Axmed Digfeer

Taariikhda fanaankii Digfeer Ilaahay ha u naxariisto qalbigiisana ha u waasiciyo Yaasiin Axmed Goox Digfeer.

Axmed yasiin Goox Digfeer wuxuu ku dhashay gobolka Qorraxay ee dhulka SoomaaliGalbeed dabayqaadii dagaalkii labaad ee Adduunka, xili qiyaastii ku beegan sanadihii 1947 ilaa 1950kii qarnigiii Labaatanaad. Burburkii Soomaaliya kaddib, Digfeer waxa uu inta badan ku noolaa magaalooyinka Jigjiga iyo Jabuuti. Wuxuu ku geeriyooday magaalada Hargeysa sanadkii 2002-dii. Alle ha u naxariisto. Abwaanku beel ahaan wuxuu kasoo jeede beesha reer horogle

wuxuu ahaa markii koowaad Yaasiin Axmed Digfeer uu ka soo muuqdo riwaayaddii' Ugub Jacayl Iyo Af Kala Qaad' ee uu alifay nin caan ku ahaa magaca Ina Baaruud. Waxay soo gaadhay Yaasiin Digfeer, waxa uu qaaday heestii' Kaalay Kaalay Kol li Imo, dadkii goobta joogay oo ka badnaa 300 oo qof way diideen in Digfeer Kabanka wareejiyo , sidii ayaanu saddex heesood oo kale ku qaaday. Waxyaabaha gaarka u ahaa Yaasiin Digfeer waxa ka mid ahaa in uu kaalinta koowaad kaga jiray Billadda Tumista Heesaha Fudud ( Saambo / Jaas) waxaana la sheegaa inaanu jirin qof sidiisa u tumay inta la ogyahay Fanka Soomaaliyeed.


Heeesihi Ahmed yaasiin Digfeer Waxa ka mid ahaa kuwan hoota ku qoran.


Dayaxa iyo cadceeda Bidhaantaada inanyahay Guyaal badan Nin Ku Gaya Ayaankagu Daranaa Nimcooy Dhulka Ina Cabday Labaleey Gacalo Canab Qarni Geeriyoda kuwa ugu danbeeyay Jeeb maran Sagal Taariikhda Garab Haygu nicin hanti laaan Isku Aayni Sacab Beena Bidhaan Hooto Saxiibku waa beer Beyo Cashqeeygii Qarni Geeriyoda Jaceelkeenii shaafoow Boqorqdii Hablah Nabsi Masikow Saaxib Waan ka Xaumahay Gar baan kuu dhiganayaa Barigii horeetaba.


Bilawgii sanadkii 1970 - kii, Soomaaliya waxaa ka bilawday Kacdoon Faneed, waxaa aasaasantay Kooxdii Hobolada ee Waaberi ka dibna , sanadkii 1973 waxa la saasay kooxaha Onkod iyo Horseed oo kala hoostagi jiray Milatariga iyo Asluubta Soomaaliyeed. Axmed lidow Abtiile ( Axmed Nuur Jaangoo ) oo xiliyadaasi ka mid ah Fanaaniinta

Tags:

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

SigaarQur'aanCabdirashiid SharmaarkeFanka SoomaalidaInternetFilimada jaceylkaRaxanweynSoomaalilandRahLabaaleeyDhaymooleMaansoWarshadNabi Luud C.S.ShanleeySuugaanta Reer AlmisSSDFQaramada MidoobayXasan ganayAsharaaf sarmaanSaylacSolomadowAf-SawaaxiliKhadiijoCumar (saxaaba)Sunny LeoneCiise (qabiil)Dalia MubarakIsaaqDangorayoTaariikhda MasarDimoqraadiAfgooyeIbraahim bin MuxamedDaahir Rayaale KaahinWaqooyiga SoomaaliyaDhaga yare (geed)WikimediaDhulka Soomaalida ee IngiriiskaSoonXuseen Bin Cali Bin Abii DaalibBe LoveGeeriSingabuurOPECShareecadaMuraad koowaadBiyo-xireenka HorukacaDharkeenleeyQaawanaanta ee filimantaIlmi boodhariTiyeegloowBadweynta HindiyaManchester City FCCaa'isha binti AbiibakarNebi Maxamed c.sXaasaska Nebi MuxamedCigaal shiidaadAwstriyaKhilaafada IslaamkaDhagoolCumar FaaruuqUunsiGarxajisJubbada Hoose2024LibiyaBarasiliyaCiid al-FitrXaaji salaxMemory cardJarso🡆 More