Heeso Soomaali (Af Ingiriis : Somali songs) waa qeyb ka mid ah Fanka iyo Suugaanta Soomaalida taasi oo leh noocyo badan.
Sida caadiga ah heesaha Soomaalidu waxay ka kooban yihiin ereyo (ereyo heeseed), laxan iyo muusik kuwaasi ooy ku luuqeeyaan (cod) fanaan. Samaynta heesta waxaa ka qeyb qaata tiro badan oo dad ah, kuwaasi oo leh heerar kala duwan.
Heeso Soomaaligu waa nooc ka mid ah suugaanta dadka Soomaalida ah kuwaasi oo ku baxa luuqada Af-Soomaaliga.
Fanka Soomaalida waxaa ku jira noocyo badan heeso ah kuwaasi waxaa ka mid ah: qaraamiga, qaaciga, hees-howleedka, iyo heeso-gaagaabka. Waxa hubaal ah in qofkasta ku khalkhalayo farqiga qaaci iyo qaraami. Qaacigu waa nooc ka mid ah heesaha kuwaasi oo la qaado ayadoo (fanaanku) fadhiyo, loo garaaco sida badan kaban iyo sacab kali ah, laakiin qaarkood lagu daro durmaan ama narso iyo turunbo. Si taasi ka duwan, qaraamiga Waxaa la garaacaya noocyo badan oo qalabka muusig ah, fanaaniintu way taagan yihiin ciyaarayaan (isruxayaan) ama way fadhiyaan.
Qaacigu waa nooc ka mid ah heesaha Soomaalida taasi oo leh dhandhan ka duwan noocyada kale ee Suugaanta. Qaacigu waa hees caadi ah oo loo tumayo kaban ama gitaar, durbaan iyo sacab kali ah. Mararka qaar waxaa muusiga qaaciga lagu daraa turunbo. Heesaha qaacigu waa kuwo degan, dhandhan fiican leh, oo inta ugu badan si sahlan loo sameeyo.
Fanka Soomaalida waxaa in badan ku jira heeso qaaci ah oo la sameeyay wakhtiyo la baashaalayo.
Heesaha hoos ku xusan waa kuwo dhowr jeer oo kala duwan la qaaday. Waxaa laga yaaba inaad aragtey heesta oo leh muusig ama la soo cusboonaysiiyay. Kuwa aan halkan ku soo bandhigay waa nooc qaaci ah.
Hees-howleedku waa heeso ka mid ah Suugaanta Soomaalida taasi oo inta badan isticmaalaan dadka shaqaynaya ama howl-maalimeed ku jira. Heesani waxay caan ka yihiin deegaanada miyaga ah halkaasi oo xoolo-dhaqata iyo beeralaydu qaadaan heeso kala duwan wakhtiga lagu gudo jiro shaqada xoolaha ama beeraha. Tusaale fiican waxaa ah heesta la isticmaalo marka xoolaha la waraabinayo:
Geelu geel fulay gaadhi maaye haka daba-fulo....
Heestan waxaa la isticmaala marka beeraha lagu qodayo dibiyada:
Bisinkii nin ku bilaabay
Ilaahayna baryaaya
Balaayo uma timaado
Marka beertu bislaato
Waa laguu badhi goyn
Taana beerka ku haay....
Guud ahaan, heesahani ma lahan muusig ama qalab la garaacayo; kaliya waa codka qofka ama kooxda qaadaysa oo kali ah.
Waayahaan dambe heeso Soomaaliyeed oo casri ah ayaa ka duwan kuwii hore ee caanka ahaa, heesaha dhaqanka ayaa ah kuwo jaceyl ah halka heesaha casriga ah ay soo bandhigaan noocyo kala duwan. Muusiga Soomaaliyeed ee maanta waxaa ka mid ah noocyo kala duwan oo ay ugu horreeyaan raabka, oo dhowr fanaan ay caan ku noqdeen.
Muusiga casriga ah ee Soomaaliya waxaa inta badan loogu yeeraa "jiilka cusub" sababtoo ah fannaaniinta da'da yar.
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Heeso Soomaali, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.