Dhahar waa magaalo ku taala bariga gobolka Sanaag ee wadanka Soomaaliland
Dhahar | |
---|---|
Magaalo | |
Somaliland Flag | |
Wadanka | Somaliland |
Gobalka | Sanaag |
Tirada dadka | |
• Dhammaan | 130,000 |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Magaalada Dhahar waxay ka tirsan tahay Degmada Badhan oo isku soo ururisa magaalada iyo deegaano ku hareersan.
Magaalada Dhahar waxay kamid tahay magaalooyinka ugu waawayn woqooyi bari. Dhahar waxay dhacdaa barta 9.75 digrii loolka waqooyi iyo 48.82 digrii dhigta Bari, waxayna magaalada dhacdaa koonfurbari Ceerigaabo isla markaana u jirtaa 220 km; halka magaalada Boosaaso ka xigto koonfurta iyo fogaan ah 215 km.
Magaaladda dhahar ayaa waxaa kunool shacab gaaraya ilaa 82kun oo qof oo isugu jira qeybaha kala gadisan ee bani aadamka , Waxaa aad ugu xiran magaalada reer guuraa farabadan. Waxaana aad magaaladda loosoo buuxshaa xiliga xagaa baxa loo yaqaan oo dadweyne tiro badan usoo xagaabaxaan sida bilaha 5 ilaa 9 aad waxaana lagu qiyaasaa bilahaa dadweynaha ilaa 95 kun oo qof. Magaalada Dhahar ayaa ah mid aad ugu fiican Marti galinta waxaana ku yaala hoteelo oo leh restaurants gudahooda waxaana ka mid ah Hotel Midnimo.
Caafimaadka magaalada waxay leedahay xarumo caafimaad oo tiro badan sida Cusbitaalo , MCHyo iyo waliba Farmashiyo. Waxaa ka hawl gala magaaladda dhahar shaqaale loo tababaray arimaha quseeya caafimaadka isla markaasna sida ay ii sheegeen qaar ka tirsan shaqaalaha caafimaadka inaaney wax mushahar ah oo la sheego aaney qaadan balse ay jirto mar mar ay Talaalo iyo sameeyaan waxey sidoo kale wax aan la sheegin ka helaan hay’addo oo ku taakuleeya mararka qaarkood daawooyin aan sidaa usii badneyn oo la dhigo MCHyadda.
Deegaanka Dhahar waxaa ku yaala dhowr machada oo waxbarasho. Sida ay sheegtay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya, magaalada Dhahar waxaa ku yaala ilaa 5 dugsiyo hoose; kuwasi waxaa ka mid ah: Mubarak Primary, Al-Raxma, Buraan iyo Al-Khayr. Sidoo kale waxaa magaalada leedahay dugsiyo sare, waxaana ka mid ah Dugsiga sare ee Mubarak.
Xaga ganacsiga magaalada ayaa ah mid marwalba siiweynaanaya waxaana suuro galiyey nawaaxiga magaalada oo leh xoola kala duwan ahna meelaha Somaliland ugu xoolaha badan. Magaaladu waxayna leedahay ganacsiyo kala duwan, waxayna aad ugu xirantahay dekeda magaalada Boosaaso.
{{MGS | gobol = Sanaag | list = Badhan · Buraan · Ceelbuh · Ceerigaabo · Ceelafweyn · Damala Xagare · Beerwayso · Elaayo · Gar Adag · Galbarwaaqo · Laasqoray · Maydh · Mindigale · Xingalool · Yubbe Beerwayso{{.}} Xamilka{{.}} Boodhley {{.}}Bacoolo{{.}} Karinbiyood -->
This article uses material from the Wikipedia Soomaali article Dhahar, which is released under the Creative Commons Attribution-ShareAlike 3.0 license ("CC BY-SA 3.0"); additional terms may apply (view authors). Content is available under CC BY-SA 4.0 unless otherwise noted. Images, videos and audio are available under their respective licenses.
®Wikipedia is a registered trademark of the Wiki Foundation, Inc. Wiki Soomaali (DUHOCTRUNGQUOC.VN) is an independent company and has no affiliation with Wiki Foundation.