Yalho, ama Yahlo waa Magaalo ku taal gobolka Bari Puntland Soomaaliya, waxay 50 kilometres (31 mi) ka xigtaa dhanka koonfureed magaalada Boosaaso.
Waa Irridda keliya ee gaadiid dhuleed ka soo geli karo Magaalada Boosaaso, waxaa la asaasay qarnigii 16-aad, Waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu qadiimisan dalka Soomaaliya. Yalho waa mid ka mid ah magaalooyinka laga helo Xijjiga waxa kale oo magaaladu leedahay khayraadyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Dahabka,beeraha oo ay aad qani ugu tahay biyo ilo ah oo durduraya Shidaalka iyo Macdanta. Waxaa ku fariisin ciidan oo muhiim u ah hubinta waxaayba gelaya gudaha magaalada Boosaaso.
Yalho | |
---|---|
Gobol | Bari |
Magaalo | Boosaaso |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Yalho maamul ahaan waxay ka tirsan tahay degmada Bosaso ee xarunta gobolka bari, Sidoo kale magaaladu waxay leedahay maamul hoosaad waxaana ka jira ururo dhowr ah oo ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Waxa ku yaal saldhiga weyn oo ay leeyhiin ciidamada daraawishta iyo PSF. Deegaanka waxaa degan dhishiishe
Gudoomiye degaanka yalho
Abdullahi nuur warsame
Gudoomiye ururka dhalinyarad degaanka yalho ee howla wadaag
Cawil siciid
Taliyaha ciidanka daraawishta deganka yalho karin mareero
Taliye saadiq bashiir qooqne
Waxaa jira khilaaf la xiriira xilligii la asaasay Magaalada maadaama magaaladu tahay magoolo soo jireen ah, waxaase la isku raacsanyahay in magaaladani jirtay ka hor qarnigii 16-aad. Yalho waxay leedahay Ilo biyeedyo aan go'in waxaana hareereheeda ah noocayada kala duwan ee dhirta "Xijjiga" sidoo kale magaaladu waxay leedahay deegaamo dhul daaqsimeed ah. Arrimahan oo la isu geeyay ayaa kadhigay magaalada mid soo jireen oo leh cimri facweyn maadaama ay kulansatay waxyaabihii nolosha dadka qiimaha u lahaa.
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Yalho, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.