Saraar waa Gobolka u dhexeysa Togdheer iyo gobolka Sool.
Sool Sool Sool | |
---|---|
Dalka | Somaliland |
Gobol | Saraar |
Dowlada | |
• Badhasaabka | Ahmed mohamed hashi |
• Land | 500 km2 (200 sq mi) |
Tirada dadka | |
• Dhammaan | 100.480 |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Furaha | +252 |
Degmada Caynabo ayaa ah magalada caasimada u ah Gobolka saraar waana magalada ugu weyn, gobolka waxa ku yala Banka saraar oo aad u Qurux badan xilliga roobka iyo barwaaqada. Waa mid weyn dherer iyo Ballac intu legyahay waa kii Faysal Cumar Mushteeg lahaa. " Tan iyo xalay waan soo soconnee, Saraari ma jidkii Siraad baa". Waxa loogu wanqalay Gobolka Saraar oo ay Caasimad u tahay Degmada Caynaba.
Laamaha HJ ee Saraar ku dhaqan waxaa ka mid ah Beelaha Muuse abokor, Beesha cumar Jibriil iyo beesha Sacad Yoonis oo ka tirsan Habar Yoonis
Dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa Gobolka Saraar ku dhawaad Boqol Kun. 50.000 waxa doorashada inay codeeyaan iska diiwaangaliyey 31-kun oo cod bixiye.wana gobolki ugu codka badna marka laga yimado 6da gobol ee waweyn. Waa gobol xoolo dhaqato, Beeralay, iyo Ganacsato.
Waa xaruntii Colkii Soocane ee Cumar Jibriil iyo reeryoonis ee uu Hoggaamiyaha ka ahaa Kite Fiqi Yuusuf (Kite Fiqe) waa xarunt abwaankii iyo Abaanduulihii Geesiga ahaa Maxamuud Jaamac Nuux (Maxamuud Daallin).
Xagga Ganacsiga waxa ka soo jeeda Cabdi cawed cali (indhadeero) iyo Qaasin Qodax oo ahaa xiddigo xoolahoodu ifiyey guud ahaan dhulka Soomaalida gaar ahaanna Soomaalilaan.
Xagga Diinta waxa ka soo jeeda Sheekh Cali Warsame oo ahaa Aasaasihii Al-itixaad qaybtii Soomaaliya.
Halgankii SNM waxa ka soo jeeda Mujaahid Aadan Tarabbi Jaamac (Tuug-Tarabbi) oo ahaa aasaasihii Guutada 7-aad ee SNM. Guutaale oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee qori gaadhi saara. Cabdiraxmaan Maxamed Case oo ahaa Taliyihii Guuto koowaad snm.
Saraar waa Gobolka u dhexeysa Togdheer iyo gobolka Sool.
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Saraar, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.