Beeso (Af Ingiriis : Money) waa shey ka samaysan bir, shilinka, iyo warqad leh astaamo iyo calaamado kala duwan taas oo dadku isla garteen in wax lagu kala iibsado.
Beesadu waa shey miisaan yar oo lagu qiimeeyo qadarka alaab, badeecad, guri, dhul iyo waxyaabo kale leeyihiin.
Hadaba dunida maanta waxaa jira tiro badan oo lacag ah, wadan kasta wuxuu leeyahay beeso u gaar ah, taasi oo qiimaheedu kala sareeyo isla markaana ka sameeysan shilimaan iyo warqado.
Guud ahaan beesadu waa labo nooc: mid shilin ah iyo mid warqad ka sameeysan. Shilimaantu waa qadarka ugu qiimaha hooseeya lacagta wadan leeyahay, inta badana waxa ka soo bilaabmaan hal senti, shan senti, toban senti, konton senti iyo boqol senti.
Boqolka senti wixii ka sareeya waxaa la isticmaalaa warqad taas oo ka bilaabanta kow ilaa malaayiin. Laakiin inta badan, lacagta dunida waxaa ugu sareeysa warqad shan kun ah.
Beeso (Af Ingiriis : Money) waa shey ka samaysan bir, shilinka, iyo warqad leh astaamo iyo calaamado kala duwan taas oo dadku isla garteen in wax lagu kala iibsado.
Inkasto aanan la hubin, waxaa la sheegaa in sheeyo u eeg shilinka la isticmaali jirey 100,000 sano ka hor. Laakiin waxaa la hubaa in lacagtii ugu horeeysay ay sameeyeen ganacsatadii hore ee beeraleyda ahayd ee ilbaxnimodii Mesobotaamiya (Mesopotamia) wakhti hada laga joogo 3,000 sano Ciise hortiis.
Sidoo kale, lacagta bocoolsha (shell money) wakhtiyo hore ayaa laga isticmaali jirey qaarad Afrika, Aasiya, Ameerika iyo Ustareeliya.
Shilinka shaanbadeysan ee astaamaha iyo calaamadaha leh, kaas oo ka samaysan dahab iyo naxaas, waxaa la alifey intii u dhaxaysay 650 ilaa 600 ciise hortiis.
Beeso (Af Ingiriis : Money) waa shey ka samaysan bir, shilinka, iyo warqad leh astaamo iyo calaamado kala duwan taas oo dadku isla garteen in wax lagu kala iibsado.
Qiimaha Beesada=100 shilin
Beeso (Af Ingiriis : Money) waa shey ka samaysan bir, shilinka, iyo warqad leh astaamo iyo calaamado kala duwan taas oo dadku isla garteen in wax lagu kala iibsado.
Lacag waxee noqon kartaa ayada oo xaanshi ah ama shilin ah, waxaana loogu talagalay , kala ganacsiga ama wax kala iibsashada. lacagta waa shay oo maalin walba la isticmaalo.
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Lacag, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.