Socdaalka Soomaaliya

Socdaalka Soomaaliya (Af Ingiriis : Transport in Somalia) waa adeega socdaalka laga helo wadanka Soomaaliya.

In kastoo adeegani hakaday wakhtigii dagaalkii sokeeye wuxuu ka kooban yahay wadooyinka waaweyn, gegooyinka diyaaradaha iyo dekado. Intaasi waxaa dheer adeegyo khaas ah oo iskugu jira dhulka, cirka iyo badaha.

Socdaalka Soomaaliya
Mid ka mida Diyaaradaha Soomaaliya Boeing 707-338C oo hawada duulaysa (1984).

Wadooyinka

Wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala shabakad wadooyin ah kuwaasi oo dhererkoodu le'eg yahay ilaa 21,830 km. Sida dowladu sheegtay sanadkii 2010ka, waxaa wadooyinka wadanku lahaa 2,757 km (12%) oo laami ah, 844 km (3.9%) burbursan, iyo 18,229 km (83.5%) bacaad ah.

Sida ay warbixin ku sheegtay Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya sanadkii 2015, in ka badan 70,000 oo gaadiid ah ayaa laga diiwaangeliyey maamulka Puntland; ilaa 385,000 gaadiid ah laga diiwaangeliyey maamulka Somaliland; halka ilaa 195,000 laga diiwaangeliyay koonfurta Soomaaliya.

Socdaalka Soomaaliya 
Muuqaalka wadooyinka magaalada Garoowe.

Cirka

Gegooyinka Diyaaradaha

Socdaalka Soomaaliya 
Gegoda diyaaradaha Muqdisho.

Gegooyinka diyaaradaha Soomaaliya waxay si toos ah u hoostegaan Wasaaradda Gaadiidka taasi oo kaashanaysa Ururka Adeega Duulista Caalamiga ee Qaramada Midoobay ayaa dib u habayn ku sameeysay tiro badan oo gegodiyaaradeed ah. Gegoda Diyaaradaha Aadan Cadde wuxuu ka mid ah garoonada dowlada fedraalku ka kaashatay wadanka Turkiga si dib u habayn laxaad leh loogu sameeyo.

Sida sheegtay Qaramada Midoobay sanadkii 2012, wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala 62 garoon kuwaasi oo u diiwaangashan Ururka Adeega Duulista Caalamiga (ICAO). 7 ka mid ah waxay leeyihiin wadooyin laami ah oo heersare ah. Sidoo kale, afar garoon waxay leeyihiin laamiga diyaaraduhu ku soo degaan oo ka dheer 3,047 m.

Socdaalka Soomaaliya 
Diyaarada Soomaaliya Tupolev Tu-154 oo ka soo duuleysa Imaaraatka Carabta.

Diyaaradaha

Socdaalka Soomaaliya 
Mid ka mid ah diyaaradaha Dowlada Soomaaliya

Diyaarada Soomaaliya waxay ahay diyaarada sida calanka Soomaaliya. Waxaa la aasaasay sanadkii 1964tii, waxayna ka shaqeeyn jirtey duulimaadyada wadanka dhexdiisa iyo dibadiisaba. Wakhtigii uu dhacay dagaalkii sokeeye 1990kii, waxaa burburay dhamaan adeegii iyo shaqadii diyaaradahaasi.

Diyaarada Soomaaliya waxaa dib u habayn dawkada Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2012ka, taasi oo adeegeeda bulsho dib u soo celisay dhamaadkii 2013ka.

Diyaarada Sawir IATA ICAO Magaca u
gaarka
Bilowday
Howlgalka
Faallo
Air Somalia Socdaalka Soomaaliya  RSM Air Somalia 2001
Diyaarada Daallo Socdaalka Soomaaliya  D3 DAO Daallo Airlines 1991
Diyaarada Jubba Socdaalka Soomaaliya  6J JBW Jubba 1998
Diyaarada Soomaaliya Socdaalka Soomaaliya  HH SOM SOMALAIR Duulista joojisay 1991

Badaha

Dekadaha

Socdaalka Soomaaliya 
Dekada Boosaaso.

Wadanka Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaarada Afrika, taasi oo u suurtogelisay ineey yeelato tiro badan dekado ah. Si kastaba ha ahaatee, dekadaha ugu waaweyn ee si xoogan uga shaqeeya wadanka Soomaaliya waxaa ka mid ah:

Dhinaca kale, wadanka Soomaaliya waxaa ku yaala tiro badan oo dekedo dabiici ah, qaar kale qadiimi yihiin. Dekeda ugu weyn wadanka waa Dekada Muqdisho oo Dawlada Federaalku gacanta ku hayso. Sidaas ay tahay waxaa jira tiro badan oo dekedo ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: Caluula, Maydh, Lughaya, Eyl, Qandala, Xaafuun, Hobyo, Garacad iyo Ceelmacaan.

Gujiska Ganacsiga

Wadanka Soomaaliya waxay leedahay hal gujis ah, kaasi oo la aasaasay sanadkii 2008da. Gujiskani waa nooca qaada alaabta xamuulka ah oo keliya.

Wadooyinka Tareenka

Gaadiidka Tareenka Soomaaliya waxaa ka mid ah adeega tareenka ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo Jowhar kaasi oo lagu magacaabi jirey Mogadishu-Villabruzzi Railway. Tareenkani wuxuu le'eg yahay dherer dhan 114 km gebi ahaantii, waxaana dhisay gumaystihii Italian Somaliland horaantii 1910.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

Socdaalka Soomaaliya 
Wiki Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tags:

Socdaalka Soomaaliya WadooyinkaSocdaalka Soomaaliya CirkaSocdaalka Soomaaliya BadahaSocdaalka Soomaaliya Wadooyinka TareenkaSocdaalka Soomaaliya Sidoo kale fiiriSocdaalka Soomaaliya TixraacSocdaalka SoomaaliyaAf IngiriisDagaalkii sokeeye ee SoomaaliyaDekadGego diyaaradSoomaaliyaWadoweyn

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Baalcad absameMayl-badeedXasan Aadan SamatarXijaabDhuusoBaqdaadWikibidhiyaTaariikhNabi Yaxye C.S.Cilmi BoodhariWanlaweynMuqdishoHaaruun AlrashiidBoqortooyada MidowdayBoqol toban iyo afar SuuradoodSalaada CisheDaraawiishDhiigIslaamDacawoCiidanka Badda SoomaaliyaXaasaska Nebi MuxamedIsaaqDawladii CabaasiyiintaBari (Gobol)MajeerteenDhishiike (qori)BooramaShillin SomalilandSoomaali GalbeedOgadenMagacyada SoomaaliyeedWacbuudhan AbgaalDishiisheMareexaanNafaqoAddis AbebaDhulKoobka AdduunkaBaraaweFarabadneImaam MaalikFuraatDawlada CosmaniyaLuuqad SoomaaliJubalandSydneyAf SoomaaliCaloolCECAFAFanCabdiqaadir JubbaCilmiga bulshadaMayXudurDhagaxtuurCabdul-Qadir JilaniGuur2016OogSabiibJamaameOgsajiinCeel BuurBaddacasUkunMarookoIbraahim bin MuxamedKate UptonSheekh Yuusuf Al KawnaynFarxiya FiskaAxmed FaaraxWorld Wide Web🡆 More