Cusmaan Yuusuf Keenadiid (Af Ingiriis : Osman Yusuf Kenadid, Af Carabi : ar) wuxuu ahaa nin Soomaali gabayaa, halabuur, qoraa, barre, hogaamiye iyo alife.
Cusmaan waxaa si fiican loogu xasuustaa abuurida Farta Cismaaniya oo ka mid ah far-qorkii ugu horeeyay Taariikhda Soomaaliya.
Cusmaan Yuusuf Keynadiid Osman Yusuf Kenadid عثمان يوسف كينايديض | |
---|---|
Ku dhashay | Soomaaliya |
Qoomiyada | Soomaali |
Shaqada | Gabayaa, halabuur, qoraa, barre, hogaamiye |
Ciwaan | Suldaanka Boqortooyadii Hobyo |
Cusmaan Yuusuf wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacayo, ee ku taala badhtamaha wadanka Soomaaliya. Cusmaan waxaa dhalay Suldaankii Yuusuf Cali Keenadiid oo ahaa ninkii aasaasay Saldanadii Hobyo. Wakhtiyadii ugu horeeysay noloshiisa wuxuu Cusmaan ku soo qaatey meelo kala duwan asagoo waxbarasho diini iyo maadi ah ku mashquulsanaa. Markii aabihii geeriyooday, wuxuu Cusmaan la wareegay hogaanka Saldanadii Hobyo.
Intaas waxaa dheer, Cusmaan wuxuu qoray buugaag badan oo cilmi diini iyo maadi iskugu jira, kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah samaynta Far Soomaaliga, buugaag Juquraafi, Cilmi Fallag, Saynis, gabayo iyo taariikh iyo kuwo kale.
Cismaan Yuusuf Keenadiid wuxuu ka mid ahaa halyayada u reebay ummadda afsoomaaliga ku hadasha summad iyo dhaxal gal qiime leh.
Wuxuu sannadkii 1920kii soo allifay far xuruufo dhammaystiran oo kaabi kara inlagu qoro Af-Soomaaliga. Fartaasi waxay ka mid tahay farihii u horreeyey oo qof soomaali ahi allifo, waayo aqoonyahannadii kale ee ay ka mid ahaayeen Sheekh Yuusuf Al Kawnayn "Aw Barkhadleh", Sheekh Aways, Ibraahim Bin Cabdalle Mayal waxay wax ku qori jireen far carabi la afsoomaaliyeey, oo waxay adeegsan jireen farta carabiga. Waxaa kale oo far gaar ah soo saaray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo isna far gaar ah lahaa.
Fartaas uu Cismaan Yuusuf Keenadiid soo saaray waxaa la yidhaahdaa Cusmaaniya.
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Cismaan Keenadiid, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.