Jihaad (ingiriis: jihad; carabi: جهاد jihād) waa erey lagu isticmaalo diinta Islaamka taasi oo u taagan dagaal naf, xoolo, dhaqaale, fikir, wakhti, hiil iyo hoo la bixid ah si loo difaaco mabaadii'da iyo jiritaanka diinta Islaamka ah.
Sida meelo badan oo kitaabka Quraanka ah ku xusan jihaadku waa mid waajib ku ah dhamaan dadka muslimiinta ah in kastoo lagu kala badan yahay waajibaadkaasi. Sida caadiga ah waxaa jira dhowr nooc oo jihaad ah, waxaa ka mid ah:
Guud ahaan, jihaadku waa dagaal naf huris ah oo loo galayo sidii loo fulin lahaa ama loo dhowri lahaa mabaadii'da diinta Islaamka. Taas macneheedu ma ahan in lala dagaalamayo dhamaan qof kasta oon aaminsanahay diinta Islaamka. Laakiin waa ilaalinta iyo difaaca diinta oo kali ah. Jihaadku waa waajibaad saaran dhamaan muslimiinta si loo ilaaliyo jiritaanka, sumcada iyo karaamada diinta Islaamka.
Dagaaladii Islaamka ﻏﺰﻭﺓ |
Qaswooyinkii Ugu Horeeyay |
Dagaalkii Beder (ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ) |
Bedertii Labaad |
Dagaalkii Uxud (ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ) |
Dagaalkii Dhufeysyada (ﻏﺰﻭﺓ ﺍﻟﺨﻨﺪﻕ) |
Dagaalkii Isbaaheysiga (ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ) |
Dagaalkii Kheybar |
Dagaalkii Xunayn |
Dagaalkii Tabuk |
Jihaadku wuxuu bilaabmey wakhtiyadii ugu horeeyay ee soo ifbaxa iyo fiditaanka diinta Islaamka. Wakhtiyadaasi oo dadka Muslimiinta ahaa u dagaalamayeen si ay u helaan xoriyad, nabadgelyo iyo amni dadkii ay la noolaayeen. Dagaaladaasi ugu horeeyay waxaa ka mid ah Dagaalkii Beder, Dagaalkii Uxud, Dagaalkii Dhufeysyada, Dagaalkii Kheybar, Dagaalkii Xunayn, Dagaalkii Tabuk iyo kuwo kale oo ka dambeeyay.
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Jihaad, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.