Hijrada Xabasha

Hijrada Xabasha ama U haajirida saxaabada ee Xabasha waa dhacdo Taariikhi ah waana markii Saxaabadii hore u hijroodeen dhulka Xabshida (Maanta Itoobiya Iratariya iyo Soomaaliya ) ayagoo ka cararaya tacadiyada ay kala kulmaayeen Qureysh, Boqorkii Xabashida Najaashi ayaa soo dhaweeyay muslimiinta, waxey ahayd Hijrada sanadkii 5aad ee bicsada, Saxaabo tiro yar oo kow iyo toban Rag iyo afar Dumar ayaa markii hore baxeyn laakin way soo laabteen ka dib markii ay maqleen reer Makka inay islaameyn, warkaas oo sax noqonin, Mar labaad waxaa u soo haajiray Xabasha 83 Rag oo la socdaan xaasaskood iyo caruurtood, waxaana madax u ahaa Jacfar bin Abii daalib .

Hijrada Xabasha

Hijrada koowaad

Markii Islaamka soo shaac baxay waxey wajaheen muslimiintii ugu horeeyay ee diinta qaatay gaar ahaan danyarta dhibaatooyin badan oo kaga imaada xaga Qureysh heer saxaabo badan u dhintaan, Nabiga scw markuu arkay wuxuu kula taliyay saxaabadliis Xabasha inay u haajiraan, wuxuuna dhahay:《Hadaa dhulka Xabasha aadi lahaydeen waxaa jooga boqor aa agtiisa cidna lagu gardareyseen, waana dhul runta ka jirto intuu ilaahay faraj niiga furaayo waxaa ku sugan tihiin》. Markii ugu horeysay waxaa haajiray 11 Rag iyo afar Dumar oo madax u ahaa Cusmaan bin Madcuun , waxey gaareen xeebta Bada Cas halkaas oo dooni ka raaceen, Qureysh ayaa soo daba gashay balse waxey heleen inay mar hore baxeen , Arintaan ayaa ahayd bisha Rajab sanadii shanaad ee Bicsada .

Magacyada saxaabada hijrooday

  • Abuu xudeyfa bin Cutba iyo xaaskiis Sahla binti Suheyl
  • Cusmaan bin Madcuun
  • Caamir bin rabiica Al-canazi iyo xaaskiis Leyla binti Abii xasma
  • Suheyl bin Beydaa
  • Xaadib bin Camar
  • Abuu Sabra bin Abii dirham

Soo laabashada

Kooxdan baxday wax badan sii ma joogin Xabasha waxaa soo gaaray warar sheegaya Qureysh inay islaamtay waxey go'aansadeyn Makka inay ku laabtaan bisha Soonfur ee isla sanadkii 5aad ee Bicsada , markii ay Makka kusoo dhawaadeyn waxey ka war heleen wararkii soo gaaray inuu sax ahayn waxeyna noqdeen qaar isaga laabta Xabasha iyo qaar ku gala Makka dhuumaaleysi ama magan uu qof ka heylay .

Hijrada labaad

Xigasho

Tags:

Hijrada Xabasha Hijrada koowaadHijrada Xabasha Hijrada labaadHijrada Xabasha XigashoHijrada XabashaBoqor NajaashiEratareyaItoobiyaJacfar Bin Abii DaalibMakkaQurayshSaxaabiSoomaaliya

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

IsbaniaCeerigaaboGarjante gardheere samaaleUrurka Iskaashiga IslaamkaCabdiraxmaan TuurMaxamed CigaalJijeeleGadabuursifordLifarbuul NKDagaalkii BederKoobka AdduunkaAf-maldahaRaxanweyn1964Curudka SamaroobWabiga JubbaKiristiyano RonaldoSalaaxudiin al-AyyuubiBoqolEdebdarroDhagaxtuurHartiJuqraafiOl Olaha Horumarinta Reer MiyigaGobolada MidoobaySaldanadii AjuuraanHuriwaaQabribayaxDhaqan SoomaaliShabeellaha DhexeNabi YuusufLiin bambeelmoNabiyada iyo Rususha Qur'aanka lagu sheegayFacayeCabdi TahliilTuli GuledBahda Midaysay QoraxduCumar DhuuleSiri LankaWikipedia SoomaaligaLiiska magalooyinka ugu dadka badan qaarada africaIsgaarsiintaHeerkulSuxufi IbraahimDawladii CabaasiyiintaDoorashada guud ee Somaliland (2017)JabaanUsaama bin LaadinDawladii Somaliland (1960)TogdheerJacaylUbaxMuuse BiixiDhulAntarktikaXafada daha baardheereAadan DaarSheeko SoomaaliMatabaanMaxamed abokorLiiska Afhayeenada Baarlamaanka SoomaaliyaMadaxwaynaha SoomaaliyaMia KhalifaCarabtaCabdalle SabdiMaydhKhilaafada IslaamkaLuuqad SoomaaliWabiga ShabeelleSamaale🡆 More