Shuban: Xanuun bani'aadamka ku dhaca.

Shuban : Shubanku waa kordhidda tirada iyo jilicsanaanta saxarada.

Taas oo kala ahaan karta in badan oo jilicsan ama fudud ilaa in badan oo biyo-biyo ah. Hal ama laba mar oo ah In yar oo jilicsan ma aha shuban, mana u baahna daaweyn. Shubanka waxaa inta badan keena xanuun feyras ah ama cunidda cunto aanay calooshu oggolayn. Haddii shubanka cunuggaagu uu keenay bakteeriya, dulin, ama feyras khaas ah, eeg warqadda barashada, “Kaartada tixraaca shubanka.”

Shuban: Xanuun bani'aadamka ku dhaca.
Shuban: Xanuun bani'aadamka ku dhaca.
Shuban

Khatarta Uguwayn

Khatarta ugu weyn ee shubanku waa fuuq- bax ama dheecaan-bax. hadaba fuuqbaxu waxoow keeni karaa in qofku naftiisa qatar gasho. fadlan haddii ey caruurtu fooqbaxaayaan ula tag dhaqtar sida ugu dhaqsaha badan haddii kale ama aan heleynin dhaqtar waxaad sameysaa milanka loo yaqaan ORS. hadaba milanka sid ugu fudud ee aad ugu samenkarto waxaa waye. 1.kululeey ama kar kari biyo caadi ah. 2.kushub sokor. 3.kadiban kusii shub cusbo tasoo kayar mug ahaan intii sokortu la ekeeday. 4.qabooji biyaha. 5.kadib waxaas siisaa cunuga fuuqbaxaayo sadex qaando una dhexeysii mudo ilaa toban daqiiqo ah. dadka waaweyn waxaad siin kartaa ilaa shan qaato markiiba.

Shubanku si fudud ayuu u gudbi karraa dadka kale istaabashada gacamaha. Hubi qofka kasta oo ka mid ah qoyska inuu dhaqo gacamihiisa si fiican ka dib isticmaalka musqusha.waxaa muhuum ah in la takooro caruurta marii eey saxaroodaan kadib. fadlan kafogey caruurta kale ee faya qabto kan xanuunsan ama dil cayayaanka duqsiga ama dixsiga kasoo siween ufaafiya cudur ka koleraha.

Ujeedada daawayntu waa ka hor-tegida fuuqbax. iyadoo la bedelayo dhecaankii ama dareerihii ku lumay shubanka.

Calaamadaha Lagugarto

  • Kaadi la’aan (ama xafaayada oo qalalan)

muddo 8saac ah

  • Dibnaha/bushimaha oo qalala
  • Gudaha afka oo qalala ama isku dhegdhega

Calaamadaha fuuq-baxa aadka u daran:

  • Indhaha oon aan ilmayn marka uu ilmuhu

ooyayo

  • Gudaha afka oo aad u qalala (candhuuf

la’aan)

  • Indhaha oo god gal
  • Miisaanka oo ka dhaca
  • Tabarta oo ku yaraata
  • Kicintiisa oo adkaata markuu hurdo
  • Isku buuqsanaan
  • Daciifnimo (ku adkaato inuu fariisto ama

socodo, dhacdhacid

Sidee laaga hortagikaraa

Ujeedada daawayntu waa ka hor-tegida fuuqbaxa iyadoo la bedelayo dhecaankii ama dareerihii ku lumay shubanka. Tani aad ayay sidoo kale muhiim u tahay haddii uu matag jiro. Haddii ilmahaagu matagayo, tixraac warqada warbixinta “Hunqaacada / Matagga”, ka hor inta aadan daawayn shubanka. Haddii aanu matag jirin, raac qodobadan. Kuma daawayn kartid shubanka bedelida cuntada, laakiin waxaad ku yarayn kartaa calaamada shubanka iyo xanuunka. Bilow daawaynta ka dib marka uu ilmuhu shubmo 4mar xaar aad u jilicsan 24kii saacadood. Waxaa laga yaabaa inay qaadato maalmo dhowr ah in saxaradu ay ku soo noqto sidii caadiga ahayd. Shubanka fayraska ahi wuxuu qaataa 5 ilaa 9 maalmood, laakiin waxaa hoos u dhaca qiyaasta saxarada iyo inta mar ee uu ilmuhu saxaroonaya inta daawadu socoto. Si aad ugu soo celiso bakteeriyadii caafimaadka qabtay saxarada, waxaad siin kartaa lactobacillus GG, (sida Culturelle® ). Waxaad ka heli kartaa dukaamada laga gado daawooyinka, hal kaabsal maalintii laba mar adigoo furaya kaabsalka kuna daadinaya cuntada. Noocyada kale ee lactobacilluska waxa la ogaaday inayna ]

Tags:

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Dhulka Soomaalida ee IngiriiskaSaynisCarabtaDhogorKaaraanMalmalDhaqaallaha SoomaaliyaSSC-Khatumo stateBocorCabdalle SabdiSuugaanNabi Luud C.S.Salaada CasirHijrada xabashaBaarlamaanka Federaalka SoomaaliyaArjantiinaHargabKalandarka MiilaadigaDib QalloocBari (Gobol)Eimi FukadaJamhuuriyadda Kongo2019Faaduma rasuulFanka SoomaalidaSoomaaliweynDawladii CabaasiyiintaMayotteFar Soomaali2015BuuhoodleNebalDayax GacmeedViktor OrbánTowraadAqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaAxmed Binu XambalBaasaboorDangorayoBaaySifaynta Diinta IslaamkaHollandDagaalkii Labaad ee AduunkaMaansoGaldogobLaascaanoodNabi Yacquub C.S.LabaaleeyHawiyeWanlaweynLoolNabi Daa'uud C.S.Wadamada AfrikaSaynab bint MuxamedSalaada SubaxMasagoDoorashada Madaxtinimada Soomaaliya, 2012Zeyd Binu XaarithaDegmada Feer-feerLiiska magaalooyinka SoomaaliyaJabuuti (magaalo)XeebjireJowleFilimada jaceylkaWax soo saarka gudahaImaam Al BukhaariJagada Madaxwaynaha SomalilandInternetQoraxQaawanaanta ee filimanta🡆 More