Hiba Maxamed Hodoon (Af Carabi : ar) ku caan ah magaca Hibo Nuura waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan.
Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Hibo Maxamed Hodoon loo siiyay magaca weyn ee Hooyada Fanka Soomaaliyeed. Intaasi waxaa dheer, Hibo waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Hibo Nuura.
Hibo Nuura Hibo Maxamed Hudoon هبه محد هدون | |
---|---|
Ku dhashay | Dilla, Awdal | Maajo 21, 1958
Degenaansho | Minneapolis, MN, Maraykanka |
Qoomiyada | Soomaali |
Shaqada | Heesaa, Fanaanad, laxamiiste, jilaa |
Sanadaha Shaqada | 1970kii-2014 |
Ka tirsan | Kooxda Waaberi (1974-1998) |
Shaqooyinka ugu muhiimsan | Heeso wadani, heeso jacayl, qasaa'id |
Magaalada ka soo jeedo | Borama, Awdal |
Ciwaan | Hibo Nuura; Hooyada Fanka, Qalbi Nuura |
Diinta | Sunni Islaam |
Badhtamihii sanadkii 2014ka, fanaanada Hibo Nuura waxay waxay ku dhawaaqdey ineey ka baxdey fanka iyo suugaanta, maadaama ay da' ahaan gaadhey heerkii lagu cibaadeysan lahaa. Fanaanadu waxay hada ku nooshahay magaalada Minneapolis, Minnesota ee wadanka Maraykanka.
Hibo Maxamed Hodoon waxay ku dhalatey magaalada Dilla ee gobolka Awdal, Waqooyiga Soomaaliya ee maanta loo yaqaano Somaliland. Ayada oo yar ayaa waalidkeed u soo wareejiyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal; halkaasi ooy ku qaadatey waxbarashadii dugsiga hoose iyo dhexe. Ka dib, waxay u soo wareegtay magaalada Hargeysa ooy ka biloowday fanka iyo suugaanta ilaa markii dambe ay u gudubtey xarunta wadanka Soomaaliya waa caasimada Muqdisho.
Fanaanada Hibo Nuura waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.
Fanaanadu waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Heesaha fanaanada Hibo Maxamed Hodoon waxaa ugu caansan oon soo qaadan karnaa:
Hiba Nuura waxeey ka baxday Fanka 6dii February, 2015 weeyna ka toowba Keentay waxeeyna codsatay inaan la dhageeysan dhammaan heesaheedi oo idil.
Fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.
Magaca | Kooxda | Wakhtiga Fanka | Sawirka | Faalo Kooban |
---|---|---|---|---|
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo) | ||||
Maxamed Saleebaan Tubeec | Hobolada Waaberi | 1967dii ilaa 2010kii | Boqorka Codka | |
Xaliima Khaliif Magool | Hobolada Waaberi | 1969kii ilaa 1993dii | Boqorada Codka | |
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) | Hobolada Waaberi | 1974tii ilaa maanta | Hooyada Fanka | |
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) | Hobolada Waaberi | 1971dii ilaa maanta | Cod Wanaagsane | |
Maxamed Nuur Giriig | Hobolada Waaberi | 1970kii ilaa | ||
Qamar Maxamed Xuseen | Hobolada Waaberi | 1980kii ilaa 1994tii | Gabadha Fanka | |
Saalax Qaasim | Hobolada Waaberi | Aabaha Fanka | ||
Khadra Daahir Cige | Hobolada Waaberi | 1978kii ilaa hada | Boqorada Fanka | |
Saado Cali Warsame | Hobolada Waaberi | 1979kii ilaa hada | ||
Cabdi Nuur Alaale | hobolada Jabuuti |
| ||
Maxamed Mooge | Hobolada Waaberi | 1971dii ilaa 1988dii | Madaalaha Fanka | |
Xasan Aaden Samatar | Hobolada Waaberi |
| ||
Axmed Mooge Liibaan | Hobolada Waaberi | 1973dii ilaa 1991dii | ||
Maxamed Mooge Liibaan | Hobolada Waaberi | 1962dii ilaa 1980dii | ||
C.Qadir Macalin Jubba | kooxda Waaberi | 1979kii ilaa maanta | Yarka Sanadka | |
Cumar Dhuule | kooxda Ileys | 1972kii ilaa 1998dii | ||
Sahra Axmed | kooxda Ileys/Hobolada Waaberi | 1978dii ilaa 2004tii | Quruxda Fanka | |
Faadumo Cabdilahi Maandeeq | ||||
Cabdule Yusuf Hanuuniye | Hobolada Waaberi | Ma daalaha Waaberi | ||
Cumar Shooli | ||||
Axmed Naaji Sacad | ||||
Axmed Nuur Jaangow | ||||
Siciid Harawo | ||||
Axmed Yaasiin Digfeer | ||||
Shimaali Axmed Shimaali | kooxda Dalmar/Kooxda Ileys | 1982dii ilaa maanta | Jeceeyloowga Fanka | |
Maxamed Xasan Lafoole | ||||
Cumar Dhuule Cali | ||||
Aamina Cabdilahi Xirsi | ||||
Kinsi Xaaji Aadan | ||||
Saalax Qaasim Naaji | ||||
Cawaale Aadan | 2005tii ilaa maanta | Xidigga Fanka |
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Hibo Nuura, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.