Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya, waxaa haystay gumeeystihii Talyaaniga (1861–1946) kasoo biloow 1880s ilaa 1936 waana dhulka hadda loo yaqaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Waxaa xeebaha dalka kasoo dajiyey horkacayeyna Salaadiin kala joogtay Bari iyo mudug gaar ahaan Hobyo, dhulkiina waxaa qabsaday dawladii fashiistaha ahad ee Talyaaniga. Bartamihii 1936, gobolku wuxuu isku bedelay Dhulkii talyaaniga ee afrikada bari kaasoo ka mid noqday mid ay xukumaan Imbaraatooriyadii Talyaaniga. Taasina waxay soo gabagaboowday 1941, Xiligii Dagaalkii Labaad ee Aduunka. Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya kadib waxaa la wareegay maamulka Dawladii Biritishka ilaa 1949, taasoo uu maamulku la wareegay Qaramada Midoobay, looguna magacdaray Daakhiliyadii, lana hoos geeyey talyaaniga. Luuliyo 1, 1960, waxaa markii ugu horeysay fariistay Baarlamaankii koowaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu shir gudoominayey Afhayeenkii Midnimadda, Gudoomiyihii Koowaad KMG ee Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya MD. Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf, waxuu ku dhawaaqay Midnimadda Soomaaliya, waxaana isla maalintaas la doortay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo KMG ah. xiligaas ay modoobeen labadoo gobol ee ay kala xukumayeen ingiriiska iyo talyaaniga Dhulka Biritishka ee Soomaaliya taasoo ay isku noqdeen Jamhuuriyadda Soomaaliya kadibna waxay baadi goob ugaleen sidoo gacantooda laaga soo bixin lahaa gumaysatayaasha kale Sida Faransiiska, Xabashida iyo Kiinyaatiga.
Sideeddii gobol ee hore,
Waxaa kaloo jirtay gobolka Ogaadeenya in uu maamulayey talyaanigu wuxuuna ukala qaybasanaa
Waxaa halkaan ku jira qoraal yer oo kooban. Fadlan qoraalkaan naga caawi hadii aad wax ka taqaan Guji halkaan si aad wax ugu kordhiso. |
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.