Qajaar

Qajaar (af-carabi:الخيار, af-ingiriis: Cucumber) waa geed jiif dhulka ku saaqa ka mida bahda bocorlayda, wuxuu fuulaa ama ku saaqaa geedaha kale iyo wax walboo taagan, waxay isku bah yihiin bocor cadaha iyo bocor guduudka,

Qajaar
Qajaar
Cucumbers growing on vines
Qajaar
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Plantae
(darajo la'aan): Angiosperms
(darajo la'aan): Eudicots
(darajo la'aan): Rosids
Dirka: Cucurbitales
Bahka: Cucurbitaceae
Duulka: Cucumis
Noocyada: C. sativus
Magaca laba-geesoodka ah
Cucumis sativus
L.

dhulka ayaa lagu beeraa qoto dheer 12-18 mili mitir, ka dib kor buu u soo baxaa asagoo ku saaqa kuna baxa wax walboo ka hor yimaada, beeraleyda ayaa u sameeya tiirar ay ku baxdo badanaa, ama waxa ay ku ag beeraab darbi shabaq ah si uu u fuulo uguna boxo, badanaa qajaarku wuxuu u abuuranyahay qaab dhululobo ah oo dul jiifa dhulka xabad xabad, midab cagaar iyo cadaan isugu jira leh, waxaa la goostaa miraha qajaarka wax mar ka badan sanadkiiba, wuxuu sugnaan karaa 80-100 maalin, asalka qajaarka ayaa ka soo jeeda koonfur bari aasiyahase yeeshee wuxuu ku faafay dunida, waxaa la cunaa markii la kariyo, soomaalida ayaa ku darsata suugada, mar marna waxay ku darsadaan saladhka isagoon la karin, geedkaan ayaa ku baxa cimilo diirran ee ku haboon bixidiisa,

Qajaar
Qajaar la jarjaray
Qajaar
Pickling cucumbers

Jaadka miro ahaaneed

waa miro u samaysan sidii dhululubadii labada gees ka soo qalloocan dhexdana

tuur ku leh, caleemihiisa waxa la moodaa sadex gees, caleentiisa ayaa haraysa mirihiisa kana ilaalisa saamaynta cimilada, jiridiisu waa gaabantahay, wayna duf badantahay, dhirirka mirtiisa ayaa u dhexeeya 2.5-92 sm, dusha ku leh jiitinno qodan, leh qolof jilicsan oo cagaar ah sida caadiga , mar haday jaale noqoto dhadhankeedu waa qaraar, marmarna aashito ayuu noqdaa,

Qajaar 
Qajaarka iiraan

Waxtarkiisa caafimaad

Qajaarka ayaa u roon caafimaadka bin aadanka isagoo wax ka tara xanuuno badan, meelaha uu u roonyahay waxaa ka mida:

Caloosha iyo dheefshiidka

wuxuu u fiicanyahay socodsiinta caloosha iyo sifaynta mindhicirada, maadaama ay leedahay xarko jiida wasakhkda caloosha,

Qajaarka ayaa leh fiitamin C iyo B iyo wax yar oo fiitamiin A ah , sida uu u leeyahay macdan iyo bir muhiin u ah jir dhiska sida soodiyanka, kaalshiyamka, foosfoorka, iyo magniisiyamka,

wuxuu kaloo u roonyahay dheef shiidka iyo nadiifinta uur ku jirta

Maqaarka

Qajaarka ayaa u fiican maqaarka jirka, qoloftiisa ayaa loo adeegsadaa hoos u dhigida heer kulka jirka, wuxuu ka ilaaliyaa milicda quraxda iyo sunta ka dhalata wasakhda hawada,

Madax xanuunka

wuxuu kaloo u roonyahay madax xanuunka, iyo neerfaha madaxa.

Nadiifinta kaadi haysta

wuxuu ka qayb qaataa nadiifinta uur ku jirta, wuxuu badiyaa kaadida, wuxuuna nadiifiya kaadi haysta iyo marinadeeda, waxaa loo qoraa dadka qaba cudurka xanuunka kaadi haysta,

Indhaha

wuxuu u roonyahay indhaha iyo daalka qabta wxuu leeyahay fiitamin G i, biyo iyo aashitada kaafiyek oo u roon ka takhalusida biyaha ku xanibma maqaarka hoostiisa, wuxuu baabiiyaa fuurka ama bararka indhaha, waxaana la saaraa isha cad fidsan oo qajaar la soo gooyay ah ilaa nusa saac, waxaa laga isticmaalaa meelaha la isku duugo iyo meelaha haweenka lagu qurxiyo.

waxtarka uu u leeyahay xaamilada

qajaarka ayaa kaalmeeya qofka xaamilada ah kiiyo ka saacida dejinta caloosha, rogroganka dheefshiidka wuxuu isku dheelitiraa cusbada jirka wuxuu dufan u yeelaa jirka,

Qajaar 
Qajaar hindi jaale ah

Sidoo kale eeg

Sawirro

Tags:

Qajaar Jaadka miro ahaaneedQajaar Waxtarkiisa caafimaadQajaar Sidoo kale eegQajaar SawirroQajaarBocor guduudCarabiIngiriis (luqad)

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Saldanadii CadalQabiilada JubalandGedoBuraanburDhaqanQuraanka KariimkaDaguuroMajaajiloSiigaysiguCaabudwaaqMia KhalifaYurubAf IngiriisGaraad Jaamac Garaad CaliHibo NuuraJuqraafiga SoomaaliyaAsharaaf sarmaanInternational Standard Book NumberDawladii CabaasiyiintaLiska Salidka MawduucyadaReer-DarawiishUfeynDayax gacmeedSNMDhedigBakistaanCeerigaaboXiddigisMasarWaaciyeGujisMaxamed FadalTuwitterDabeylMuuse Shiikh IsxaaqQAAMUUSKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEEDCismaan KeenadiidVentusky.comDagaalkii Labaad ee AduunkaWasaaradda Gaashaandhigga SoomaaliyaLoolUdeejeen'''Cabdalla Abokor'''Midowga Maxkamadaha IslaamigaAl-QaacidaAfarta xilliCiid al-FitrKumbuyuutarFarxiya FiskaRee XasanDylan BesseauAljeeriyaMaamulgoboleedka SoomaaliyaAf CarabiFaraanti galis (far)Imaamu ShaaficiFungiKoonfur GalbeedWanlaweyn-Carab SaalaxXussein XasanCiidanka Badda SoomaaliyaLaxanMaxamed Cali Kalaay2024Warbixin SoomaaliyaMadaxweyneyaashii PuntlandBirr (lacag)MaydhWadamada AfrikaFilimada qooq-kobcinta jilicsanaanGelediCimiloCarabtaReer XaamidGurgura (beel)🡆 More