Chicago

Chicago, Shikaago, Jikaago (loogu dhawaaqo i/kɑːɡoʊ/ ama /kɔːɡoʊ/) waa caasimada sadexaad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanka.

Magaalda Jikaago waa deegaanka ugu dadka badan gobolka Illinois iyo deegaanka "Midwest", taas oo leh shacab dhan 2.7 milyan.

Shikaago, Illinois
Caasimada Chicago
Chicago
Ka soo biloow kor: Farasmagaalka Jikaago, Shaleemada Magaalada, Dhismaha "L", Xarunta Badmaaxa, Beerta Millennium, Goob Taariikheed, iyo dhismaha dheer ee Willis Tower.
Chicago
Flag
Chicago
Seal
Etymology: Template:Lang-mia ("basasha duurjoogta" ama "toonta duurjoogta")
Template:Lang-pot
Nickname(s): 
Caasimadii Dabeysha, Chi-Town, "Caasimadii Labaad", Caasimadii Garboweyn
(si aad u ogaato waxbadan fiiri dhamaan naaneysaha)
Motto(s): 
Af-Laatiin: Urbs in Horto (Caasimadii Beerta), Waan yeeli
Chicago is located in USA
Chicago
Chicago
Meesha ay kaga taalo Maraykanka
DeegaanChicago United States of America
GobolkaIllinois
Tirada CountyadaCook County iyo DuPage County
La degay1780
Nidaam dowlad-hoose (magaalo)Agosto 12, 1833
Nidaam Degmo weyne (caasimad)Maarso 4, 1837
Named forshikaakwa, jikaakwa
(basashi duurjooga iyo toontii duurjooga)
Dowlada
 • NuucaGolaha Duqa-Magaalada
 • BodyDowlada Hoose ee Shikaago
 • Duqa-magaaladaRahm Emanuel (xisbiga Dimuqraadiga)
 • Xoghayaha CaasimadaSusana A. Mendoza ([Xisbiga Dimuqraadiga)
 • Agaasimaha CaasimadaKurt Summers Jr. (Xisbiga Dimuqraadiga)
Area
234.0 sq mi (606 km2)
 • Land227.2 sq mi (588 km2)
 • Water6.9 sq mi (18 km2)  3.0%
 • Urban
2,122.8 sq mi (5,498 km2)
 • Metro
10,874 sq mi (28,160 km2)
Joogga
(mean)
594 ft (181 m)
Highest elevation

– u dhow gasiirada Blue
672 ft (205 m)
Lowest elevation

– ku taal harta Michigan
578 ft (176 m)
Tirada dadka
 • Caasimad2,695,598
 • Estimate 
(Luuliyo 1, 2014)
2,722,389
 • RankCaasimada 3aad ee ugu dadka badan Maraykanka
 • Cufnaanta dadka11,864.4/sq mi (4,447.4/km2)
 • Metro
9,522,434 (3aad)
Magac kaleChicagoan
Aag saacadeedUTC-6 (Wakhtiga Badhtamaha Maraykanka)
 • Xagaa (DST)UTC-5 (CDT)
laga hormariyo ZIP Kodhka
606xx, 607xx, 608xx
Area codes312/872 iyo 773/872
FIPS code17
Muuqaalka GNISGNIS4-0428803
Websitewww.cityofchicago.org

Dhinaca kale, marka la isku daro magaalada Chicago iyo nawaaxigeeda, taasi oo loo yaqaano "Chicagoland", waa deegaanka sadexaad ee ugu wayn wadanka Maraykanka, waxaana degan dad ka badan 10 milyan. Shikaago waxaa la aasaasay sanadkii 1837kii, laakiin waxay aad u kortay horaantii qarnigii 19aad. Horumarka iyo koritaanka magaalada waxaa aad uga qeyb qaatey harta Great Lake iyo webiga Mississipi. Shikaago waa fadhiga dowlada "Cook County" ee ugu weyn gobolka Illinois..

Maanta magaalada Shikaago waa xarun weyn oo ganacsi, dhaqaale, warshado, shirkado, teknoolojiyad, isgaadhsiin, iyo gaadiid; waxayna leedahay Gegada diyaaradaha O'Hare ee caalamiga ah (" O'Hare International Airport") kaasi oo ah gegada diyaarada ugu weyn ee caalamka oo dhan. Sidoo kale, caasimada Shikaago waxaa ku yaala wadooyinka (highways) iyo wado-tareenka (railroads) ugu waaweyn wadanka Maraykanka. Sanadkiii 2014ka waxaa loo aqoonsaday magaaladan ineey tahay caasimada 14aad ee ugu weyn caalamka, tan 7aad ee ugu dhaqaalaha badan, iyo tan sadexaad ee ugu lacagta badan wadanka Maraykanka ayada oo heeysata ama maamusha lacag dhan 571 bilyan dollar.

Intaas waxaa dheer in magaalada Shikaago tahay mid ka mida goobaha soo jiidasha badan ee wadanka Maraykanka; sanadkii 2014ka oo kali ah waxaa soo siyaartey magaaladan dad ka badan 50.2 milyan oo dad iskugu jira ajanabi iyo kuwa wadanka u dhashay. Sabata keentay dalxiisayaasha badan waxaa ka mid ah dhaqanka iyo bulsho weynta magaalada oo ah mid aad iskugu dhafan oo leh noocyo badan oo matala dhaqanada dunida daafaheeda. Waxyaabaha ugu xiisaha badan waxaa ka mid ah: shaneemooyinka waaweyn, heesaha Jazzka, Soulka iyo bluega. Waxaa sidoo kale magaadu caan ku tahay dadka Madoow (African American) ee ku dhaqan magaalada; kuwaasi oo ah tirada ugu badan shacabka Shikaago iyo nawaaxigeeda.

Caasimada Shikaago waxay leedahay naaneyso badan ooy ka mid tahay "Caasimada Dabeysha" (sababtoo ah waxay leedahay dabeyl aad u badan oo gu' iyo jiilaal soo taagan), "Caasimada Labaad" iyo naaneyso kale oo la xidhidha dhaqanka iyo taariikhda deegaanka.


Chicago

Chicago, Shikaago, Jikaago (loogu dhawaaqo i/kɑːɡoʊ/ ama /kɔːɡoʊ/) waa caasimada sadexaad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanka.

Sawir-gacmeed magaalada Shikaago sanadkii 1833kii; horaantii magaalada
Maabka gacanka Illinois iyo Michigan ee la dhamasytiray 1848
Wadada Madison oo ahaan jirtey meelaha ugu mashquulsan dunida. Fiidiyowgan waa qiyaastii 1897

Magaca magaaladan Chicago waxaa laga keenay erayga "Shikaakwa" ee luuqada dadka u dhashay qaarada ee loo yaqaano Hindida Cas (Red Indians) kaasi oo macnaheedu yahay basasha duurjooga ama toonta duurjooga ah. Waxa ereyga markii ugu horeeysay isticmaalay gumeystihii cadaanka ahaa ee deegaankaasi tegay ayaga oo u qaatey magac deegaanka looga yaqaano dhulkaasi.

Wakhtigan gumeystaha reer Yurub soo gaadheen deeganka oo ku beegnaa horaantii qarnigii 18aad ayaa waxa deganaa Shikaago iyo nawaaxigeeda qabiilka Potawatomi, oo ka mid ah hindida cas, kuwaasi oo ahaa ugaadhsato iyo qadhaabsato. Wakhti yar gudaheed waxaa ka dhex qarxay dagaal dadkii dhulka loogu yimid iyo gumeystihii cadaanka ahaa reer Yurub. Dagaalkaasi oo dad badan kaga dhinteen dadka hindida cas ayaa waxaa ku guuleystay gumeystihii cadaa ee horsocotay dowlada Maraykanku. Si kastaba ha ahaatee, sanadihii 1830kii ayaa heshiisyo khasab ah laga sexeeeyay dadka deegaanka ee u badnaa qabiilka Potawatomi, si loo dejiyo deegaano kale oo ka fog Shikaago. Waxaana sanadkii 1833kii la aasaasay dhismayaashii ugu horeeyay ee magaalada Shikaago halkaas oo la dejiyay dad dhan 200 oo qof. Todoba sano gudahood waxaa magaalada Shikaago iskugu yimid shacab dhan 4,000 taasi oo keentay in magaaladu si xoowli ah ku korto.












































Sido Kale fiiri

Tags:

CaasimadFile:En-us-Chicago-2.oggHelp:IPA for EnglishIllinoisJikaagoListenMaraykankaMilyanShikaago

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Maxamed Faarax CaydiidFarraareKoorAf-SoomaaliLaasqorayAbu BakrOgaadeen (beel)Taariikhda MasarXamarjajabDagaalkii Labaad ee AduunkaQarxisCalanka SomalilandTaariikhda SoomaaliyaRamadaanGobBoqolDhisme SoomaaliMeheriDagaalkii sokeeye ee SoomaaliyaDaahir Rayaale KaahinCiise (qabiil)WiilBahabar cabdaleRaqaySeerbiyaHiiraan StateSuug (qori)Shilke (qori)SamaaleBuluugLionel MessiBari (Gobol)Dhishiike (qori)Qansax dheereAwrtableJava (luuqada borograaminta)MacawiisAw-dhuleedka AfrikaXisbiga KulmiyeInternational Standard Book NumberQabyaaladaNugaalFilibiinDaanyeer-ka JabaanHodan CabdiraxmaanKismaayoNitrojiinCabdiqaadir YamyamHartiBlackpinkLaylkaseGooryaankaCeeldheerGalbeedka AfrikaWadamada AfrikaMeereRa'iisul wasaarayaashii SoomaaliyaCagaarshow BYugandhaDhigCabdiqaasim SalaadNaasleyAadan YabaalIswisarlandXasan Aadan SamatarCumar (saxaaba)AfgooyeQaamuusSheekhaal JaziiraMadhibaanAqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaBurcad BadeedDameer🡆 More