Ssc-Khatumo State

Dowlad Goboleedka SSC-Khatumo ee Soomaaliya , waa dowlad goboleed ku taala waqooyiga Soomaaliya ee lagu talagalay bulshada reer darawiish iyo Fiqishini, iyo Gabooye, iyo Dubays-Hoose, iyo Taargooye..

Waxay ka koobantahay gobollada Sool iyo Buuhoodle, hoggaamiyeyaasheedu waxay ku dhawaaqeen dhulku inuu yahay dowlad madax-bannaan 2012. SSC-Khatumo waxa udub dhexaad u ah dhaqan iyo hiddo ahaan waa haldoorkii weyna ee Diiriye Guure.

Dowlad Goboleedka SSC-Khatumo ee Soomaaliya
Ssc-Khatumo State
Location of SSC-Khatumo
Magaalo madax
Waa Magaalada ugu balaaran
Las Anod
Dadka reer SSC
Xukunka Maamul Goboleed
 -  madaxweyne Cabdiqadir Firdhiye
Ismaamul ka dhaxyaala Soomaaliya
 -  Established 2012 
Baaxad
 -  Guud ahaan 64,487 km2 
90,535.93685 sq mi 
 -  Biyo (%) 12
Lacagta Shilin Soomaali (SOS)
Waqtiga EAT (UTC+3)
 -  Xagaa (DST)  (UTC+3)
Thiinada telka +252 (Soomaaliya)
ISO 3166 code SO
Furaha Internetka .so

Inkastoo 20kii Oktoobar 2017 magaalada Caynabo , waxaa heshiis lala galay dawladda Somaliland kaas oo dhigaya in wax laga beddelo dastuurka Somaliland iyo in ururka lagu daro dawladda Somaliland , warbaahinta rasmiga ee dowladda Khatumo waa ururka khaatumonews24, wargeyskeed na wuxuu mucaarad ugu yahay maamul goboleedyada ee Soomaaliyeed, oo wuxuu isku arka maamul goboleed ee madaxbanaan. Tani waxay calaamad u ahayd dhammaadkii ururka inkasta oo ay ahayd dhacdo aan caan ku ahayn bulshada reer darawiish. Calanka Khaatumo waxaa ku sawirran faraska Xiin Faniin ee ah faraska Diiriye Guure, madaxa dawlada Daraawiish.

Taariikh

Magaca SSC-Khatumo waxaa laga soo qaatay eray carabi ah oo macnaheedu yahay "gabagabada wanaaga." Ujeeddada maamulku wuxuu yahay in horumarka iyo xasilloonida loo soo qaado gobolka iyada oo la dhisayo dawlad maxalli ah. Taariikh ahaan, gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) ee Soomaaliya waxay u adeegeen labada kursi ee Suldanadi Warsangali iyo Dawlad goboleedka Daraawiishta.

Ssc-Khatumo State 
astaanta iyo calanka khaatumo (darawiish).

Maamulida dhulka waxaa ku muransan Dowlad Goboleedka Khaatumo (oo hore u eheed HBM-SSC ama Hoggaanka Badbaadada iyo Mideynta SSC), ismaamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, iyo ismaamul goboleedka somaliland. Sida ee sheegeen Ururka Dhaqdhaqaaqa Waqooyiga Soomaaliya (NSUM), hiigsiga Khatumo State, NSUM wuxuu u taagan yahay dhiirrigelinta nabadda, dib u hishiisiinta iyo midnimada dhammaan dadka ka socda Soomaaliya. Ururku ma aqoonsana madax bannaanida gooni isutaagga Somaliland . Waxa kale oo ay ka soo horjeedaan qabsashadii 2007 ee gobolka Sool oo ay galeen ciidamada Somaliland . Sannadkii 2010, maleeshiyaadka NSUM waxay ku lug lahaayeen isku dhac dhax maray iyaga iyo maliishiyaad reer Somaliland ah meel u dhaw tuulada Widhwidh , ee gobolka Cayn ee Soomaaliya. Sanadkii 2012, maamulka Khaatumo State ayaa la soo gabagabeeyey kadib shirar isdaba joog ah oo gudaha iyo dibadaba ah oo bilaawdey 2007dii oo u dhaxeeyay siyaasiyiin caan ah, madax dhaqameed iyo dadka deegaanka. Caasimadda dhulku waxay markii hore ahayd Taleex . Ilaa Agoosto 2014.

Bishii Agoosto 2016 kooxda Khatumo State waxay bilawday wada hadal nabadeed oo lala yeesho Somaliland . Wadahadalka, si kastaba ha ahaatee, wuxuu dhaliyay khilaaf weyn oo u dhexeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka, Cali Khalif Galaydh iyo Cabdulle Agalule, kuwaas oo ugu dambeyntii soo saaray laba maamul oo kala duwan oo labadaba sheegtay inay yihiin dowlad sharci ah. Kooxda uu hogaaminayo Cali Khalif waxay heshiis la galeen Somaliland , magaalada Caynabo Oktoobar 2017, kaas oo dhigaya in marka la eego shuruudaha wax laga beddelo dastuurka Somaliland , in ururku la midoobo doono dowladda Somaliland.

Tixraac

Tags:

Reer darawiish

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

SextubeCadaleXasan AbtidoonXuseen Bin Cali Bin Abii DaalibKhaalid bin WaliidArabsiyoGeri koombeMobileHabar JecloAbriilBaayCigaal shiidaadMadhibaanGacan LibaaxCayr (beel)AngolaFarxiya KabayareThiin (lambar)Goroyo SoomaaliHaber AwalLuqada Hindo YurubHabar ejiAf CarabiWabiga ShabeelleGobolada MidoobayDegmada Feer-feerHilibi MaxamedGelediWarbixin SoomaaliyaAfrikaGuHabar GidirGabayada abwaanada hawiyeLa MarseillaiseDhismaha websitekaBoqortooyadii DarawiishQoryooleyDawlada CosmaniyaSuugaanta SoomaalidaMuxamad koowaadISO 4217TunisiyaRabic al-awwalCiise (qabiil)DhalinyaroWoqooyiga AmeerikaCarabiBiyoDimoqraadiDhulUrurka Iskaashiga IslaamkaSiwaarqoonWaxaraxirKhilaafada IslaamkaKayseriMaamulgoboleedka SoomaaliyaSaraarBakoolGalbeedka AfrikaBiciidBiciideCumaanRagFalastiinAdolf HitlerWayteenTurkigaAstaanta Qaranka ee SoomaaliyaXisaabDiin-dhuleedSalaada SubaxJubbada HooseGeedSilcis (beel)SSC-Khatumo stateAw qudub🡆 More