Cabdulaahi Bin Mascuud

Abuu Cabdiraxmaan Cabdullaahi bin mascuud Al-hudali waa saxaabi ka mid ah saxaabada kuwa ugu caansan uguna aqoonta badan, waana mid ka mid ah kuwa u hijrooday xabasha iyo madiina, wuxuu wadi jiray kabaha rasuulka scw iyo cadaygiis

Cabdulaahi Bin Mascuud
magaca cabdulaahi bin mascuuf

.

cabdulaahi bin mascuud
عبدالله بن مسعود
saxaabi
xog ku saabsan
aabihiisa: mascuud bin gaafil
hooyadii umu cabdi binti cabdi wud
Dhashay: 594
Ku dhashay: makka
Diintiisa: Islaam
xaaska Zeynaba binti abii mucaawiya
ilmahiisa
walaalihiis Cutba bin mascuud
Dhintay: 32H
Ku dhintay: madiina

Taariikh nooleedkiisa

Bilaawgiisa

Cabdulaahi bin mascuud bin gaafil bin xabiib oo ku nisbo sheegto ree sacad bin hudeyl bin mudrika waxa oo ku dhashay makka 594 miilaadi, Hooyadii waxaa la oran jiray umu cabdi binti cabdi wud, waxeyna ahayd ree banii zuhra magaalada makka ayuu ku barbaaray ibni mascuud, wuxuuna u raaci jiray dadka ree makka ariga.

Islaamida

Islaamida ibin mascuud waa horeysay waxaa lagu sheegaa inuu ahaa qofkii lixaad ee islaama, Qisada uu ku islaamay waxey ahayd:

Maalin baa waxaa soo maray asigoo ari la jira Abuubakar RC iyo Nebiga scw, waxey weydiisteen caano ay cabaan, ibni mascuud ayaa ugu jawaabay inay amaano ku yihiin agtiisa cidna uu ka waraabin karin, Nebiga scw ayaa ka dalbay inuu u keeno lax aana wali oorka boodin, markuu keenay candhada ayuu ka masaxay caanaaba ka imaaday weel ayee ku listeen asaga iyo abuubakar weyna cabeen, ibni mascuud wuu yaabay, wuxuuna ku dhahay Nebiga I bar hadalkaan fiican (quraanka), Nebiga scw ayaa ku dhahay "waxaa tahay canug wax la baray" .

Maalinkaas wixii ka dambeeyay ibni mascuud wuu iska daayay qoosaarnimada wuxuuna u go'ay u khidmeena rasuulka scw, mana ka hari jirin safar iyo nagaasho. Hooyadii iyo walaalkiis ayaa iyagana qaatay diinta islaamka.

Qofkii u horeeyay ee Kor u qaada quraanka makka

Gaalada qureysh aa cadaadis daran ku heysay muslimiinta mana jirin cid ku dhiiran karto inay quraanka muujiso aa ka ahayn Nabiga scw. Maalin baa waxaa meel ku kulmay saxaabada waxey is dhaheen qureysh waligeed ma arag quraanka oo kor loo qaadayee miyuu jiraa qof maqashiin karo?. Ibni mascuud ayaa yiri aniga igu daaya, saxaabada ayaa ku dhaheen adiga qaraabo ku difaacdo ma qabtid waa kuu baqeenaa, wuxuu dhahay iga taga ilaah baa qabaa asaa I dhoorayo, qureysh oo kacbada ag dhooban ayuu u tagay suurada al-raxmaan buu ku dul aqriyay, qureysh baa ku xanaaqday waxey ku bilaabeen dil, dhaawac badan bay gaarsiiyeen, ibni mascuud oo dhaawaca ka muuqdo ayaa ku soo laabtay saxaabada, waxey dhaheen; saan ayaa kaaga baqeenay, wuxuu u sheegay inuu diyaar u yahay bari inuu ku laabto, waxee dhaheen may waad maqashiisay waxey nacaayeen bas waay.

Hijradiisa xabasha kadibna madiina

Ibni mascuud wuxuu maray dhibkii kasoo gaaray muslimiinta hore xaga Qureysh taas oo keentay inuu u hijroodo xabasha soo u la badbaado naftiisa iyo diinkiisa, sanado ka dib makka ayuu ku soo noqday hadana madiina ayuu u haajiray kadib markuu Nebiga scw faray saxaabada inay u haajiraan.

Hijrada ka dib

markuu madiina u haajiray, rasuulka scw ayaa la walaaleeyay sacad bin mucaad ama mucaad bin jabal sida riwaayaadka qaar qabaan, wuxuuna kala qeyb galay nabiga scw dhamaan dagaalada, dagaalkii badar wuxuu qofka dhameystiray abuu jahal ka dib dhaawacii ilmo cafraa ey gaarsiiyeen, Nabiga scw ayaana siiyay seefta abuu jahal. Dagaalkii uxud wuxuu ku juray in yar oo Nabiga scw ku hartay dadkii markey yaaceen

Watigii khulafa raashidiin

wuxuu qeyb ka qaatay ibni mascuud furashada shaam, dagaalkii yarmuuk ayuu xaadiray, asigaana qeybiyay maalinkaas ganiimada, Furashooyinka ka dib wuxuu jecleestay inuu dago ximsa, ilaa oo uga yimid amarka khaliifka labaad cumar inuu aado Kuufa Ciraaq si dadkeeda oo u baro diinta una saacido talyaheeda cusub camaar bin yaasir, ibni mascuud waxaa uu tagay kuufa faafinta diinta ayuuna ka bilaaway dad badan ayuu soo saaray ilaa 4000 oo qof baa la sheegaa inay gaarayaan dadkii uu wax baray

Geeridiisa

kolkii uu bukooday bukaankii dhimashada ayaa waxaa u booqasho ugu yimid khaliifka muslimiintaCusmaan bin Cafaan, wuxuuna ku yiri: " maxaad ka sheegaynaysaa?. Ibni Mascuud ayaa ku jawaabay: "Denbigayga ayaan ka sheeganayaa". Cusmaan ayaa dhahay: "Maxaad u baahan tahay?" Cabdullaahi bin Mascuud: "Naxariista Rabbigay". Cusmaan bin Cafaan: " mushaarkii aad sannado kahor diiday inaad qaadato ma kuu amraa in lagu siiyo?" Cabdullaahi bin Mascuud: " uma baahni mushaarkaas". Cusmaan bin Cafaan: " haddaba, gabdhahaada ayaa qaadanaya adiga gadaashaa". Cabdullaahi Ibnu Mascuud: Gabdhahayga miyaa waxaad uga cabsanaysaa faqrinimo?, waxaan faray inay habeen kasta aqriyaan suuradda Al-waaqica.., maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa waxaan ka maqlay isagoo leh: ruuxii aqriya habeen kasta suuradda Al-waaqica faqri kuma dhaco weligii "

Dhimashadiisa waxey ahayd sandkii 33aad ee hijiriga, dhoor iyo lixdan sano ayuuna jiray waxaa ku tukaday Cusmaan bin Cafaan RC, Qabuuraha baqiic ayaana lagu aasay .

La saaxiibidiis rasuulka

Ibni mascuud wuxuu u laazimay Nabiga scw sidii hooskiis oo kale, marna kama hari jirin safar iyo nagaasho, waxa uu wadi jiray kabaha wuu u galin jiray markuu u baahdo, markii kalana asaa hayn jiray, wuxuu hagaajin jiray firaashkiisa, cadayga iyo weysada ayuu u wadi jiray Rasuulka scw, haduu Nebiga scw xaajo gudanaayo asagaa ahaay inuu asturaayo, siduu Nabiga scw uga dhawaay heer wuxuu gaaray loogu yeero "Saaxibu swaad" yacni sir hayaha rasuulka scw wuxuu aad u badin jiray inuu ugu galo Nebiga scw guryihiisiisa, abuu muusa ashcari ayaaba mooday markuu yaman ka yimid ibni mascuud iyo hooyadii inay ka mid yihiin Ahlu-Beytka nabiga scw badnaasha u galidood Nabiga scw awgeed.

Darajadiisa cilmiga

Ibni mascuud wuxuu Nabiga scw ka qaaday cilmi aad u badan, 848 xadiis ayuu ka wariyay Nebiga scw wuxuuna ka mid ahaa dadka diinta loogu noqdo, gaar ahaan quraanka iyo tafsiirkiisa, wuxuu dhahay ibni mascuud "Rasuulka scw ayaa afkiisa ka qaatay dhowr iyo todobaatan suurad " Mar kale wuxuu nftiisa ka dhahay "ilaahay baa ku dhaartee ma jirto suurad kitaabka Alla ka midah aana ogeyn meeshee ku dagtay, aayadna ma soo dagin illaa waa ogahay sababta ay ku soo dagtay ". Wuxuu lahaay ibni mascuud cod aad u macaan Nabigana scw wuxuu jeclaa inuu ka maqlo maalin buu ku dhahay «igu dul aqri suurada al-nisa» wuu yaabay ibni mascuud wuxuu dhahay «see kugu aqriyaa adigaaba laguugu soo dajiyee» Nabiga scw ayaa dhahay «waxaa jeclahay inaa ka maqlo qof kale» wuu ku dul aqriyay markuu gaaray [ فَكَيْفَ إِذَا جِئْنَا مِنْ كُلِّ أُمَّةٍ بِشَهِيدٍ وَجِئْنَا بِكَ [عَلَى هَؤُلَاءِ شَهِيدًا, ayuu nabiga scw ilmeeyay.

Wuxuu dhahay Nabiga scw "Quraanka ka qaata Afar ibni mascuud, Ubay, mucaad iyo saalim mowla abii xudeyfa"

Sidoo kale Wuxuu dhahay Nabiga scw; "Qofkii farxineeso inuu Qur'aanka aqriyo asigoo u qoyan sidii lagu soo dajiyay haka aqristo ibni mascuud"

Abuu muusa ashcari ayaa dhahay "yaana wax lee weydiin caalimkaan intuu nii dhax joogo"

Fadligiisa

Ibni mascuud wuxuu qaatay hanuunkii Rasuulka (scw), sidoo kalena wuxuu ka akhlaaq qaatay sifooyinkii suubanaa ee Rasuulka (scw), wuxuu Rasuulka kaga dayday dhammaan astaamihiisii wanaagsanaa, ilaa laga yiraahdo: Cabdullaahi wuxuu aad ugu eg yahay Rasuulka (scw) xagga hanuunka iyo xagga muuqaalkaba

Imaamu axmad ayaa ku wariyay musnadkiisa ibni mascuud oo geed ka goosanaya caday inay dab\eeshu marba dhinac u leeleexisay, saxaabada ayaa ku qosleen, Nabig scw ayaa dhahay maxaad la qosleysaan? Waxey dhaheen jilicsanaanta luguhiisa Nabigii allow wuxuu dhahay: Allaha nafteeya haaya baa ku dhaartee miizaanka qiyaama wey ka culus yihiin buurta uxud.

Xigasho

Tags:

Cabdulaahi Bin Mascuud Taariikh nooleedkiisaCabdulaahi Bin Mascuud La saaxiibidiis rasuulkaCabdulaahi Bin Mascuud Darajadiisa cilmigaCabdulaahi Bin Mascuud FadligiisaCabdulaahi Bin Mascuud XigashoCabdulaahi Bin MascuudHijrada xabashaMedinaSaxaabi

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Xussein XasanHuriwaaNebi Maxamed c.sCuntoLoolSamaaleDalxa bin Cubeydilah R.C.DhulDawladii CabaasiyiintaMaakhirIsraaiil1991IlaahayNugaalCarabiUgaas Xasan Ugaas YaasiinGobolada MidoobayKalandarka MiilaadigaGaraad Jaamac Garaad CaliMaxamed Cabdulaahi MaxamedQaaradahaBajeelaHabar ejiAqalka Madaxtooyada SoomaaliyaDiinsoorSolomadowWayback MachineShillin SomalilandAikaSaynisArjantiinaWabiga ShabeelleCismaan yoonisNebi Aadam C.SHiiraan StateJuqraafiga SoomaaliyaKacbadaMuduloodCaruurta Nebi MuxamedTurkigaHabar GidirIngiriiskaDaguuroMaroodi JeexCanabMaxamuud hartiGanacsiTaariikhda SaxaabadaIsiraynUgbaad AragsanMaxamed gorgaateNabi Suleymaan C.S.BolandWikimediaDawladda federaalka SoomaaliyaAsharaafFinlanRaxanweynKaarboonGujisWasaaradda Arrimaha Dibedda SoomaaliyaWoqooyiga AmeerikaWaroodka HowlwadaagDegmada Feer-feerKeenisyoMuuse BiixiAstaanta Calanka CirdhowBiciidBaydhaboHuruudBarasiilNabiyada iyo Rususha Qur'aanka lagu sheegay🡆 More