Raage Ugaas

Raage Ugaas Warfaa wuxuu ahaa hogaamiye, gabayaa, halabuur, dagaalyahan Soomaaliyeed kaasi oo noolaa wakhti lagu qiyaaso bilawgii Qarnigii 18aad.

Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka Sasabane, meel u dhaxaysa magaalada Dhagaxbuur iyo Dhagaxmadaw, Gobolka Soomaali Galbeed.

Raage wuxuu ahaa hal-beegga gabayga, garashada, geesinimada, iyo gobonimo dhamaanteed lagu cabiro. Wuxuu ku sifoobay qodob kasta oo qofka magaciisa iyo mansabkiisa kor u qaada, wuxuuna ceebka saliim ka ahaa wax walba oo dhag xumo iyo magac xumo usoo jiidi kara. Wuxuu ahaa nin lagu qiyaaso oo la yidhaahdo aftahanimada sidee Raage ka yahay, gabayaanimada sidee Raage ka yahay, geesinimada sidee Raage ka yahay, garashada oo kale se sidee qofkaasi Raage ka yahay.

Raage waxaa dhalay Ugaas Warfaa Faarax Samatar oo ahaa Ugaasyadii oogu awooda badna beesha Ogaden waqtigaas, ahna Maalinguur ( Ugaas Samatar Fooljeex) Ree Cabdille, waxaa la dhashay Raage labo wiil oo ka weynaa kuwaasi oo kala ahaa Ugaas Xuseen iyo Xilkab.

Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Raage wuxuu yaraantiisii ku soo caanbaxay tirinta gabayada iyo helida ereyo aad u dhumuc weyn.

Sida loogu hal qabsado gabayada iyo buugaagta gumaystuhu qoreen .

Faather of somali poetry Raage Ugaas

Hordhac

Wakhtiyadii uu kureyga ahaa ayuu Raage Ugaas bilaabey inuu tiriyo tixo gabay ah. Inta la hayo maanta gabayadii ugu horeeyay ee Raage Ugaas waxaa ka mid ah ereyadan:

Aw-Muuse waa hoorin jirey, hadal nin waayeel ah Ina-Looti baan la hinjin karin, heeladkuu dhigaye Odawaa Dhugeed baa hantiyey, hibadii geeraare Anna hooto ridey gabay hadduu, haybad leeyahaye Dhallinyarada haatana ma jiro, Hawle oo kale'e .

Taariikh

Ugaas Raage wuxuu ahaa haldoor Soomaaliyeed kaasi oo lagu xasuusto gabayo, sheekooyin iyo dhacdooyin xiiso leh oo uu ka tagay.Dhinaca kale Raage wuxuu noolaa wakhtiyadii uu Garaad Faarax "Wiilwaal" ka talin jirey deegaanada Ogaadeeniya. Sheekooyinka inbadan waxaa lagu sheegay xifaaltan iyo tartan dhexmaray Ugaas Raage iyo Wiilwaal, kuwaasi oo ku dagaalamayay gabadh qurux badneyd. Raage Ugaas gabayo badan ayuu ka tiriyay jeceylka gabadhaasi. Waxaana la sheegay inuu markii dambe dilay Garaad Wiilwaal.

Gabayga Alleyl dumay

Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkii markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan la magacbaxay Alleyl Dumay.

   Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday    Onkad yeedhay uugaama roob,  alif banaadiikh ah    Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye    Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye    Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye    Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og     Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye    Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye     Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale    Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye    Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye     Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay    Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay    Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e    Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye     Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye    Nin abkii Ogaden yahoo aarsan baan ahaye    Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye 

Raage Ugaas iyo Garaad Wiilwaal

Raage markuu gabaygaa mariyay, ayuu odaygii gabadha dhalay siin iyo meher isugu daray da'dii ka yarayd gabadha oo aan ayadu waxba ka liidanin tan weyn. Si kastaba ha ahaatee, Raage iyo Faarax waxay inalayaal u noqdeen reerkii ay gabdhaha kaqabeen. Maalin maalmaha kamid ah ayuu Faarax Wiil-waal haweenaydiisa usheegay inay sifiican usoo labisato, soona kaxayso walaasheeda ka yar oo ah xaaska Raage, dabadeed ku soo agmaraan dulleed ka reerka. Faarax intuu u yimid Raage ayuu ku yidhi war inakeen aan duleedka shax kusoo ciyaaree, kadibna waa laysraacay. Ayagoo shaxaya ayaa dumarkoodii soo kor mareen, dabadeed waxaa la'is waydaarsaday tixahan halgaada ah:

        Wiilwaal:
        Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
        Qiyaasli'i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiye
        Kannaan dagay
        Raage:
        Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
        Manala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabato
        Kannaan dagay, Kannaan doorbiday, Kannaan dan mooday
        Wiilwaal:
        Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
        Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunaynin
        Kanaan dagay
        Raage:
        Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
        Ma nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato
        Kannaan dagay, Kannaan doorbiday, Kannaan dan mooday
        Wiilwaal:
        Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiican
        Ma lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaaday
        Kanaan dagay
        Raage:
        Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
        Mala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado
        Kannaan dagay, Kannaan doorbiday, Kannaan dan mooday

Raage intuu ablaydii iska gooyey ayuu Faarax laba u kala gooyey, dabadeed gabadhuu jeclaa ee xilaha u ahayd Faarax ayuu faras kiisa ku ritay, lana tagay oo reerkoodii la aaday.

Gabayada Raage Ugaas

Sidaan horay u soo sheegnay, Raage Ugaas wuxuu leeyahay tiro badan oo gabayo, maanso iyo halabuur ah; kuwaasi waxaa ka mid ah:

  • Geela
  • Bi'i Waaye
  • Bishu waa 30
  • Garaad
  • Soo Raadi...
  • Hami
  • Walhad
  • Alleyl Dumay
  • Sarsar Igu Banaanaa
  • Ardaal Nacas ah
  • Siwaaqroon
  • Duusho
  • Awood iyo xoog
  • Siddii Koortii Yucub

Sidoo kale fiiri

Xigasho

Tixraac

Tags:

Raage Ugaas HordhacRaage Ugaas TaariikhRaage Ugaas Gabayada Raage Ugaas Sidoo kale fiiriRaage Ugaas XigashoRaage Ugaas TixraacRaage UgaasDhagaxbuurGabayHalabuurSoomaaliSoomaali Galbeed

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Dylan BesseauHawiyeDhulWikibidhiyaCusmaan binu CafaanOlivia Rodrigo2014Dagaalkii BederXayawaanSadaxleeyKulSaylacMasjidka NabigaBiyoDhedigAf-SoomaaliWoqooyiga AmeerikaAw qudubDagaalkii xoraynta ogadenTaariikhDoorashooyinka SomalilandKurtunwaareyTaariikhda SoomaaliyaLibaaxAxmed FaaraxMalaysiyaMurtiGadabuursiMaaliCabdalle SabdiMaxamed Cabdule XasanSacad bin mucaadDagaalkii uxudJubbada DhexeShiinahaKiilomitirDiin-badeedXaliima MagoolKalandarka MiilaadigaMugBu'aaleMasjid al-AqsaTurkigaKun Habeen Iyo HabeenWiilMahatma GandhiDagaalkii soomaalia iyo itoobiyaBadda SoomaaliyeedSuuradSheekh IsxaaqCabdulaahi bin mascuudReer Aw XassanDaahir Rayaale KaahinWorld Wide WebHindusamMaxamed Cabdulaahi MaxamedBaaskiilShacbaanDhaga yare (geed)DharkeenleeyGobolada MidoobaySedjibekeDawlada ayuubiyiintaCumar FaaruuqWaraabeDaaroodTuniCayr (beel)🡆 More