Farta Cismaaniya

Farta Cismaanya (Af Soomaali : Osmanya alphabet; Af Carabi : ar‎, al-kitābah al-ʿuthmānīyah; qaabka qoraalka: 𐒋𐒘𐒈𐒑𐒛𐒒𐒕𐒀) waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far Soomaaliga taasi oo uu alifey Cismaan Yuusuf Keenadiid intii u dhaxaysan sanadkii 1920kii ilaa 1922kii.

Cismaan Yuusuf wuxuu ahaa nin ka soo jeeda beesha Majeerteen, Daarood, kaasi oo uu dhalay Suldaan Yuusuf Cali Kenadiid; isla markii dambena boqor ka noqdey Saldanadii Hobyo.

Osmanya
Farta Cismaaniya
Alifbeetka Farta Cusmaaniyada.
Nooca
line-height:1.25em
LuuqadAf-Soomaali
ISO 15924Osma, 260
DirectionLeft-to-right
Unicode alias
Osmanya
Unicode range
U+10480–U+184AF

Taariikh

Farta Cismaaniya 
Cismaan Yuusuf Keenadiid

Cusmaan Yuusuf Keenadiid wuxuu ahaa nin Soomaali gabayaa, halabuur, qoraa, barre, hogaamiye iyo alife. Cusmaan waxaa si fiican loogu xasuustaa abuurida Farta Cismaaniya (𐒍𐒖𐒇𐒂𐒖 𐒋𐒚𐒈𐒑𐒛𐒒𐒘𐒕𐒖) oo ka mid ah far-qorkii ugu horeeyay Taariikhda Soomaaliya. Cusmaan Yuusuf wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacayo, ee ku taala badhtamaha wadanka Soomaaliya. Cusmaan waxaa dhalay Suldaankii Yuusuf Cali Keenadiid oo ahaa ninkii aasaasay Saldanadii Hobyo. Wakhtiyadii ugu horeeysay noloshiisa wuxuu Cusmaan ku soo qaatey meelo kala duwan asagoo waxbarasho diini iyo maadi ah ku mashquulsanaa. Markii aabihii geeriyooday, wuxuu Cusmaan la wareegay hogaanka Saldanadii Hobyo.

Intaas waxaa dheer, Cusmaan wuxuu qoray buugaag badan oo cilmi diini iyo maadi iskugu jira, kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah samaynta Far Soomaaliga, buugaag Juquraafi, Cilmi Fallag, Saynis, gabayo iyo taariikh iyo kuwo kale.

Habka Farta

Si la mid ah Farta Carabiga, farta Cusmaaniya marka la qorayo waxaa laga soo bilaabaa dhinaca bidix ilaa midig. Xarfaha fartu waxay ku salaysan yihiin xarfaha Alifbeetka Carabiga; shaqalada uu iyo ii waxaa fartani u qortaa waaw iyo yaa.

Xarfaha

Cusmaaniya Magac Laatin Nidaama Caalamiga (IPA) Cusmaaniya Magac Laatin Nidaama Caalamiga (IPA) Cusmaaniya Magac Laatin Nidaama Caalamiga (IPA)
𐒀 alef [ʔ] 𐒁 ba b [b] 𐒂 ta t [t]
𐒃 ja j [d͡ʒ] 𐒄 xa x [ħ] 𐒅 kha kh [χ]
𐒆 deel d [d] 𐒇 ra r [r] 𐒈 sa s [s]
𐒉 shiin sh [ʃ] 𐒊 dha dh [ɖ] 𐒋 cayn c [ʕ]
𐒌 ga g [g] 𐒍 fa f [f] 𐒎 qaaf q [q]
𐒏 kaaf k [k] 𐒐 laan l [l] 𐒑 miin m [m]
𐒒 nuun n [n] 𐒓 waw w [w, ʉː, uː] 𐒔 ha h [h]
𐒕 ya y [j, iː, ɪː] 𐒖 a a [æ, ɑ] 𐒗 e e [e, ɛ]
𐒘 i i [i, ɪ] 𐒙 o o [ɞ, ɔ] 𐒚 u u [ʉ, u]
𐒛 aa [æː, ɑː] 𐒜 ee [eː, ɛː] 𐒝 oo [ɞː, ɔː]

Tirada

Lambarka 0 1 2 3 4 5 6 7 8 9
Cusmaaniya 𐒠 𐒡 𐒢 𐒣 𐒤 𐒥 𐒦 𐒧 𐒨 𐒩

Sharaxaad

Farta Cismaaniya 

Farta Cismaanya waxay ahayd Far soomaali lagu qori jiray Af-Soomaaliga. Farta Cismaanya ama Osmanya, waxa qoray, nin la dhihi jiray Cusmaan Yuusuf Kenadiid. Marki uu qoray fartan waxay ehayd, intii u dhaxaysay 1920 ilaa 1922, laakiin nasiib darro, farta nuuaan ah bulshada oo dhan may gaarin. Markii hore waxa jiray muran ku saabsan farta ay yeeln doonto luqada soomaaligu. Faro kala duwan oo la soo qori jiray waxa ka mid ah Farta Boorama, Farta Kadarre iyo Farta Wadaadka oo ah farta carabiga. Waxaana 1972 lagu wada hishiiyay farta laatiinka ah. Waxa ay ahayd fartii ugu horaysay ee ay Soomaali qorto.

Sidoo kale fiiri

Linkiyo kale

Farta Cismaaniya 
Wiki Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac

Tags:

Farta Cismaaniya TaariikhFarta Cismaaniya Habka FartaFarta Cismaaniya SharaxaadFarta Cismaaniya Sidoo kale fiiriFarta Cismaaniya Linkiyo kaleFarta Cismaaniya TixraacFarta CismaaniyaAf CarabiAf SoomaaliCismaan Yuusuf KeenadiidDaaroodFar SoomaaliMajeerteenQoraalSaldanadii Hobyo

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Eastern Time ZoneMagacDuurjoogta SoomaaliyaDowladii UmawiyiintaSalaada CasirSanaagQaahiroThiin (lambar)AqoonNabi Ayuub C.S.WikipediaMoringa (geed)DiinsoorWarshada Dharka ee BalacadShabeellaha DhexeGolaha Wasiirada SomalilandJaamacadda LafooleDawladii Somaliland (1960)AasiyaHogaamiyaha dhabtaaYaanyuurHabboonBayazid labaadJabuutiQajaarYugandhaErayga soomaaliBoosaasoNabi Ibraahiim C.S.Maxamed Faarax CaydiidJadwalka CuriyayaashaMaxamed Cabdule XasanDastuurWaroodka HowlwadaagAbdullahi Yusuf AhmedNuuradAfareeyMaahmaah Xarafka ANabiyada iyo Rususha Qur'aanka lagu sheegayDoorashooyinka SoomaaliyaCiidanka Qalabka Sida ee SomalilandLoolGabayISO 4217Gobolada somalilandMucammar QadaafiWayback MachineWardheerLuqada Hindo YurubCiidanka Qaranka SomalilandDaadmadheedhCasuus (midab)BarasiilXaliima MagoolSoomaali AlifbeetNabi Nuux C.S.Shiiq bashiir yuusuf xasanDawladda federaalka SoomaaliyaRa'iisul wasaarayaashii SoomaaliyaWasaaradda Waxbarashada SoomaaliyaIsmaaciil MireCiise (qabiil)Liiska magaalooyinka Soomaaliya dadka ku noolCalanka cirdhowDekadaha SoomaaliyaHiraabMaansoMareexaanBoqortooyada Soojireenka SoomaaliyaSaalax NaajiWoqooyiga Ameerika🡆 More