AK-47 (ama Avtomat Kalashnikova) (Af-Ruush: Автомат Калашникова образца 1947 года), waa hub weerareed aad u fudud oo qof waliba isticmaali karo, qorigaan rasaas yaryar ayaa loo isticmaalo waxa sameeyay nin ruush ah oo magiciisu yahay (Mikhail Kalashnikov) ninkan markii uu keenay fikrad ah in uu sameeyo qorigan dilaaga ah waxa uu ku jiray isbitaal ku yaala magaalada mosko oo lagaga daweynayay dhaawacyo kasoo gaadhay dagaalkii labaad ee dunida, kadib ciidamada ruushku waxa ay si caama u tijaabiyeen qorigan dilaaga ah sanadii 1947, markii lagaadhay sanadii 1950 waxa ay ruushku soo saareen noocyo aad u badan oo qorigan ah , waxa lagu samaynjiray Warshada hubka ee magaceedu yahay izh, kadib sanadkii 1955 .waxa uu qorigani ka hawl galay ama si rasmiya u isticmaalay ciidamada ruushka ama soofiyeedka, kadib waxa iyana warshado samaystay ay qorigan kusamaynayaan dawladihii shuuciga ahaa ee bariga yurub sida Jarmalkii Bari, Poland, Roomaaniya, Yuguslaaviya iyo qaarkale oo badan, hada qorigan waxa si rasmi ah u isticmaala ciidamada dawlado kabadan 40 dawladood, qoriga looyaqaano AK-47 waxa uu qabaa nafaha dad badan oo somali ay ugu badantahay.
Wiki Commons waxee heysaa war la xiriiro AK-47. |
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article AK-47, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.