamaadka dawlada

Waxaa soo baxay ururo qowmi ah oo calmaani ah oo dalbanaaya in la sameeyo dastuur waxaa ka mid ahaa urur la yiraahdo "midnimo iyo koritaan" waxay la wareegeen dawlada 1908 dastuur ayee sameeyeen isla sanad kadib way afgambiyeen suldaankii dawlada cabdixamiid labaad waxay saareen xilka muxamad shanaad boqortooyada hostoriya hangari ayaa faaideesatay oo ka qabsatay dawlada boosniya iyo harsak, talyaaniga ayaa asna qabsaday liibiya 1911

Hadana dagaalkii balqaan ayaa dhacay 1912-1913 oo dawlada ku weesay badnaa dhulkeeda yurub

Dagaalkii koowaad ee dunida (1914-1918)

waxay gashay dawlada dagaalkii koowaad ee dunida kaa oo noqday mindidii dhameestirtay markuu dhamaaday dagaalka waxay ku waasay dhamaan dhulkeeda caasimada ayaa lasoo galay way isdhiibtay waxaa lagu xukumay hishiiskii seefar oo mar dambe lagu badalay hishiiskii loozaan

Musdafa kamaal ataturki ayaa ku dhawaaqay curashada dawlada turkiya wuxuuna dalka ka buriyay 1924kii khaliifkii cusmaaniyiinta u dambeeyay cabdimajiid labaad

Liiska boqorada cusmaaniyiinta

kuwo boqor bas ahaa 
  • Cusmaan gaazi koowaad: (1281-1326)
  • Orkhan: (1326-1359)
  • Muraad koowaad: (1359-1389)
  • Bayazid koowaad : (1389-1402)
  • Xili rabsho : (1402-1413)
  • Muxamad koowaad: (1413-1421)
  • Muraad labaad: (1421-1444) markii koowaad
  • Muxamad alfaatix: (1444-1446) markii koowaad
  • Muraad labaad: (1446-1451) markii labaad
  • Muxamad alfaatix: (1451-1481) markii labaad
  • Bayazid labaad: (1481-1512
Kuwo isku eh boqor iyo khaliif  
  • Saliim koowaad: (1512-1520)
  • Suleymaan qaanuuni : (1520-1566
  • Saliim labaad : (1566-1574)
  • Muraad sedexaad : (1574-1595)
  • Muxamad sedexaad : (1595-1603)
  • Axmad koowaad : (1603-1617)
  • Musdafa koowaad : (1617-1618) markii koowaad
  • Cusmaan labaad (1618-1622)
  • Musdafa koowaad : (1622-1623) markii labaad
  • Muraad afaraad  : (1623-1640)
  • Ibraahiim koowaad : (1640-1648)
  • Muxamad afaraad (1648-1687)
  • Suleymaan labaad : (1687-1691)
  • Axmad labaad : (1691-1695)
  • Musdafa labaad : (1695-1703)
  • Axmad edexaad : (1703-1730)
  • Maxamuud koowaad : (1730-1754)
  • Cusmaan sedexaad : (1754-1757)
  • Musdafa sedexaad : (1757-1774)
  • Cabdixamiid koowaad : (1774-1789)
  • Saliim sedexaad : (1789-1807)
  • Musdafa afaraad : (1807-1808)
  • Maxamuud labaad : (1808-1839)
  • Cabdi majiid koowaad: (1839-1861)
  • Cabdi caziiz koowaad: (1861-1876)
  • Muraad shanaad : (1876)
  • Cabdi xamiid labaad: (1876-1909)
  • Muaxamd shanaad : (1909-1918)
  • Muxamad lixaad : (1918-1922)
khaliif kaliya  

Cabdi majiid labaad (1922-1924)

Sidoo kale fiiri

Tixraac


Tags:

Dawlada Cosmaniya HordhacDawlada Cosmaniya TaariikhDawlada Cosmaniya Liiska boqorada cusmaaniyiintaDawlada Cosmaniya Sidoo kale fiiriDawlada Cosmaniya TixraacDawlada CosmaniyaAf-TurkiBoqortooyoHelp:IPA for EnglishIslaamTurkiga

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

XarardheereHindiyaCabdicasiisJadwalka CuriyayaashaXarafMakawHargeysaSheekh Isxaaq2007Saldanada Geledi2004Woqooyiga AmeerikaBiciideAbooreeyAstaanta Calanka CirdhowTalyaanigaWarbixin SoomaaliyaDadka Baantuga SoomaaliyaXeer ciiseBuulo MareerMarookoDhagaxtuur2021Garaadtooyada DaraawiishSaaxilMaxamuud hartiAbgaalHabar GidirUdeejeenHanti maguurtoBardhereDowlad HooseCabdalle SabdiAwdalInternational Standard Book NumberNuurudiin zankiXisbiga SYLNelson MandelaDaangoJaabir bin cabdilaahMurursade2024GoogleMagaaloBaasaboorka SoomaaliyaDhulbareMUUSE ISMACIILGeed TimirDowladda federaalka kumeelgaarkaGaaljecelMadagaskarAmeerikada koonfureedAsadu-diin shiirkuuDagaalMaroodi JeexKoobka AdduunkaUsaama bin zeydBakteriyaAxmed CigaalGolweynLiiska magalooyinka ugu dadka badan qaarada africaHabar YoonisGaldogobDhulka Talyaaniga ee SoomaaliyaBolandImaamu ShaaficiAf-JiidoMidowga AfrikaBlackpinkDawlada ayuubiyiintaToljecleSamaaleItoobiyaMisir🡆 More