Sidoo kale fiiri: Taariikhda Badmareenka Soomaalida
Ciidamada Badda Soomaaliya Somali Navy Force | |
---|---|
La aasaasay | 1965 |
Wadanka | Somalia |
Qeybta | Ciidanka Badda |
u qaabilsan | Dagaalka badda |
Ka tirsan | Ciidanka Xooga Soomaaliya |
Xarumaha | Kismaayo Berbera Marka |
Halkudhig | Isku Tiirsada! Af-Ingiriis: Lean Together! |
midabka | cirdhow, Dahab |
Hogaanka | |
Hogaanka hadda | Hogaamiye Farah Omar Ahmed |
Hogaan hore |
|
Utaagan | |
Naval ensign |
Ciidamada Badda Soomaaliyeed (SNF), (Af Ingiriis : Somali Navy Force, Af Carabi : ar), waa adeega ciidanka badda oo ah waax ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya. Ciidanka baddu wuxuu masuul ka yahay ilaalinta, difaacida iyo maamulka baddaha wadanka Soomaaliya.
وزارة الدفاع Wasaaradda Gaashaandhiga | |
Warbixin Wasaarada | |
---|---|
La-sameeyay | 1 Abriil 1914 |
Hoos-tegta | Dowlada Federaalka Soomaaliya |
Xarunta sare | Muqdisho, Somalia |
Waaxda Fulinta |
|
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya (Af Ingiriis : Ministry of Defence) (sidoo kale loo yaqaano: Wasaarada Difaaca Soomaaliya) waa wasaarada maamusha dhamaan hay'adaha iyo waaxyaha aminiga qaranka, isla markaana gacanta ku haysa ciidanka qaranka wadanka Soomaaliya.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ah Hogaamiyaha Sare ee Ciidanka Qalabkasida ee wadanka. Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhiga wuxuu masuul ka yahay isku dibu ridka iyo diyaarinta siyaasada ciidanka, isla markaana soo diyaarinta kheyraadka iyo maamulka dhaqaalaha ku baxa ciidanka.
Guud ahaan, ciidamada hubaysan ee Soomaaliya waxaa ka mid ah: ciidanka qaranka, Ciidanka Cirka Soomaaliya, iyo Ciidanka Badda Soomaaliya; kuwaasi oo masuul ka ah ilaalada iyo nabadsugida wadanka, shacabka, qaranka iyo dowlada..
Ciidamada qalabka sida القوات المسلحة صومالية | |
---|---|
Astaanta ciidanka | |
Asaas | 1960 |
Qaabkooda hadda | Ciidamo beeleedyo isutagay |
Qaybha ciidanka | Ciidamada Birriga Ciimada Cirka Ciidamada Badda |
Xarunta | Muqdisho, Soomaaliya |
Hogaanka | |
Commander-in-Chief | Xassan seefow |
Wasiirka Gaashaan dhigga | Abdihakim Mohamoud Haji-Faqi |
Taliyaha ciidamada qalabka sida | General Abdirsaaq khaliif cilmi |
Qalabka | |
Dalalka taageera | Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta (Khaliij) |
Ciidanka Xooga Soomaaliya (Af Ingiriis : Somali Armed Force; loo soo gaabiyo SAF; Af Carabi : ar) sido dowliga ah loo yaqaano Ciidanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waa Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya. Ciidanka xooga dalka waxaa hogaamiya madaxweynaha wadanka, waxayna masuul ka yihiin amniga, amaanka, jiritaanka iyo xoriyada, sharafta iyo kaladembeynta wadanka.
Taariikh ahaan, ciidanka wadanka Soomaaliya wuuu ahaan jirey kan ugu xoogan qaarada Afrika. Ciidanka Soomaaliya waxaa markaas weeninkiisa lagu qiyaasaasi jiray in oo u dhaxeeyay 350,000 ilaa 400,000 oo ciidan oo diyaar ah. Ciidanka soomaaliya waxaa la sameeyay 1960kii, waa markii ee soomalaiya xornimadeeda ka heshay gumeesti yaashii Ingriiska iyo Talyaaniga. Ciidamada soomaaliya waxee ka koobnaayeen Ciidanka Badda Soomaaliya, Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya. Shaqadooda ugu horeeysay ee qabtaan neh waxee eheed Xoreentii Soomaali Galbeed 1976ii, waa markii ee 4 dal ku goobteen. Ciidamada Soomaaliya qalab badan oo xoogan ee lahaayeen, waxaana si fiican u dhisay, wadamada Ruushka (Midowga Soviet), Talyaaniga iyo mareykanka oo hub ugu saaiidi jiray. Ciidamada soomalaiya ayaga ayaa ciidankooda sii tabo bari jiray dhinaca dhulka iyo cirka. 20sano kadib ciidamada soomaaliya awood ee ku difaacan dalka malahan,Kuwii hore ee xooga dalka soomalaiya wee duqoobeen, qaar neh dalka ee ka baxeen, qaar badan neh dagaalkii sokeeyay ee ku dhinteen. sidii loodhisay Dawladda KMG, somalia waxee yeelatay ciidan yar oo 20,000 gaareenin, sifiican neh u tabo barneen, qalab fiican iyo dhaqaalo ciidan neh ee heesanin. Ciidanka maanta ka jira dalka soomaaliya, waa kuwo dalkooda difaacaya ayaga oo waxba heesanin, qalab ama gawaarida militariga. Maadaama oo dalka ka jiro dagaalo, mala dhihi karo ciidankeena woo dhisanyahay, ayaga oo waxba heesanin qofna caawinin.
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Ciidanka Badda Soomaaliya, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.