Neef

Neef (Gas)

Haku khaldin xanuunka Neefta

Neef
Atomyada, Malakuyuulada iyo aayonada (ions) neefta waa kuwo xor ah oo hadba dhinac u socda.

Neeftu (ingiriis: gas) waa walax oo mid ka mid ah sadexda aasaaska u ah walaxda (matter). Waxa laga yaabaa in neefta saafi ahi ka samaysan hal atom, sida Neefta Gobka ama neef atomic sida Niyoon, malakuyuul ka samaysan labo atom, sida Ogsajiinta oo kale, ama isku dhis (compound) ka kooban malakuyuulo ka yimid atomyo kala duwan, sida Kaarboon-labo-ogsaydh (C2O).

Iskumilanka neeftu waxay ka kooban tahay neefo saafi ah oo kala duwan sida hawada oo kale. Waxa neefta ka soocay adkeha iyo dareereha waa ayadu waxay ka samaysan tahay saxaro (particles) kala furan isla markaana kala madax-banaan, taasi oo ka dhigtey neefta mid bilaa ur ah oo isha dadku arki karin.

Marka cadaadiska iyo heerkulku caadiga yihiin, neefaha kali ah ee dagan ee curiyeha ka tirsan waa kuwa ka sameysan malakuyuulo labo atom iyo wixii ka badan, kuwaas oo ah: Haydarojiin (H2), Nitrojiin (N2), Ogsajiin (O2); iyo marka lagu daro labo ka mid ah Halogenska Foloriin (F2), iyo Koloriin (Cl2). Neefahaasi waxaa soo raaca kuwa ka samaysan hal atom ee Neefta Gobta (Noble Gases) kuwaas oo kala ah: Hiliyaam (He), Niyoon (Ne), Aargon (Ar), Kiribtoon (Kr), Siinoon (Xe) iyo Raadhoon (Rn).

Curiyaha Neefta ah
Magaca Sawir
Haaydarojiin Neef
Hiliyaam
Nitrojiin Neef
Ogsajiin
Koloriin Neef

Tags:

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

MeereTansaaniyaCalanka somalilandAf SoomaaliTaylandOgsajiinDagaalkii BederRee XasanRaage UgaasSiyaasadIsniinHaaruun AlrashiidBogga HoreFanaaniinta SoomaaliyaDerriNuur FanaxBabaaySuugaanta SoomaalidaDawlada CosmaniyaAbu BakrAw qudubSoomaaliGolaha Wasiirada SomalilandSacuudi CarabiyaLiiska Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee SoomaaliyaDalalka KommonwelsDhagaxWasaaradda Gaashaandhigga SoomaaliyaHeesMeheriQuracHabar JecloQabiilka eyloIsaaqHaramcadNapoleon BonaparteDumarKubadda CagtaMidowga SoomaaliweynMadaxweyneyaashii SoomaaliyaQaaradahaLiiska magalooyinka ugu dadka badan qaarada africaSoomaalidaAsharaaf sarmaanLiiska Afhayeenada Baarlamaanka SoomaaliyaRoobKanadaPornhubWarshadMoosNabiJabuutiGabayBoondheereAddis AbebaCabdirashiid SharmaarkeShibisWabiga ShabeelleQaamuusCirjeexHTMLIndunisiyaAwdalAl-FaatixaGelediSalaadBu'aaleMurtiShilke (qori)QAAMUUSKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEEDHargeysa🡆 More