Maahmaah Xarafka A

waa Maahmaah ka bilaabata Xarafka A

  • Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
  • Aan wada hadalno waa aan heshiino.
  • Aar qoyey dawaco la mood.
  • Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
  • Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
  • Abeesada tan shanqarta iyo tan aamusan, tan aamusan baa la qaatay.
  • Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
  • Abkeey dooli( jiir) diloow, dad nool maas u dahaa.
  • Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
  • Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey.
  • Adduun i khatal.
  • Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
  • Ari been wuu didaa beense ma dhutiyo.
  • Ari jiri ma kala abaal waydo.
  • Ari jiri xil bay wadaagtaa.
  • Ari magantii ma barriiyo.
  • Ari shidho laga daayo.
  • Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
  • Aduun wey kii amoodeey ogaaw.
  • Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
  • Af aamusani marti ma sedo.
  • Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
  • Af aanad lahayn lama qabto.
  • Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha kuu daaqdo.
  • Af Daboolan Dahab .
  • Af hadlaaba aamus.
  • Af jabtay sideedii ma noqoto.
  • Af jooga looma adeego, adimo lo'aadna looma arooro.
  • Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
  • Af nooli waa hadlaa Eeyna waa ciyaa.
  • Af waa kane, may lagi aami.
  • Af wax cunay xishoo.
  • Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
  • Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
  • Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
  • Af-ka nool abooto mudac.
  • Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
  • Afkii dab yiri ma guban.
  • Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
  • Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
  • Alif kaa xumaaday Albaqra kaama tooso.
  • Alla aamin ma iisho.
  • Alle watow wehel uma baahna.
  • Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
  • Allow aqoon xumo hanagu cadaabin eexna hanooga tagin.
  • Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe.
  • Ama waa la muuqdaa ama waa la maqnaadaa.
  • Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
  • Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
  • Arrad waa dan, uskagse waa doqonimo.
  • Arrin aan sidii futo riyaad hadaan la feydin, ma fayoobaato.
  • Atoorku intiisuu guun ku yahay.
  • Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
  • Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
  • Awrba awrka ka horreeya ayuu saan qaadkiisa leeyahay.
  • Ayax teg eelna reeb

Tags:

Maahmaah

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

XasanDhedigGeed HindiCumaanXVideosDiinsiWikimediaCabdiqaasim SalaadRochesterXeebjireCiidanka Xooga SoomaaliyaXasuuqii IsaaqBadweynta KoonfuredMacdanSaylacIbrahim WasugeyareJigjigaGadabuursiYuhuudaOgadenReer XaamidBiyoBaarliinKanadaGalmada dabadaAfrikaJubbada HooseMidowga SofiyetAf-TurkiShaydaanGedoAxmed FaaraxXiman & xeebGurgura (beel)AstaamaynSSC-Khatumo stateMagacUrurka Iskaashiga IslaamkaMaahmaahSeerbiyaJabuutiMuuse Shiikh IsxaaqAfgooyeAf-SoomaaliAikaGobolada JabuutiWarshada Dharka ee BalacadSaldanadii AjuuraanKhadiijoMaxmuud SangubBadweynta AtlaantikAw qudubOrgiDumaashiQamadiTaariikhda SoomaaliyaBoqortooyadii DarawiishXikmada Nolosha iyo FarxadaDadNabi Suleymaan C.S.LubnaanUmm Kaltuum bint MuxamedSuuriyaGaaljecelCabdiqadir KaamilWabiga NijerRaage UgaasIngiriiskaNigisCumar bin cabdi caziizShunburo114 Suuradood🡆 More