Mesobotaamiya

Mesobotaamiya' (ingiriis: Mesopotamia; carabi: ﺑﻼﺩ ﺍﻟﺮﺍﻓﺪﻳﻦ (bilād al-rāfidayn); Siyriyak: ܢܝܪܗܢ ܬܝܒ (Beth Nahrain): dhulka webiyada; Giriig: Μεσοποταμία) waa magaca deegaanada u dhexeeya labada webi ee Tigris iyo Furaat (Euphrates) ee dunida maanta ku beegan wadanada Ciraaq, waqooyibari wadanka Siiriya, xoogaa yar oo koonfurbari dalka Turkiga iyo meelo ka mid ah koonfurgalbeed dalalka Iiraan iyo Kuwayt.

      Kani waa maqaal ku saabsan ilbaxnimadii deegaanka Mesobotaamiya.

Luuqada Giriiga micnaha magaca Mesobotaamiya waa "dhulka u dhexeeya labada webi (Tigris iyo Furaat)".; Luuqada Yuhuuda: בָּבֶל Si guud loogu aqoonsaday ineey tahay meeshii ilbaxnimadu ka bilaabantay - wakhtigii Bronzeka - Mesobotaamiya waxaa ka dhex bilaabmay boqortooyooyin aad u badan oo kuwa ugu caansanaa ee deegaano badan gaadhay ka mid yihiin: boqortooyadii Baabiyloon, boqortooyadii Akkadiyaanka, boqortooyadii Asiyriyaanka, iyo boqortooyadii Sumeeriyaanka; kuwaas oo dhamaantood laga helo maanta wadanka Ciraaq, meelo yaryar oo ka mid ah waqooyibari wadanka Siiriya, xoogaa yar oo koonfurbari dalka Turkiga iyo meelo ka mid ah koonfurgalbeed dalalka Iiraan iyo Kuwayt. Waxyaabaha taariikhiga ah ee lagu xasuusto Mesobotaamiya waxaa ka mid ah, hab qoraalka fartii ugu horeeysay dunida oo lagu qiyaaso 3,000 sano ka hor in boqortooyada Sumeeriyaanku ikhtiraaceen. Fartaas waxaa lagu magacaabaa "Kuneform" (cuneiform). Dhinaca kale, sida ku xusan kitaabka masiixiga, meelo ka mid ah dhulka mesobotaamiya waxaa ku noolaan jirey Nabi Ibraahim (c.s.) ka hor intaanu u guurin magaalada Kanaan (canaan). Deegaanada mesobotaamiya waxaa laga dhisay magaalooyin badan, aad u baaxad waynaa isla markaana gaadhay meelo badan. Kuwaas waxaa ugu caansanaa magaalada Uruk, Nippur, Nineveh, iyo ismaamul-magaalo Baabiyloon. Intaas waxaa dheer, dhulkan Mesobotaamiya waxaa ka soo baxay qaar ka mid ah hogaamiyayaashii ugu horeeyay taariikhda aadamaha, kuwaas oo dunida ku soo kordhiyay ilbaxnimo iyo xadaarad aad u badan. Inta sida fiican loo yaqaano boqoradaas waxaa ka mid ah Ur-Nammu (boqorkii Ur), Saargoon "Sargon" (kaasi oo bilaabay boqortooyada Akkadiyaanka), Hammurabi (oo ah boqorkii bilaabay ama balaadhiyay boqortooyadii Baabiyloon), iyo Tiglath-Pileser I (ninkan oo ah boqorkii dhisay boqortooyadii Assiyriyanka). Dhinaca kale, maamuladii iyo boqortooyooyinkii deegaanada Mesobotaamiya waxay dunida ku soo kordhisay xadaarad iyo ilbaxnimo aad u sareeysay wakhtigaas. Tusaale ahaan, boqortooyadii Sumeeriyaanku waxay horumariyeen wax-beerashada, nidaam fiican ee waraabinta beeraha, ku safrida biyaha webiyada iyo koontaroolida daadadka. Intaas waxaa dheer, dadka reer mesobotaamiya waxaa lagu sheegaa ineey ahaayeen bulshooyinkii ugu horeeyay ee dhaqda xoolaha gurijooga ah, sameeyay beero waawayn oo wax ku ool ah, iyo ganacsiyadii ugu horeeyay taariikhda aadamaha.

Mesobotaamiya

Sido kale fiiri


Tags:

AkkadiyaanAsiyriyaanBaabiyloonBeerBeeroCarabiCiraaqDaadFuraatGanacsiGurijoogIiraanIlbaxnimoIngiriisKuwaytMasiixigaNabi IbraahimSanadSiiriyaSumeeriyaanTaariikhTigrisTurkigaUrWakhtiWebiXoolo

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

KacbadaMaahmaah Xarafka ARaas Caseyr2020AfgooyeDagaalkii BederCiise (qabiil)Dawladii CabaasiyiintaShilke (qori)Axmed KismaayoBiciidDiinsiCadaan XagjirLuuqad SoomaaliBoqortooyadii JaarsoAbshir BacadleGuurDayax GacmeedKumbuyuutarHawiyeMuuse BiixiFarta CismaaniyaMagacXulbadGodeeyAf OromoTalyaanigaSoomaali AlifbeetKosofoXisbiga SYLQaramada MidoobayMiyigaMarkaCeelbuhCabdiraxmaan TuurAfrikaCilmiga bulshadaDaa'uud XirsiAqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaBogga HoreMacawiisDabareXamza bin cabdi mudalibQamadiMasagoGarsoorka SoomaaliyaMugMurursadeFaysbuugMadaxweyneyaashii PuntlandDastuurka SoomaaliyaImaam Al BukhaariEdebdarroPhoenix, ArizonaGalguduudDhagaxtuurIngiriisGalmoCagaarshow BAlla-amin PharmacyGeedaha caankaah ee SoomaaliyaXiddigisDowlad HooseCadaleBadhaadheBartireQaamuus aqooneedka af-soomaaligaWikibidhiyaCabdullaahi YuusufReer BaraaweHogaamiyaha dhabtaaWarta NabadaLiiska magaalooyinka Soomaaliya dadka ku nool🡆 More