Webiga Mississipi

89°15′12″W / 29.15111°N 89.25333°W / 29.15111; -89.25333

Webiga Mississippi (ingiriis: Mississippi River; carabi: نهر المسيسيبي) waa webiga ugu weyn ee dhexmara qaarada Waqooyiga Ameerika. Webigan wuxuu dhexmaraa gobolo badan oo wadanka Maraykanka ah ilaa uu ka gaadho biyo-xidheen ku yaala wadanka Kanada xaga waqooyi; iyo Gacanka Meksiko xaga koonfureed. Webigu wuxuu ka soo bilaabma Harta Itasca oo biyaha bada ka sareeysa 1,475 feet (450 m) kuna taala Kaleer County, Minnesota. Kor iyo hoos webiga Mississippi wuxuu dhex maraa ilaa 31 gobol oo ka mid ah wadanka Maraykanka, kuwaasi oo dhamaantood uu kaga tego biyo-xidheeno, harooyin iyo webiyo yaryar.

Webiga Mississippi
Webiga Mississipi
Webiga Mississippi meel u dhow Effigy Mounds, Iowa
Name origin: Erey ka yimid luuqada Ojibwe misi-ziibi, macnaheedu tahay "Webi Wayn", ama gichi-ziibi, macnaheedu tahay "Webi Balaadhan"
Dalka Maraykanka
States Minnesota, Wisconsin, Iowa, Illinois, Missouri, Kentucky, Tennessee, Arkansas, Mississippi, Louisiana
Tributaries
 - left Webiga St. Croix (Wisconsin–Minnesota), Webiga Wisconsin, Webiga Rock, Webiga Illinois, Webiga Kaskaskia, Webiga Ohio
 - right Webiga Minnesota, Webiga Des Moines, Webiga Missouri, Webiga Cad, Webiga Arkansas, Webiga Cas
Magaalooyin Minneapolis, MN, St. Paul, MN, La Crosse, Wisconsin, Quad Cities, IA/IL, St. Louis, Missouri, Memphis, Tennessee, Baton Rouge, Louisiana, New Orleans
Source Lake Itasca
 - location Itasca State Park, Clearwater County, MN
Afka Gacanka Meksiko
 - location Pilottown, Louisiana, Plaquemines Parish, Louisiana, LA
Length 2,320 mi (3,734 km)
Biyogaleen 1,151,000 sq mi (2,981,076 km2)
Dhamaadka for afka webiga; barta ugu sareeysa Baton Rouge, Louisiana
 - iskucelcelis 593,000 cu ft/s (16,792 m3/s)
 - max 3,065,000 cu ft/s (86,791 m3/s)
 - min 159,000 cu ft/s (4,502 m3/s)

Webiga Mississippi waa kan 4aad ee ugu dheer iyo midka 10aad ee ugu weyn webiyada caalamka. Sidoo kale webigani wuxuu xad la leeyahay ama dhex maraa dhamaan goboloda ka tirsan Maraykanka ee: Minnesota, Wisconsin, Iowa, Illinois, Missouri, Kentucky, Tennessee, Arkansas, Mississippi, iyo Louisiana.

Webiga Mississipi
Maabka webiga Mississipi

Dadka loogu tegay qaarada Ameerika ee lo yaqaano "Hindida Cas" ayaa wakhti aad u dheer garab deganaa webiga Mississippi ayagoo ku manaafacaadsan jirey biyaha webiga. Sidoo kale maadaama ay badankoodu ahaayeen ugaadhsato ama qadhaabsato waxay ka qaraaban jireen webiga jaankiisa ama ka guran jireen midhaha. Mudo ka dib weey garab dageen webiga ayagoo ku dhaqanaya xoolo iyo beero yaryar. Nolosha qabiilada Hindida Cas ee ku dhaqnaa webiga Mississippi dhinaciisa waxay isbedeshay goortii ay yimaadeen sahamiyayaashi gumeystaha reer Yurub, iyo goortii degitaanka iyo isku fidinta dowlada Maraykanka. Waxaa lagala wareegay harooyinka iyo biyo-fadhiga webiga iyo deegaano badan ooy ku dhaqnaayeen.

Webiga Mississipi

89°15′12″W / 29.15111°N 89.25333°W / 29.15111; -89.25333


Dalalka Woqooyiga Ameerika Webiga Mississipi 
Antigua iyo Barbuda · Bahamas · Barbados · Belise · Banama · Dominika · El Salfador · Grenada · Guatemala · Haiti · Honduras · jamhuuriyadda Dominika · Jamayka · Kanada · Kosta Rika · Kuuba · Gobolada Isku Tegay ee Ameerika · Meksiko · Nikaragua · St.kitts iyo Nevis · St. Lukia| · St. Finkent iyo Grenadines · Trinidad iyo Tobago

Tags:

Geographic coordinate system

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

AndalusDarajooyinka Ciidanka SomalilandBehraCimiloXawaadleXulbadAwdalAf-maldahaDhulbareDawladii CabaasiyiintaBogga HoreTixDhishiike (qori)30 (tiro)Ruun NirgoodHiraabSalaada DuhurShawaalFungiBaydhaboMareexaanSacad MuuseLeefida dabadaDagaalkii xoraynta ogadenCanuuniWebiyadaAw-dhuleedka AfrikaBashimSuug (qori)XamarweyneAfarta xilliSaldanadii AjuuraanMuuse AbokorWacbuudhan AbgaalLuuqad SoomaaliWarbixin SoomaaliyaMakaahiilMaxamed abokorLiiska Afhayeenada Baarlamaanka SoomaaliyaLaylkaseIslaamCali MahdiWardheerCumar DhuuleInternational Standard Book NumberNugaalDimoqraadiTaariikhDhulCigaal shiidaadAf IngiriisMUUSE ISMACIILTaariikhda Qaramada MidoobaySheekh, SomalilandCabdiraxmaan TuurBoqortooyada MidowdayKoonfur SuudaanDiinCabdulaahi bin cumarMidowga AfrikaMoobleenCudurXHamsterDakkarDagaalkii QaboobaaSuudaanTaariikhda SoomaaliyaMaxamuudsaleebaanKabriidHererAstaan TV🡆 More