Qilij Arsalaan Labaad

cizudiin qilij arsalaan labaad bin mascuud af turki; Kılıç ArslanI II) (af faarisi قلج أرسلان دوم) waa suldaanka salaajiqada ruum intii u dhaxeesay 1156 ilaa 1192

Qilij arsalaan labaad
Qilij Arsalaan Labaad
Dawlada Salaajiqada ruum1190kii
Suldaanka salaajiqada ruum
Xilka1156–1192
Ka horeeyayMascuud koowaad
Ku xigayKiikhisroof koowaad
Dhintey1192
U dhaw Aksaraay
Magaca oo dhameestiran
Cizudiin Qilij arsalaan bin mascuud
HoygaSalaajiqada
AaboMascuud koowaad

Qabashada xilka

Mascuud wuxuu u baxay la dagaalanka amiirka armiiniya tuuruus labaad markuu ka soo laabtay wuu dhintay 1156 xilkana waxaa qabtay qilij arsalaan labaad, waxaa bilaawday dagaalo u dhaxeeya dawlada iyo daanishmandiyiinta blase nuurudiin zanki oo arkaayay in is khilaafka muslimiinta uu awood siinaayo cadawga ayaa dhaxdhaadin sameeyay , markale ayuu khilaafka soo laabtay hadana culumada iyo wax garadka ayaa hishiis sameeyeen, hishiiska ka dib qilij arsalaan labaad wuxuu ku duulay biriizanda, waxa uuna ka qabsaday magaalooyinka laarinda iyo saliiqiya, balse mudadii u dhaxeesay 1159-1161 waxa uu kala kulmay biriizanda jab is daba jooga ugu dambeyn wuxuu aqbalay hishiis dhigaayay shuruudo adag .

soo afjarida daanishmandiyiinta

mudadii uu hishiiska socday Qilij arsalaan wuxuu xooga saaray soo celinta awooda dawlada waxaana u suura gashay 1574 inuu qabsado imaarada siiwaas oo daanishmandiyiinta ka mid ahayd, imbiraadoorka biriizanda ayaa arkay inuu fursad siiyay qilij arsalaan waxa uuna dalbaday dhulka daanishmandiyiinta, markii loo diiday dagaal ayuu soo qaaday Qilij arsalaan ayaa awooday inuu ku jabiyo dagaalkii miryokifaaloon, khasaaro adag ayuuna gaarsiiyay . Sanadkii 1177 waxa uu qabsaday imaarada maltaay oo ugu dambeesay daanishmandiyiinta, sidaas ayee dawlada ku noqotay awooda muslimka kaliya ee ka jirta anaadool .

1179 qilij arsalaan wuxuu dagaal ku qaaday ayuubiyiinta, hase yeeshee jab ayuu kala kulmay salaaxudiin ,

Weerarkii sedexaad ee saliibiyiinta

Weerarkii sedexaad ee saliibiga ayaa ku yimid dhulka dawlada, waxaana hogaamiya ka ahaa feridriik barboosa boqorka jarmalka, wuxuu doorbiday Qilij arsalaan inuu ka gambado laakin wiilkiis Qudbudiin ayaa la dagaalay waxeyna qabsadeen quunya 1190 , hase yeeshee boqorka jarmalka ayaa isaga baxay magaalada Shan bari ka dib waxa uuna dalbaday in sahay la siiyo jidkana loo furo.

kala qeybinta dawlada iyo dhimashadiisa

Sanadkii 1186 waxaa ku dhacay qilij arsalaan cudurka faalij waxa uu ku fakaray inuu ilmihiis oo ahaayeen kow iyo toban u kala qeybiyo dawlada, taasi oo qalad weyn ahayd waxaa mariiba ka dhex bilaawday walaalaha khilaaf iyo dagaalo, qilij arsalaan ayaa gadaal dambe ka ogaaday qaladkiisa wuxuu bilaabay inuu dib usoo mideeyo asagoo madax ka dhigaayo wiilkiis gayaasudiin kiikhisroof , hase ahaatee asoo ku guuleesan buu dhintay 1196, wiilkiis suleymaan ayaa awooday inuu dhamaan ka adkaado laakin 1204 laakin shan bari ka dib wuu iska dhintay

Xigasho

Tags:

Qilij Arsalaan Labaad Qabashada xilkaQilij Arsalaan Labaad soo afjarida daanishmandiyiintaQilij Arsalaan Labaad Weerarkii sedexaad ee saliibiyiintaQilij Arsalaan Labaad kala qeybinta dawlada iyo dhimashadiisaQilij Arsalaan Labaad XigashoQilij Arsalaan LabaadAf-FaarisiSalaajiqada ruum

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Maxmuud SangubRasuulBari (Gobol)ChunghaDubayBadweynta BaasifigaKeski qabeBuurhakabaDhulka Talyaaniga ee SoomaaliyaJigjigaJamaameNebi Aadam C.SIslaamSheekhaal JaziiraGoldWabiga NiilShiicaAbokor muuseWarshadFar SoomaaliTunisiyaUruguayCabdullaahi YuusufDekadaha SoomaaliyaGuska weynSaylacKiin JaamacNabi Ibraahiim C.S.JubalandKhulafada umawiyiintaCabdiqaadir YamyamGarxajisCilminafsiMarkaXaafada juungalISO 3166-2Ibnu xajar casqalaaniJinkis KhanNabi Suleymaan C.S.SamaaleFalastiinNebi MuxamedBakistaanCeeldheerXulbadMasjid al-AqsaGudniinka FircoonigaXikmada Nolosha iyo FarxadaKhulafadii CabaasiyiintaFarraareBaraaweDiiwaanka Abwaanada SoomaaliyeedDhaqanka SoomaaliHodanQareGarreAl-ShabaabMuuse Shiikh IsxaaqCeerigaaboDabareDiwaanka CuriyeShidaalKoonfur AfrikaGolweynJaamacadda OxfordDegoodiAtomHargeysaLibaaxBartireAstaanta Qaranka SomalilandBeerQAAMUUSKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED🡆 More