Abaar

Abaar (Af Ingiriis : drought; Af Carabi : ar‎) waa marka biyo la'aan ay ku dhacdo deegaan, taasi ooy sabab u tahay roob la'aan ka dhacday meeshaasi.

      Kani waa maqaal ku saabsan "abaaraha" guud ahaan. Maqaalo kale fiiri biyo la'aan.

Marka biyo la'aan ama roob yari ku dhacdo deegaan waxaa yaraada waxsoo saarka beeraha iyo dhirta taasi oo ku keenta dadka, xoolaha, xayawaanka iyo guud ahaan nolosha mid adag oon sii socon karin. Biyo la'aanta iyo roob yaridu waxay si toos ah u saameeyaan dhirta oo ayaguna saameyn weyn ku yeesha nolosha ku tiirsan ee quudka iyo cuntada u ahaayeen. Sida caadiga ah, abaaruhu waxay qaataan mudo bilo ah ama sanado ah taasi oo burbur laxaad leh ku keenta shabakada isku xidhan ee nolosha deegaankaasi. Khasaaraha abaaruhu waxay keenaan dhimasho laxaad leh oo ku timaada dad iyo duunyo wixii deegaankaas ku dhaqan, waxaana intaasi u dheer dhaqaale burbur iyo gaajo. Marka abaaro ka dhacaan meel waxaa qalala dhamaan noocyada kala duwan ee dhirta biyo la'aan darteed; dabeylaha ka dhaca deegaanadaasi waxay si fudud u kiciyaan dab aafo weyn u geeysta dhul baaxad balaadhan.

Faallo

Abaar 
Muuqaalka deegaano baaba'ay abaaro darteed

Jaadyo ka mid ah dhirta, sida geedaha Sogsoga (acacia tree) waxay adkeysi fiican u leeyihiin abaaraha, waxaanay noolaan karaan mudo sanado ah xataa hadii roob iyo biyo la'aan darani jirto. Qaar kale oo geedaha ka mid ahi waxay sameeyaan nidaamyo kale ooy ku badbaadinayaan noloshooda, sida in ay carada ku aasaan iniinyohooda si marka roob da'o ama biyo yimaadaan dib ugu soo baxaan mar kale. Jaadyada dhirta ay ka midka tahay cowsku si fudud ayuu ku baaba'aa hadii uu biyo waayo. Dhulka Soomaalidu deegaanka ku tahay waxaa lagu tiriyaa saxare-lamood (taasi oo micnaheedu tahay qeyb ahaan Lamadegaan) ayaa waxa in badan ka dhacay abaaro aafo daran oo dad iyo duunyo baabi'iyey. Abaarta Dabadheer oo caan ku ah geyiga Soomaaliyeed ayaa ka mid ah kuwa sida daran u baabi'iyey shacabka reer guuraaga ah ee Soomaaliyeed. Sidoo kale abaaro ba'an oo dhacay sanadihii 2009, 2010 ilaa 2011 ayaa si daran khasaare naf iyo maal ah u geeystay dad badan oo reer baadiye ku dhaqan koonfurta Soomaaliya.

Sidoo Kale fiiri

Xigasho


Tags:

Af CarabiAf IngiriisBeerBilBiyoCuntoDabDabeylDadDeegaanDhirNololRoobSanadXayawaanXoolo

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Ol Olaha Horumarinta Reer MiyigaSanaagCarab SaalaxMadhibaanYukraynKoobka AdduunkaMaxamed SamatarGarjante gardheere samaaleCeel CaddeHererCabdalle SabdiWabiga JubbaDhulka CarabtaSuxufi IbraahimDagaalkii (2006–2009)DayniileDhedigBolandBajeelaBahda Qoraxdu MidaysayMarookoDishiisheAbokor muuseCalanka SomalilandJuqraafiga SoomaaliyaAadan YabaalYaaqshiidSomtelArbacoSaaxilBoqortooyada MidowdayBeesha Aw saciidJacaylJubbada HooseEylSalaaxudiin al-AyyuubiGarreAbuu Dar AlghafaariShuuciyadOgsajiinAbshir BacadleWikimediaKiin JaamacDakkarAxmed Kismaayo1964Ruun NirgoodMaamulgoboleedka SoomaaliyaTixShawaalGuurSacuudi CarabiyaCadaleAas aaskii cidanka somalia codadCabdirashiid SharmaarkeWikibidhiyaHariinDigirGodeeyJubbada DhexeJineefaJabaanKhilaafada IslaamkaCumar (saxaaba)Waroodka HowlwadaagMalaysiyaXisbiga UCIDShilke (qori)SaylacQardhaasAndalus🡆 More