Kaduudiye

Kaduudiye ama Kuuduyiye (Af Ingiriis : Chikungunya, Af Carabi : ar‎) waa xanuun uu keeno fayruska  Chikungunya, qofka uu ku dhaco ayaa calaamad waxaa u ah qandho soo booddo ah oo haysa labo ilaa toddobo maalin, waxaana ku xiga xanuuno toddobaad, bil ama sanado qaata, wuxuu wataa xaglo (kala goysyo) xanuun badan, u dhimashada cudurkaan ayaa aad u yar, qiyaastii 1000kii hal ayaa u dhinta hadduu alle qadaro, dadka da'da ah ayaa u dhinta badanaa, 

Kaduudiye
Classification and external resources
Kaduudiye
Calaamadaha uu reebo xanuunka Kaduudiyaha

Magaca Chikungunya

Magaca xanuunka "Chikungunya" asal ahaantiisu waa luqadda sawaahiliga, macnihiisuna waa: "qallooc u socod", qofka xanuunkaan qabo si toos ah iskuma toosin karo markuu soconayo, waa inuu is qalloociyaa xanuunka dartiis.

Waxa keena

Kaduudiye 
Kaneeco

xanuunkan ayaa ka yimaada kaneecada loo yaqaan (Aades   الزاعجة المصرية) ama qaylisooy. cudurka ayaa laga helaa wadamada Maraykanka , kariibiyaanka maksiko iyo wadama ku teedsan xeebaha Bariga afrika, xanuunkaan ayaan lahayn ka hortag aan ka ahayn in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecadaas.

Kaduudiye halis ma noqdaa?

Xanuunkaan badanaa dilaa ma aha, laakiin qofka dhowr maalmood ayuu howlgab ka dhigaa, mana ahan xanuun tallaal iyo daawo toona leh, waxaa ugu muhiimsan in qofka xanuun baab'iye iyo qandho jabiye u qaato inta uu xanuunka ka gudbayo, waa inuu qofka cabo biyo badan si uu uga fogaado halista fuuqbaxa, waana inuu ku dadaalo nasiino. Ka fogow in aad qaadato daawo antibiotic ah, xanuunka wuu kaaga sii dari karaa!!. Dadka badanaa u safro meelaha uu xanuunkaan ka jiro waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan qaniinyada kaneecada, ayna jiiftaa qolol daaqadaha iyo albabaha u furan yihiin.

Kaduudiyaha dilaa ma ahan badanaa, laakiin wuxuu qofka ka dhigaa tacbaan sidii qof jajaban oo kale, dhaqaaqane wuu uga sii daraa qofka, qofkii uu ku dhacayne wuu xasuustaa calaamadihiisa.

Kaduudiyuhu muxuu kaga duwanyahay Rift Valley iyo qandhada Dengue?

Inkastoo sadaxda cudurba ay gudbiso kaneecada loo yaqaano "Aedes", laakiin xanuunkaan wuxuu kaga duwan yahay inuusan lahayn dhiigbax, labada xanuun ee Rift Valley iyo Dengue waxay leeyihiin dhiigbax, tanoo qofka u dhiman karo. Xanuunka kaduudiyaha sidee ayaa loo baaraa? Xanuunka waxaa lagu gartaa qandho iyo kalagoysyada oo dhan oo qofka xanuuno, laakiin waxaa jiro baaritaan lagu dhiig ah oo lagu ogaanayo feyraska keeno kaduudiyaha, mana ahan baaris meel kasto laga helo, laakiin wadamada lagu yaqaano waa laga helaa baaristaas, waxayna jawaabtu qaadataa usbuuc illaa laba usbuuc inta u dhaxayso.

Tixraac

Tags:

Kaduudiye Magaca ChikungunyaKaduudiye Waxa keenaKaduudiye halis ma noqdaa?Kaduudiye Kaduudiyuhu muxuu kaga duwanyahay Rift Valley iyo qandhada Dengue?Kaduudiye TixraacKaduudiyeAf CarabiAf Ingiriis

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Nabi YuusufGeriAlbaniaDalxa bin Cubeydilah R.C.Persepolis FCAl-ShabaabDharkeenleeyGarooweDagaalkii Labaad ee AduunkaInternetLuqadaha SemitigaCabdilmalik bin marwaanBuulo BurdeTalyaanigaMahadaay WeynDegmada Feer-feerCiraaqMohammed DaoudBar-internetHabar eji2020KolombiyaDaguuroBartireCiidanka SoomaaliyaAstaanta Calanka CirdhowAf-GarreDhaqanka SoomaaliDusaaKenyaWikimediaXHamsterSoomaaligaQolobaa CalankeedXeerka Jinsiyadaha SomalilandGurgura (beel)Ismaaciil Cumar GeelleItoobiya2021ShawaalBakoolIslaamGolahi Sare Kacaanka SoomaaliyaCaluulaSaldanadii AjuuraanCabdicasiisTaariikhda SomalilandDuurjoogta SoomaaliyaXulbadBiciideBoqortooyadii WalashmaDameerQardhoCabdalle SabdiAxmed FaaraxCalanka SomalilandAf SoomaaliFanaanMakawWarbixin SoomaaliyaNabiyada iyo Rususha Qur'aanka lagu sheegayCilminafsiHargeysaDayax DalnuursheSacuudi CarabiyaLubnaanShabeel🡆 More