almalik alwali alsuldaan gaazi diyaaudiin cownul guzaat wal mujaahidiin abu nasari bayazid labaad bin muxamad alfaatix (turkida cusmaaniyada: الملكُ الوَلىّ غازى سُلطان بايزيد خان ثانى بن مُحمَّد بن مُراد عُثمانى؛) oo loo yaqaan bayazid labaad ama bayazid suufi waa kan sideedaad ee boqorada cusmaaniyiinta, waa curudka aabihiis muxamad alfaatix, hooyadiis waa amiina kulbahaar khaatuun oo asal ahaan albaaniya ka soo jeeda
bayazid labaad بايزيد الثاني | |
suldaanka 8aad ee cusmaaniyiinta | |
---|---|
mudada xukunkiisa | |
1481 ilaa , 1512 | |
Xil kaga horeeyay: | muxamad alfaatix . |
Xil kaga danbeeyay | saliim koowaad. |
Dhashay: | 1447 |
Ku dhashay: | dimotiiqa romali |
Diintiisa: | Islaam |
Dhalasho: | dawlada cosmaniya |
aabihiis | muxamad alfaatix |
hooyadii | amiina kulbahaar khaatuun |
Dhintay: | 1512 |
Ku dhintay: | sakood loodara, romali |
Wuxuu dhashay 1447dii, waxa uu qabtay xilka 148dii, Bayazid wuxuu ahaa nin nabada jecel dagaalna galin inuu is daafacaayo maahee, wuxuu la dagaalamay jamhuuriyada bunduqiya weerarada oo usduulkood ku qaaday bilaada moora awgeed, mamaaliikta ayuu la dagaalamay kadib markii suldaankood qaaytibaay go'aansaday qabsashada imaarada dilqaadir iyo magaalada albastan ee hoos imaayeen cusmaaniyiinta, wuxuu jeclaa lafariisiga culumada, culuumta iyo suugaanta ayuu waqtigiisa ugu badan ku qaadan jiray.
Xiligiisa ayee dhacday garnaada oo ahay meeshii ugu dambeesay ee muslimiinta ka joogeen andalus, wuxuu diray doomo si muslimiinta iyo yahuuda u dajiyo magaalooyinka dawlada ka taliso, ،
Isla xilgiis ayee ka soo baxday dhulka iiraan dawlad shiico ahayd oo halis ku ahayd cusmaaniyiinta waa dawladii safawiyiinta oo hugaaminaayay ismaaciil al-safawi
Xiliyadiisa dambe waxaa khilaaf ka dhexdhacay ilmihiisa, wiilkiis saliim koowaad ayaa afgambi ku sameeyay aabiihiis, wuxuu dhintay bayazid labaad 26 may 1512,
Wuxuu ku dhashay dimutiiqa oo ka tirsan maanta gariiga sanadii 1447dii, hooyadii waa amiina kulbahaar khaatuun oo asal ahaan albaaniyaan ah , furashada Qusdandiiniya wuxuu jiray 7sano, aabihiis ayaa u dhiibay amaasiya soo ugu tababarto maamulka iyo arimaha xilka, culuma badan ayuu wax ka bartay, culuumta shareecada, marka laga yimaado wuxuu sidoo kale bartay xisaabaadka, falsafada, luuqadaha carabiga, faarisiga, iyo jagtaay, culuumtiisa badan waxay gaartay heer lagu tilmaamay inuu yahay kan boqorada cusmaaniyiinta ugu cilmiga badan marka laga reebo aabihiis alfaatix.
Bayazid labaad intuu aabihiis xilka haayay wuxuu kala qeyb qaatay dagaalkii otloq bile ee ka dhanka ahaa oozoon xasan, wuxuuna hogaaminaayay garabka midig ee ciidanka,
wuxuu ahaa maxamadalfaatix inuu dhaxal sugihiisa ka yeelay bayazid labaad, hase ahaatee markuu dhintay 1481dii sadrulacdam muxamad baashaa alqarmani ayaa qariyay dhimashadiisa jam suldaan oo ahaa walaalka bayazid ayuuna u diray inuu dhaqso ku yimaado , Bayazid ayaa gacanta ku dhigay waraaqdii intayna u tagin jam suldaan, ciidanka inkishaariyiinta oo la jiray Bayazid ayaa ogaadeen waraqada uu u qoray sadrulacdamka jam suldaan iyo inuu xilka la rabay markiiba waxay kiciyeen fitno waxay dileen sadrulacdamka ayagoo ka bilaabay magaalada boob iyo fasaad , Bayazid ayaa yimid mar dambe ciidanka ayuu balan qaadyo u sameeyay wuu dajiyay meedka aabihiis ayuu u sameeyay aas, waxaana lagu duugay masjid lafaatix dhiniciisa,
jam suldaan oo taageero ka helaayay qabiilada qaar ayaa wuxuu helay tiro badan oo ciidan ah, wuxuu soo aaday bursa, dadkii magaalada ayaa u furay magaalada, wuxuu bilaabay jam inuu sheegto boqornimo uu magacaabo waziiro, jam inkastoo uu heystay koox badan laakin talyayaasha dawlada ma uusan heysan, wuxuu u diray bayazid abahood eedadiis suljuuq khaatuun iyo wafdi asigoo dalbaday in la qeybiyo dawlada laakin bayazid labaad wuu diiday in la qeybiyo dawlada wuxuu u bandhigay walaalkiis hishiis iyo inuu waxaan xukun ahayn dalabado taasi oo aqbalin jam suldaan , waxay u xal doonteen dagaal, Bayazid ayaa hoos kala hadlay laala yacquub oo ahaa taliye ugu awooda badnaa ciidanka jam, dagaalka markuu bilaawday talyihii wuu cararay ciidan badan baa raacay jam ayaa soo gaaray jab wuxuu u cararay qonya, wuu kasii tagay masar ayuu tagay, halkaas oo masaarida si fiican ugu soo dhaweeyeen wuu soo xajiyay mudo ayuu joogay masar, mar dambe ayuu damcay inuu dawlada ku laabto suldaanka mamaaliikta ayaa celiyay oo uga digay inuu laabto
Sanadkii 1482dii jam suldaan ayaa soo laabtay wuxuu la midoobay qaasim bek oo dalbanaayay imaarada aabayaashiis ee qaramaan, waxay weerareen qonya, Bayazid ayaa soo aaday dhankooda, markiiba way kala ordeen buur ayeyna ku gambadaeen, Bayazid, Bayazid ayaa xooga saaray sidii loo soo qaban lahaa, jam oo jecleestay ku laabashada masar ayaa u dirsaday fardooleyda rodos inay usoo diraan doon oo ku gudbo bada laakin markii ay wadeen jaziirada rodos ayee geeyeen balantii bayna ugu baxeen, halkaas ayee ku heesteen see uga leexiyaan suldaan bayazid inuu weeraro jaziiradood suldaanka ayaa kula hishiiyay inay cidna u dhiibin qaasim bek asaga cafis buu dalbaday waa la cafiyay meel yar baana loo dhiibay ilaa uu ka dhintay
amiirka bugdaan osdofaan bin bugdaan ayaa fara gishaday imaarada aflaaq ee hoos timaada cusmaaniyiinta wuxuu xilka ka qaaday amiirkeeda asigoo ku badalay mid kale, laakin midka cusub ayaa markiiba dawlada u hogaasamay, suldaanka oo ka jawaabaya ayaa u jeestay qabsashada magaalooyinka aaq karmaan iyo kiiliya ee dhaca bada madow, waxaa u yimid amiirka qiram iyo ciidankiis wuxuu qabsaday labada magaalo 1484tii, saas ayee dhamaan dadka bada madow gacanta dawlada usoo galeen osdofaan ayaa u cararay boolaan oo hiil weydiistay ciidan badan ayuu la yimid laakin dhawr dagaal ayaa lagu jabiyay dhimasha ayuu driqis uga badbaaday . ugu dambeyn wuxuu dalbaday hishiis kaa oo laga yeelay
Boqorka boolaan Albert labaad oo ka walwalsanaa soo durqitaanka cusmaaniyiinta weerar buu soo qaaday, wuxuuna ka dalbay amiirka bugdaan osdofaan inuu uga baxo hishiiska dawlada, balse osdofaan oo sii ogaa ciribta burinta hishiiska ayaa isku muujiyay inuu ka baxay wuxuuna ka dalbaday inuu ciidan u soo diro, markay u imaadeen wuu qiyaanay wuuna laayay suldaan bayazid ayaa aad u soo dhaweeyay talaabada osdofaan, boqorka boolaan ayaa cararay Sedex bilood ka dib suldaanka ayaa ciidamo u diray boolaan ayagoo gudaha u galay magaalooyin badana boobeen, osdofaan bin bugdaan ayaa asna dhinac kale ka weeraray ,
Bunduqiya oo ka baqday boolaan in lagu daro dawlada ayaa ka baxday hishiiskii ay la gashay dawlada waxayna claamisay dagaal, suldaanka ayaa diyaariyay usduul bada weeraro badan ayaa dhex maray waxaa laga qabsaday bunduqiya dhulal badan sida libant iyo muduuna ugu dambeyn hishiis ayee la galeen dawlada
Waxaa ka dhexdhashay labada dawladood mamaaliikta iyo cusmaaniyiinta khilaaf ku saabsan xuduuda, kaasi oo keenay dagaalo inay dhex maraan mar dambe ayee ayee arintooda u bandhigeen suldaanka xafsiyiinta abuu yaxye zakariya kaasi oo xaliyay, waxayna kusii adkeeyeen hishiiska inuu guursaday dhaxal sugaha mamaaliikta gabadha jam suldaan
Andalus oo muslimiintu ka talinaayeen ku dhawaad 8 qarni ayaa gaalada ugu awood sheegteen, garnaada oo ahayd meeshii ugu dambeesay ee muslimiinta ka joogeen andalus ayee gaaladu qabsadeen 1492dii dadkii muslimiinta ahaa oo soo wajahday xaalad adag ayaa ka hiil doontay cusmaaniyiinta bayazid ayaa u diray usduulka dawlada uu hogaaminaayay kamaal riis, wuxuu weeraray dakado badan uu cadawga lahaa asagoo soo daabulay muslimiin badan iyo yahuud oo dhibanaa.
wiilashiis u tartamaayay xilka waxay kala ahaayeen axmad, qurquud, saliim aabahood ayaa ku kala geeyay magaalooyinka soo uga dhax dhicin qilaaf, axmad wuxuu taageero ka heestay talyaasha sare ee dawlada agtooda, qurquud wuxuu u badnaa dhanka cilmiga, saas darteed taageero fiican muusan ku heesan ciidan, halka saliim uu ahaa qof dagaalka jec, taasi oo ka yeeshay in ciidanka jeeclaadaan , saliim wuxuu aad u necbaa sidoo kale dawlada shiicada ee safawiyiinta oo xiligaas soo baxday, wuxuu ku qaaday safawiyiinylta weerar, asagoo ka qabsaday dhoor magaalo, walaalka ismaaciil shaah ayuu soo qafaashay, ismaaciil shaah ayaa ka dalbaday bayazid inuu ilaaliya nabada uuna soo celiyo wuxuu qabsaday wiilkiis, Bayazid ayaa ka yeelay oo amray saliim inuu dagaal dambe qaadin, wuxuuna u magacaabay axmad dhaxal suge,
axmad wuxuu dalbaday in saliim iyo qurquud loo raro meel caasimada ka fog, aabihiis ayaa fuliyay oo meelo kale u raray, qurquud ayaa madax adeegay, wuxuu fuulay bada asigoo aaday masar suldaanka masar qaansuu alguuri ayaa soo dhaweeyay , wuxuuna sii aaday xajka, suldaanka masar ayaa kala hadlay bayazid arinta wiilkiisa, Bayazid wuucafiyay, qurquud ayaa dib ugu soo laabtay dawlada,
Saliim oo u arkaayay inay la taliyaasha aabihiis ee hortaagan yihiin rabitaankiis ayaa aaday qiram, waxaa dhacay kacdoon uu hormuud ka ahaa shaah quli, saliim oo taageero ka helaayay amiirka qiram ayaa ciidamo badan, suldaanka ayaa ka hor yimid wax dagaal ah ma dhicin laakin saliim wuu qanacay kadib markii la siiyay deegaano u dhaw caasimada, waxaana lasoo afjaray shaah quli, saliim ayaa maqlay mar kale in la taliyaasha aabihiis ee ku qanciyeen in xilka la saaro axmad, taasi oo ka xanaaqay ciidan gaaraya 30kun ayuu soo watay aabihiis ayaa ka hor yimid dagaal ayaa dhax maray saliim ayaa la jabshay wuxuu u cararay qiram ,
Suldaan bayazid markuu soo laabtay ayuu hadana la tashaday waziirada waxay u sheegeen inuu dhaqso xilka uu ugu wareejiyo axmad, isna wuu yeelay, ciidanka inkishaariyiinta oo ogaadeen ayaa bilaabay foodo ayagoo ku dhawaaqaya magaca saliim, waxay ka dalbeen suldaanka inuu xilka ka qaado la talyaashiis, wuu ka yeelay. Axmad oo u muuqatay inuu xilka heleen ayaa aaday anadool wuxuu sameeyay kacdoon wuxuu qabsaday Qaramaan wuxuuna sheegtay inuu yahay boqor
Bayazid ayaa ku xanaaqay axmad, talyaasha sare ee dawlada iyo culumada ayaa la kulmay bayazid waxayna u sheegeen cidaan saliim ahayn inuu xilka u suuban, wuu yeelay bayazid wuxuu u diray saliim inuu cafiyay sanadkii 1512dii saliim ayaa yimid caasimada Istanbul aabihiis ayaana xilka uga dagay
Bayazid labaad markuu xilka wareejiyay wuxuu go'aansaday inuu cibaado u go'o arimaha aduunyadana uu ka haro, wiilkiis ayaa ka dalbay inuu la joogo laakiin wuu diiday, wuxuu aaday dimutiiqa, saliim ayaa sagootiyay, Bayazid wuu xanuunsanaa xiligaas markuu sii maraayo meel la dhaho sokodloora xanuunka ayaa ku darsaday halkaas ayuuna ku dhintay 26 may 15 1512, waxaa loo soo celiyay Istanbuul asagoo lagu aasay masjidka loogu magac daray
Xaasaskiisa
Ilmahiis
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Bayazid labaad, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.