Asharaaf Sarmaan

Ashraaf sarmaan waa beel Kamid ah Ashraaf Xasani

Asharaaf Sarmaan

Waxayna halmeel wada degaan qabiilada Digil iyo Mirifle , waxayna beeshu Ku abtirsataa Sheekh Shariif Yacquub bin Yaxye oo loo yaqaan (Sagaal Xajiile) bin Canuun bin Abuubakar Barakaat bin Nuume Bin idriis bin C/qaadir bin Yaxye bin Sheekh Cabdul-Qadir Jilani bin Abii Saalix muusaa Jinkiduusti bin Cabdillahi Al-jiili bin Yaxya Al-zaahid bin Maxamed Al-madani bin Daawud Al Amiir bin Muusa Al thaanii bin C/llahi Al-ridaa bin Muusaa Al juun bin Cabdi llahi Al- maxdi bin Xasan Al muthanaa bin Xasan Al sibdhi bin Cali bin Abii dhaalib R.C.

Sheekh Shariif caydaruus bin shariif Cali Al nudeyri al Calawi wuxuu kusheegey kitaab kiisa (بغية الآمال في تاريخ الصومال bagga (284) :

“أنّ أشراف سرمان هم من أشراف الحسنيين من ذرية السيد يحيي بن الشيخ عبدالقادر الجيلاني (الولد الأصغر للسيد عبدالقادر) وكانت أمه حبشية ارتيرية، فبعض من ذريته زحفوا إلى الحبشة ثم إلى أذري (هرر) واتصلوا بأخوالهم الحبشيين وصاهروهم ومنها زحفوا أيضا إلى الصومال وخصوصا في أرض سرمان من اراضي رحوين وصاهروهم أيضا، وبعد مضى السنين والأعوام انقلبت طبائعهم العربية ولون بشرتهم، فهذا حقيقة تاريخية ثانية”).

Beeshu waxa dagan ahan lagu yaqana goboladda laysku yirahdo Koonfur Galbeed Somalia iyo ""Jubaland""

Magaca sarmaan asalkiisa waa magac geed waana magaca magaalada Sarmaan , sababta loogu bixiyey ayaa ah Geedka Sarmaan ayaa kubadan magaaladaas , kaddibna waxaa loogu daray dadkii Halkaas degnaa.

Asharaaf Sarmaan
أشراف سرمان
Asharaaf Sarmaan  Soomaaliya
Asharaaf
Meelaha ay ku badan yihiin
Sarmaan Weyn , Rowlo jinaad , Asalan Iyo Aliyow Dooyow , Kal iyo Kooraar , Xamiinow , Jimaali ,Shantè, Baaqey, Aarak , War Cumar, Warqadey, Moolmad,
Baardheere , Berdaale , Awdiinle ,luuq , Goobweyn,Goof Gaduud ,
Luqada

Somali

Diinta

Islam, Sunni

Dadka ay dhalyo wadagaan

AshraafCarab Digil iyo Mirifle

Asharaaf Sarmaan

Goormey soo gaartey asharaaf sarmaan dhulka xabashida iyo koonfurta soomaaliya ?

Bartamaha qarnigii 13 miilaadiga / 7 Hijriga ayaa waxaa magaalada Harar soo gaarey qaar kamid ah caruuta Sheekh C/qaadir bin Sheekh Abuu Zakariyaa Yaxye binu Sheekh C/qaadir Al jiilaani , si ay ugu faafiyaan diinta islaamka Gobolka geeska Afrika ayaga oo kasoo gudbeen baabul mandab ee badda Cas, waxay usoo guureen dhulka Xabashi gaar Ahaan magaalada Harar, Meeshaan ayey degeen .

Kaddib waxaa dhacday Degaakii weynaa ee udhaxeeyey xabshida iyo muslimiinta Geeska afrika dega gaar ahaan soomaalida , Sidaas Daraaded Ayaa Magaalada Harar kasoo qaxday koox Kamid ah Asharaafta ayagoo oo hogaaminaya Qabiilada Digil iyo Mirifle Waxay usoo qaxeen dhanka koonfurta soomaaliya ayaga oo Hogaaminayo Sayid Shariif Anuun Bin Abuubakar Barakaat bin Nuume Bin idriis bin C/qaadir Bin Yaxye Bin cabdi qaadir Al jeylaani .

Sayid Anuun wuxuu kudhashtey Magaalada Harar , waxaana kusoo barbaaray kuna waxbartey Isla magaalada Harar , Anuun ayaa ku dhintay jidka ayaga oo kasoo guureen Harar Una soo guureen Koonfurta soomaaliya , waxaa lagu Aasay tuulo Markaas kaddib loo bixiyey (RAYDAB ANUUN ),oo udhexeyso Gobolka Bokool iyo Hiiraan.

RAYDAB ANUUN ayaa kunagaadeen kooxdii lajirtay awowe Anuun 10 sano, inta uu lagu Guda jirey tobankaas sano awoowe Yaxye Anuun ayaa meeshaas kaxajiyey Sagaal jeer , Ilaa uu udhameystirantey sagaal Xaj , waxaana ku Caan baxay markaas kadib ( sagaal xajiile).

Sagaal xajiile wuxuu kamid yahay Culimada asharaafta ee soomaaliya kuwaas oo dowr weyn kuleh faafinta diinta islaamka , waxaa lasheegaa in 30 dufcadood dugsi udhameysay.

Intaas kadib Yaxye Anuun (Sagaal xajiile) waxaa uu unoqdey magaaladad Harar meeshaas oo ay joogaan Qaraabada iyo owlaada Abtiyaashiisa oo kamid ah dadka degan magaalada Harar, Muddo yar kaddib waxaa uu go’aansaday inuu usoo Laabto dhulka koonfurta.

Sagaal xajiile Ayaa kudhintay Gobolka Gedo Waxaana meydkiisa lagu Aasay meel loo yaqaano (Irmaan Qare ) oo udhaxeysa Tiyeeglow iyo Beledweyne, Meeshaas oo ah hadda Xudduda udhaxeysa Qabiilada Raxanweyn iyo Hawiye.

Yaxye Anuun Ayaa dhalay hal wiil oo layiraahdo Shariif Yacquub .

Beelaha Asharaaf Sarmaan

Shariif Yacquub Wuxuu dhalay sagaal wiil iyo hal gabar:

1- Maxamed Yacquub

2- Xasan Yacquub

3- Isxaaq Yacquub oo looyaqaan (waabgale )

4- Aadan Yacquub oo loo yaqaan (Dhilaale )

5- Xasan yare Yacquub

6-Isxaaq Yare Yacquub

7-Nuure Yacquub

8- Cismaan yacquub

9- Cimraan Yacquub

10- Xaliimo Yacquub

Maxamed Yacquub waxaa ukala baxaa 4 lafood:

Xasan Yacquub waxaa ukala baxaa sadex lafood:

1-Cashar Roobel Aarak

2-Cali Rooble Aarak

3-Cimraan Rooble Aarak

Isxaaq Yacquub (Waabgale) Waxaa ukala baxaa labo :

1-Maxamed Abuukar

2-Ibraahim Abuukar

Aadan Yacquub Waxaa ukala baxaa 2 lafood oo waaweyn :

1-Adeere Aadan

2-Dhure Aadan


Cimraan Yacquub wuxuu u kala baxaa labo:

1- Wiyeed Cimraan

2- Daaye Cimraan


Daaye waxaa ukala baxaa afar jufood :

1-Foqa wardheere

2-Roobow wardheere

3-Mishib wardheere

4-Cali wardheer

Wiyeed Waa saddex :

1.Cumar Wiyeed

2. Wardheere wiyeed

3. Abuukar wiyeed

Cumar Wiyeed Waa Afar Lafood :

1-Kheyrow Caalim

2-Suubow Caalim

3-Sheeqow Caalim

4- Bare Caalim


Wardheere Wiyeed oo loo yaqaan Faraciisa (Asharaaf Cumar Iyo Cabdalle) waa 8 lafood :

1- Roobow Rinjeele

2-Sheeqow Rinjeele

3-Aadan Rinjeele

4-Cali Rinjeele

5- Xasan Aadan

6-Khalaf Aadan

7-Cali Aadan

8- Asharaaf Qardabe


Abuukar Wiyeed waa labo Lafood :

1- Cabdullahi Abuukar (Reer Aw Anuun)

2-C/raxmaan Abuukar

Tags:

AshraafBeelSarmaanXasan ibn Cali

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

WarsangaliBalidhidhinMadiinaBeesha reer maxamed Maxad caseLiiska magaalooyinka SoomaaliyaCiise (qabiil)Cusmaan gaaziShiicaAbaajibilHiiraanKalandarka MiilaadigaDhaqaallaha SoomaaliyaBocor guduudLiska Salidka MawduucyadaSaraarOperating systemDhaqanDhirGurgura (beel)Maahmaah Xarafka AKeski qabeAhmed Maxamed XasanIsgaarsiintaXayawaanMia KhalifaShunburoTogdheerDudubleInternetXijaasSadaxleeyFilimada qooq-kobcinta jilicsanaanBoocFaraanti galis (far)AbsameHibo NuuraOgsajiinSuugaanta SoomaalidaDagaalkii ciraaq iyo iiraanOogXamarweyneDhaqanka SoomaaliDayniileAf IngiriisCawramaleCiidanka Asluubta SomalilandCiid al-FitrMidowga Maxkamadaha IslaamigaGusMurursadeUgbaad AragsanSiigeysiBunMiddle ShabelleDaahir Rayaale KaahinDiiwaanka Caasimadaha AfrikaSaynisMadaxweyneyaashii SoomaaliyaBoqortooyadii DarawiishKoonfur AfrikaDurbaanJijeeleRee XasanDegmada Feer-feerCufHodanTiirarka Islaamka🡆 More