Ismaaciil Mire

Ismaaciil Mire Cilmi (Af Ingiriis : Ismail Mire Elmi) madax wuxuu ka ahaa guutada Shiikhyaale.

Wuxuu ku dhashay Lasadar, tuulo u dhow Buuhoodle qiyaastii 1862, geeriyooday 1950; wuxuu ahaa gabayaa, halabuur, hogaamiye iyo dagaalyahan Soomaaliyeed kaasi oo ka tirsanaa hogaanka sare Ciidankii Daraawiishta. Ismaaciil Mire waxaa lagu xasuustaa gabayo badan oo dhaxalgal ah kuwaasi oo ka mid ah Suugaanta Soomaalida.


Gabayada Ismaaciil Mire

Ismaaciil Mire wuxuu leeyahay tiro badan oo gabayo ah, kuwaasi oo iskugu jira gubaabo, dhiirigelin, waxsheeg, fariin iyo noocyo kale. Gabayada ugu caansan ee Ismaaciil Mire waxaa ka mid ah gabayga "Iibsi Lacageed" kaasi oo u qoran sidan:

   Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto    Iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede    Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye    Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane    Mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline         Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye    Albaabkii Burcaan tegey anoo aaladii sida e    Amminkiiba lay yimid sidii eegta lay yahaye    Ooggii horey nagu kaceen adhi dillaalkiiye    Dad iimaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye    Amakaagay goortay wankii adhaxda tuujeene    Intaa weeye iyo ma'ahadii la is ilaaqaayey         Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye    Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye    Ii-maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye    Afar bawlad laga gooyey bay igu aluubeene    Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye    Kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene    Usha jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene    Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weydiiya 

Gabayo kale

Ismaaciil Mire wuxuu leeyahay tiro badan oo gabayo iyo maansooyin iskujira, kuwaasi waxaa ka mid ah:

  • Maxaa Xiga
  • Guuguulayhow
  • Iibsi Lacageed
  • Xoogsi
  • Hashii Markab
  • Isma Oga
  • Annagoo Taleex Naal
  • Gelin Dhexe
  • Galow-Kiciye

Sidoo kale fiiri

Xigasho

Tixraac siyaalo

Tags:

Ismaaciil Mire Gabayada Ismaaciil Mire Gabayo kaleIsmaaciil Mire Sidoo kale fiiriIsmaaciil Mire XigashoIsmaaciil Mire Tixraac siyaaloIsmaaciil MireAf IngiriisBuuhoodleDaraawiishGabayHalabuurShiikhyaaleSoomaaliSuugaan

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

Astaanta Calanka CirdhowXasan AbtidoonSoomaali AlifbeetFiidmeerSadaxleeyCeel CaddeCalanka cirdhowBeesha Aw saciidNabiyada iyo Rususha Qur'aanka lagu sheegayWacbuudhan AbgaalHiiraan StateDuurjoogta SoomaaliyaCadaleAlifbeetada indhoolayaashaHaaydarojiinAwdalAyaanle cayrHartiSiyaasadda SoomaaliyaCamar bin caas2024Bariga DhexeMuscab bin cumeyrXeerBalwoDadka MadoowIngiriiskaSoqotraBiciideWabiga NiilWebiga MississipiMaxamed FadalDagaalkii (2006–2009)KenyaBartireBuurta SheekhWaraabeLabaaleeyAfrikaCarab SaalaxGaashaanbuurta NATOFircoonXorta ahRuun NirgoodDoonisDawlada ayuubiyiintaDergGeeriXarfoGuurMadaxweyneyaashii PuntlandGalmoKanaalka SuweysGaldogobCeerigaaboFarta CismaaniyaMaxamed CigaalCabdiraxmaan bin CawfShabeellaha DhexeBeledweyneXulbadKiristiyano RonaldoDawladda federaalka SoomaaliyaTaariikhda Qaramada MidoobayFarabadneWiilXVideosMaalinta Caalamiga ah ee Afka HooyoJalaatoAf-maldahaBaddacasRamadaanNabad🡆 More