Sadaxleey

wax maka faaiiMaahmaah
Labaaleey
Saddex lama dugsado

Afareey
Shanleey
Lixleey
Toddobaaleey
Siddeedleey

Saddexleey waa qeyb ka mid ah Maahmaahda oo ka kooban saddex qeybood.

Rag saddex lama raaco:

  • Ma fikire
  • Ma faa'idayste
  • Ma foorarsade.

Rag waxa ugu liita:

  • Ma hadle
  • Ma heenseeye
  • Ma haasawshe.

Rag waxa ugu liita:

  • Looma maahmaahe
  • Looma sheekeeye
  • Looma soo gale

Ragi saddex bay u kala baxaan:

  • Wax tegay ka hadhidii
  • Wax jooga ka hadalkii
  • Wax soo socdaaaa ka haloosigii.

Ragu saddex waa iskaga mid

  • Magaca
  • Magta
  • Muuqa.

Saddex baa rag u liita:

  • Matoshe
  • matashade
  • matashiishe

Saddex Ilaahey waa karaa, mase suurowdo:

  • Ilaahow guursan maayee wiil i sii
  • Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii
  • Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee

Saddex markaan bartaan ka gaboobay:

  • Dab ollolintiis
  • carruur aamusinteed
  • awr carraabintiis

Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan:

  • Faraska xun
  • Naagta xun
  • Hoyga xun

Saddex la lama dego

  • Doqon fiiro taqaan
  • Fulay daandaansi yaqaan
  • Bakhiil damac yaqaan

Saddexna la lama saaxiibo

  • nin aan rabi aqoon
  • nin aan rag aqoon
  • nin aan run aqoon

Saddex raggu way ku halaagman:

  • Hami beenah
  • Hanti booli ah
  • Hooto dagaal

Tags:

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Howraarsame AmaanreerDegmada Tuli guleedPerthBaraaweMurursadeMucawiyaXariiradQofCasuus (midab)SomalilandWikibidhiyaLisaDimoqraadiDadka SoomaalidaSuugaanta Reer AlmisErayga soomaaliMaxmuud SangubLionel MessiQajaarSurre (beel)Qolobaa CalankeedSNMKudhaaMoringa (geed)Wabiga NiilHeerkulSuudaanFaadumo MaandeeqFalastiinSadaxleeySoomaalidaBahda BisadaKomishanka Doorashooyinka QarankaAngela WhiteCabdi TahliilBartireLeefida dabadaMakaahiilAqoonCumar (saxaaba)Caruurta Nebi MuxamedSheekh IsxaaqFarta CismaaniyaCaliMeereDegmooyinka Gobolka BanaadirEratareyaMia KhalifaFiat 682 N3Nabi Luud C.S.Dhaqanka SoomaaliVentusky.comJalmadRee XasanWorld Wide WebDhulDaadmadheedhBoqortooyada Soojireenka SoomaaliyaFar SoomaaliAf-maldahaJabaanGalbeedka AfrikaSiyaad BarreSoomaaliyeedBaqdaadTaariikhda HollandMagaalooyinka puntlandCumar DhuuleGarooweCimiloAstaamayn🡆 More