Shabeellaha Hoose: Gobal ka Tirsan Soomaaliya

Shabeellaha Hoose (Af Soomaali : Lower Shebelle, Af Carabi : ar‎) waa gobol ka mid ah deegaanada koonfurta Soomaaliya.

Shabeellaha Hoose

Lower Shebelle

شبيلي السفلى
Gobol
Shabeellaha Hoose: Hordhac, Wax soosaarka, Lahjadaha looga hadlo gobolka
Xeebta magaalada Marka
Shabeellaha Hoose is located in Earth
Shabeellaha Hoose
Shabeellaha Hoose
Meesha kaga taalo Soomaaliya.
CountryShabeellaha Hoose: Hordhac, Wax soosaarka, Lahjadaha looga hadlo gobolka Somalia
CaasimadaMarka
Dowlada
 • BadhasaabkaMaxamed Nuur
Area
25,285 km2 (9,763 sq mi)
Tirada dadka
(2007)
 • Dhammaan1 399 868
 • Cufnaanta dadka55.36/km2 (143.4/sq mi)
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Hordhac

Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu ku yaalaa koonfurta dalka Soomaaliya waxaana magaalo madax u ah Magaalada Marka, dhaqaalihiisa wuxuu ku tiirsanyahay beeraha, xoola iyo Kaluumeysiga. Gobolkaan waxa uu xaduud la yeeyahay gobolada kala ah Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Bay, Jubadda Dhexe iyo Badweynta Hindiya. Waxaa mara Wabiga Shabeelle. Shabeellaha Hoose wuxuu gobol ahaa waagii hore1884 kadib talyaniga ayaa exbaadir ku daray

Run ahaantii Gobolkaan wuxuu ka mid yahay gobolada ugu quruxda badan dalka Soomaaliya. sababtoo ah wuxuu leeyahay deegaaano aad u ballaaaran oo doog ah, sidoo kale waxaa ku yaalo beeraha waawayn ee loo yaqaano aseendooyinka kuwaasoo inta badan dacalka ku haaya webiga shabelle oo dhex mara gobolka, deegaannada ayaa ah kuwo aad usoo jiita dadka dalxiisayaasha ah. deegaannada dalxiiska ku wacan waxaan ka xusi karnaa Beeraha Afgooye taasoo isku xirta caasimada iyo xarunta gobolka ee Marka. Sidoo kale waxaa lagu yaqaan kaluumeysiga oo aay dadka aad uga helaan. woxoo leeyahy dhul aad u qurux badan iyo xeebo indhahaaga soo jiidanaayo.

Wax soosaarka

gobolka shabeellaha hoose waa gobolka ugu horeeya dalka Soomaaliya ee dhanka wax soo saarka beeraha. Gobolkani waxa uu RABBI ku manaystay khayraad fara badan oo isugu jira bad iyo barriba. waxaa ku yaalo beerah ugu badan dalka kuwaasoo laga soo saaro dalaga kala duwan ee laga isicmaalo inta badan wadankeenna. gobolka waxa uu caan ku yahay beeraha qudaarta, qudaarta ayaa ah miro u baahan biyo joogto ah oo lagu waraabiyo sidaasi daraadeed ayaa ILAAH waxa uu gobolkani ugu deeqay wabi biyihiisu qul qulaaan bilaha sanadka oo dhan taasna waxay sahashay in la abuurto beerahaas waqti kasto. qudaarta iyo noocyada kale ee fawaakihda ee gobolka kasoo baxdo waxaan ka xusi karnaa, yaanyada, basasha, barbarooniga, kabsar caleen, basbaaska, bocorka, iyo waxyaabaha kale ee la midka ah. sidoo kale dhanka fawaakihda ama qudaarta aan la karin ayuu gobolku caan ku yahay, sida Cambaha, Muuska,Isbaandheyska, Canabka. Babaayga, iyo Qaraha. waxaana xusid mudan in dalka dhaqaale xoog badan kasoo galo dhoofinta Moooska oo gobolkan kaliya laga soo saaaro intiisa badan. sidoo kale waxsoo saarka gobolkan waxaa ka mida, kheyraadka badda oo ah mid ka mida ilaha dhaqaale ee gobolkani caanka ku yahay. waxaa uu gobolkani leeyahay xeeb dheer oo kalummeysatadu ka jalaabtaaan.

Lahjadaha looga hadlo gobolka

Gobolkaan waxaa looga hadlaa lahjado badan ku waasoo ku xiran qabiilada ay kasoo kala jeedaan. Lahjadaha looga hadlo waxaa ka mid ah afka maxaa tiri, af baraawe, maay maayga iyo afka marka iyo afaf kale oo yaryar waxaana kala dega qabaa,ilada kala ah Shiikhaal Jaziira, Shiikhaal Gendershe, Biimaal,Digil iyo mmirifle,12 koofi ,wacadan,wadalaan iyo murusade

Degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose waa 1

  • Degmada afgooye
  • Degmada wanlawayn
  • leego
  • Degmada baraawe
  • Degmada qoryooley
  • Degmada kunturwaareey
  • Degmada sablaale
  • Degmada jannaale

Tixraac

Tags:

Shabeellaha Hoose HordhacShabeellaha Hoose Wax soosaarkaShabeellaha Hoose Lahjadaha looga hadlo gobolkaShabeellaha Hoose TixraacShabeellaha HooseAf CarabiAf SoomaaliSoomaaliya

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Goroyo SoomaaliGalmoBaltimoreOlivia RodrigoTaariikhda Qaramada MidoobayDayax gacmeedGaashaanbuurta NATOCiidanka Qalabka Sida ee SomalilandAbuu jacfar almansuurXooloKinsi Xaaji AadanCusmaan binu CafaanHariinGeri koombeQAAMUUSKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEEDEratareyaMaxamed CawaaleDylan BesseauBalwoQabiilka eyloRaage UgaasLacagDhaqaallaha SoomaaliyaLuuqad (Af)Raas CaseyrFalastiinDhulBaalcad absameImaaraatka CarabtaKun Habeen Iyo HabeenQaaradahaCumar FaaruuqCismaan KeenadiidNuur FanaxReeriidleMaxamed Faarax CaydiidBaarliinHindusamXasan BarsaneAbella DangerMaroodi JeexKhilaafada RaashidiintaFiyetnamWarshada kaluunka ee LaasqorayCirdhowBoortaqiisMauritiusBeer gadiidIiraanMurtiMobileSifaynta Diinta IslaamkaAfrikaBerberaHilibi MaxamedWabiga ShabeelleAbokor muuseWaxbarashada SoomaaliyeedDegmada Feer-feerAwdalUbaxBurcoShiinahaBariga DhexeCimiloMadaxweyne ku xigeenka Somaliland🡆 More