Aayad

Aayad, Aayah, Aayatu (ingiriis: Ayah, Aayah; carabi: ﺁﻳﺔ āyah, wadar ahaan: ayat ama ayaat ﺁﻳﺎﺕ āyāt) waa eray af-Carabi ah oo macnaheedu tahay cadayn ama calaamad taasi oo ku dhex jirta suuradaha Quraanka kariimka ah ee Alle (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ (n.n.k.h).

In kastoo aayadaha ku jira suuradaha kitaabka Quraanka kariimka ah ay gaaban yihiin, hadana macnaha ay xambaarsan yihiin ayaa ah mid aad u balaadhan. Kitaabka Quraanka kariimka ahi wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan oo tiro badan oo aayado ah.

Aayad
Quraanka kariimka ah.

Dhererka aayadaha iyo Suuradaha Quraanku way kala duwan yihiin, tan ugu gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban 3 aayadood; halka suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban 286 aayadood. Boqol toban iyo afarta suuradood ee kitaabka Quraanka kariimka ah waxay kala yihiin 86 suuradood oo ah Makki iyo 28 Madani ah. Kala soocida noocan ah waxaay salka ku heeysaa meesha ay suuraduhu ku soo dageen, oo ka hor intii aanu Nebi Muxamed ka tagin magaalada Makkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaa Makki, halka markuu Nebigu u hijrooday magaalada Madiina waxyigii iyo quraankii ku soo dagay ay noqonayaan Madani.

Hadaba suuradahaMakkiga ahi waxay ka waramaan aakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradaha Madaniga ahi ay sharaxaan nolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshada Islaamka ah. Marka laga reebo Suuratul-Al-Tawba, dhamaan suuradaha kale waxay ku bilaabmaan "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ) Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi. Midani waa tan kala soocda isla markaana kala saarta Suuradaha ku jira Kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Dhinaca kale, qeyb ka mid ah aayadaha Suurad ama suurada oo dhamaystiran ayaa la akhriyaa wakhtiga lagu gudo jiro tukashada salaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran."

Aayad

Aayad, Aayah, Aayatu (ingiriis: Ayah, Aayah; carabi: ﺁﻳﺔ āyah, wadar ahaan: ayat ama ayaat ﺁﻳﺎﺕ āyāt) waa eray af-Carabi ah oo macnaheedu tahay cadayn ama calaamad taasi oo ku dhex jirta suuradaha Quraanka kariimka ah ee Alle (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ (n.n.k.h).

Aayad

Aayad, Aayah, Aayatu (ingiriis: Ayah, Aayah; carabi: ﺁﻳﺔ āyah, wadar ahaan: ayat ama ayaat ﺁﻳﺎﺕ āyāt) waa eray af-Carabi ah oo macnaheedu tahay cadayn ama calaamad taasi oo ku dhex jirta suuradaha Quraanka kariimka ah ee Alle (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ (n.n.k.h).

Tags:

AayahAayatuAlleBoqol toban iyo afar SuuradoodCarabiIngiriisNebi MuxamedQuraanSuurad

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Jabuuti (magaalo)MareexaanDudubleTaariikhda SaxaabadaQoraxAwdalInternational Standard Book NumberOromoDiiwaanka Abwaanada SoomaaliyeedAbgaalCiraaqFungiBaayNarendra ModiQoryooleyIiraanDaadmadheedhMaxamed Faarax CaydiidKeenisyoMaxamed Cabdulaahi MaxamedMagaalooyinka SomalilandMaxamed Cabdule XasanCushitic peoplesBogga HoreGeelCadaadoCanuuniNebalQabyaaladaGolahi Sare Kacaanka SoomaaliyaAsharaafHeesIsraaiilJiilaalGaanaRee XasanGalmudugJilibDaahir Rayaale KaahinMaxmuud SangubQur'aanOgsajiinDayax GacmeedSaliid MacsaroAxmed SiilaanyoBadhanBeesha hilibi daarandooleCuntoCiid al-FitrMadhibaanFinlanMaalinta Madaxbanaanida SomalilandAadan DaarFaysbuugBari (Gobol)Liska Salidka MawduucyadaCaafimaadAqoonGar adagMaroodi JeexDawlada CosmaniyaDalxa bin Cubeydilah R.C.Xorta ahXasan Sheekh MaxamuudDiinsiMurursadeBahda Qoraxdu MidaysayWoqooyiga AmeerikaKhaalid bin WaliidHodanAyaanle cayrMaxamed gorgaateUstareliyaBahabar cabdale🡆 More