Garow | |
---|---|
Garow | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Commelinids |
Dirka: | Poales |
Bahka: | Poaceae |
Bahka hoose: | Panicoideae |
Qabiilka: | Andropogoneae |
Duulka: | Garow Moench 1794, magaco loo yaqqanay Sorgum Adanson 1763 |
Type species | |
Hadhudh (L.) Moench | |
Eray la mid ah | |
|
Garow (Af Ingiriis : Sorghum; Af Carabi : ar) (sidoo kale loo yaqaano Hadhuudh) waa xubin ka mid ah dhirta cowsleyda ah ee dhasha midhaha firileyda ah, taasi oo ka baxda meelo badan oo dunid ah. Geedka garowgu wuxuu aad uga baxaa qaarada Ustareliya, qeeybo ka mid ah qaarada Afrika, wadano ka mid ah qaarada Aasiya, Ameerika iyo gasiirado ka tirsan Badweynta Hindiya iyo Badweynta Baasifik.
Geedka hadhuudhka wuxuu ka baxaa caro nafaqo fiican leh, wuxuuna u baahan yahay biyo dhowr bilood ah, iyo qorax badan; taasi waa sababta wadanka Soomaaliya looga beero garowga wakhtiga gu'ga ah oo kali ah. Hal nooc oo ka mid ah garowga ayaa loo beertaa midho ahaan; halka dhamaan noocyada kale ee geedaha gorowga u baxaan si dabiici ah, sii loo daaqsiiyo xoolaha. Midhaha geedaha garowga aan helin cimilo diiran oo ku filan waxay noqdaan kuwo madoow oo yaryar; halka kan ku baxa ileyska qoraxda iyo biyaha roobku noqdo kan ugu midho badan ee fiican.
Wiki Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Garow, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.