Qolofta Dhulka (Af Ingiriis : Earth's crust) waa lakabka ugu sareeya jidhka dhulka, midaas oo ka kooban dhagaxaan, caro iyo macdano kale.
Qolofka sare ee dhulku oo ah maqaarka dunida waa mid aad u adag oo heerkulkeedu markuu ugu hooseeyo gaadho 184 K ama −89.2 °C ugu badnaan wuxuu gaadhaa 56.7 °C ama 330 K.
Xadiga curiyeyaasha iyo isku dhisyada macdantu weey ku kala badan yihiin oogada dhulka waxaaney u kala baxaan sidan:csilica (SiO2) waa 60.2%; alumina (Al2O3) waa 15.2%; Nuurad (CaO) waa 5.5%; magnesiya (MgO) 3.1%; Aayron(II)Ogsaydh (FeO) waa 3.8%; sodhiyam Ogsaydh (Na2O) waa 3.0%; Botashiyaam Ogsaydh (K2O) waa qadar dhan 2.8%; Aayron (III) Ogsaydh (Fe2O3) waa 2.5%; Biyo (H2O) ku dhexjira caroda waa 1.4%; Kaarboon-labo-Ogsaydh (CO2) waa 1.2%; Tiitaniyaam-labo-Ogsaydh (TiO2) waa qadar dhan 0.7%; iyo Fosforos-pentOgsaydh (P2O2) oo ah qadar dhan 0.2%.
Isku-xidhka curiyeyaashan waxay noqonayaan 99.6% qolofta sare ee dhulka, tirada yar ee kale waa hawooyin iyo neefo ku dhex jira.
Isku dhis | Tiro (%) |
---|---|
silica (SiO2) | 60.2% |
alumina (Al2O3) | 15.2% |
Nuurad (CaO) | 5.5% |
magnesiya (MgO) | 3.1% |
Aayron(II)Ogsaydh (FeO) | 3.8% |
sodhiyam Ogsaydh (Na2O) | 3.0% |
Botashiyaam Ogsaydh (K2O) | 2.8% |
Aayron (III) Ogsaydh (Fe2O3) | 2.5% |
Biyo (H2O) | 1.4% |
Kaarboon-labo-Ogsaydh (CO2) | 1.2% |
Tiitaniyaam-labo-Ogsaydh (TiO2) | 0.7% |
Fosforos-pentOgsaydh (P2O2) | 0.2% |
Qolofta kore ee Dhulka waa Qolofta kore ee Dhulka. qoloft dhulka waxee ka koobantahay 13 caleemaha dhulka, waa 13
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Qolof Dhul, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.