Soomaaliyeey Toosoo

Heeso

    Soomaaliyey toosoo,
    Toosoo isku tiirsadaye,
    Hadba kiina taag darane'e!
    Taageera weligiinee hee!

    Qaar baa qabriga galayo,
    Qaar baa bad lagu qabaye,
    Qaar baa qurbaha degayo'o,
    Qaribaaya dhaqankiiye'e!

    Ummadeena kala qubataa,
    Qalbiga uga ooyaayoo'oo,
    Qaxarkiyo dhibta badan baa,
    Quudba qaadan waayee hee hee!

    Soomaaliyey toosoo,
    Toosoo isku tiirsadaye hee,
    Hadba kiina taag darane'e!
    Taageera weligiinee!

    Sida aadmiga kale'e,
    Aayaha ma derisnaaye'e?
    Mise ururo kala raaciyaa!
    Aarsashaan ku maqanahaye'e?

    Qorigiyo qabiil daran baa!
    Qarankeenii baabiiyo'oo!
    Naga dhigay qaxooti baxoo!
    Quudhsadaan aduunyada'e!

    Soomaaliyey toosoo,
    Toosoo isku tiirsadaye,
    Hadba kiina taag darane'e!
    Taageera weligiine'ee!

    Calankeena dahabka'a iyo,
    Ciideena dooga ahee!
    Inagaa dirir ku aaseynoo,
    Is dilnaa ma dowbaa'ee?

    Maalintaan kurbada bi'inee,
    Gobonimo kow nidhiye'e,
    Konton sanee ku buuxdaayoo,
    Mana hadhin haraadkiiye!

    Soomaaliyey toosoo,
    Toosoo isku tiirsadaye,
    Hadba kiina taag darane'e!
    Taageera weligiine'ee!

    Bal hadaaynaan is daba qabanin,
    Waan dabar go'aynaayoo,
    Ummaddoo shisheeyaa baa!
    Carigeena soo dagaye'ee!

    Calanyahow tilmaam wacan baa,
    Midabkaagu taam ku yahoo,
    Xidigtii na tirinaysaa,
    Dhexda kaaga sii taala'e!

    Soomaaliyey toosoo,
    Toosoo isku tiirsadaye,
    Hadba kiina taag darane'e!
    Taageera weligiine'ee!

    Dad walaala aanu nahayo!
    Waa laysku keen diraye'e!
    Nacabkeenii inoo daran baa!
    Dabina inaga'o dhigaye'e!

    Ina dhaaf asaageynoo!
    Inala degan adduunyadu'e,
    Dhimashiyo mid uun nololeed!
    Dhan uun ma isku raacnaaye'e!

    Soomaaliyey toosoo,
    Toosoo isku tiirsadaye,
    Hadba kiina taag darane'e!
    Taageera weligiine'ee!

    Waxa aan la ooyaayoo!
    Ilmadu iga qubaysaa!
    Iqtiyaar nin loo diidoo!
    La adoonsadaan ahaye'e!

    Dumarkiy ocarruurtii baa!
    La dareersanaayaayoo!
    Duniday baryaayaanee!
    Ma dareemin weliye'e!

    Soomaaliyey toosoo,
    Toosoo isku tiirsadaye,
    Hadba kiina taag darane'e!
    Taageera weligiine'ee!

Tags:

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Isku dhisWikiAasiyaFilimada qooq-kobcinta jilicsanaanHeo Yoo-rimXasan Sheekh MuminCawramaleSalaada SubaxMuqdishoWarsangaliTaariikhda SoomaaliyaJijeeleCiidanka Qaranka SomalilandHTMLCigaal shiidaadAfti Dastuurka Soomaaliya, 1961Dagaalkii soomaalia iyo itoobiyaIiraanIsbaniaDhulGadabuursiBoqortooyada Soojireenka SoomaaliyaInternetMurtiCaafimaadBaydhaboWarta NabadaBeesha cumar JibriilMidabDharkeenleeyBoosaaso10-ka saxaabi ee Janada loogu bishaareeyayCabdirashiid SharmaarkeBartireYarradXagaaSoomaalilandMaxamed Cabdulaahi MaxamedAadan DaarISO 3166Ciise (qabiil)Dhuxul DhagaxDarajooyinka Ciidanka SomalilandBakoolDastuurAf IngiriisHilibi MaxamedLekhtanishtaynWabiga ShabeelleTuwitterGeedGarasbaaleeyCusmaan bin CafaanWoqooyi Bari, KiinyaHonjo SuzuDagaalkii sokeeye ee SoomaaliyaQAAMUUSKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEEDWoqooyiga AmeerikaAfareeyGobolada SomalilandMuuse AbokorIngiriis (Dad)DayniileBurj KhalifaAxkaamta JanaasadaEk Paheli LeelaAf-MaayManchester City FCLuqada Tamil-kaAfgooyeJowleShabeellaha HooseUraanoReeryoonis🡆 More