Ciidamada Psf Puntland

Magaca : Puntland Security Force.

Tiro : 400-600

Masuuliyadda : La dagaalanka Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish.

Sannadkii 2002dii, iyada oo laga walaacsan yahay in canaasiirta Al-Qaacida ay ka hawlgalaan Bariga Afrika, waxaa la aas-aasay ciidamadda PIS (maanta loo yaqaan PSF & PIA) waxaa la aasaasay iskaashi dhex maray CIA iyo madaxda Puntland.

Sannadkii 2003, Maxamed Aadan Bidaar waxaa loo magacaabay Agaasimihii ugu horreeyay ee PIS. Bidaar ayaa intaa ka dib is casilay oo u wareegay magaalada Muqdisho oo uu ka noqday Taliyihii ugu horeeyay ee Nabad Sugida Soomaaliya.

2004-tii, Osman Abdullahi Mohamoud waxaa loo magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Puntland (PIS).

2009, Madaxweyne Faroole wuxuu u doortay Kornayl Cali Biindhe inuu noqdo Agaasimaha PIS-ta iyadoo aan lagala tashan saraakiisha Mareykanka ee Soomaaliya. Saraakiisha ayaa ku gacan seyray magacaabista Biindhe khibrad la’aan dhanka amniga ah. Madaxweyne Faroole iyo Saraakiisha Mareykanka ayaa isku raacay in PIS-ta loo qeybiyo labo qeybood oo kala ah PSF oo ah ciidamada gaarka ah ee la dagaalanka Argagixisada iyo Hay’adda Sirdoonka Puntland oo loo yaqaan PIA. Laba hay’adood ayaa la sameeyay – PIA, oo uu hoggaaminayey Agaasime, Maxamed Jaamac (MJ), iyo PSF, oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud, Cismaan Cabdullaahi Maxamuud.

Allaha u naxariistee Agaasimihii Guud Cismaan C/laahi Maxamuud, ayaa waxaa sanadkii 2010 loo magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda PSF, Asad Cismaan C/laahi.

Bishii December 2018, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa iska casilay xilka Agaasimaha Guud ee PSF. Kadib la tashiyo uu la yeeshay madaxda Maraykanka, Maxamuud Cismaan Cabdullaahi ayaa loo magacaabay agaasimaha guud. 24 Oct 2021 Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray xilka oga qaaday Gen Maxamuud Cismaan wuxuuna ku badalay Amiin Xaaji Khayr oo aan lahayn wax khibrad ciidanimo u dhiganta Maxamuud Diyaano, Amiin ayaa lagu yaqaanay farxad gelinta madaxda isagoo u fududeeya wax kasta oo raaxo gelinaya Madaxda u tagta. Gen Maxamuud ayaa ku gacansayray damacii Deni taasoo dhashay inuu Deni ku dhiirado dagaal ka dhan ah Ciidamadda PSF. 21 Dec 2021 dagaal dhinacyo badan taabtay ayeey soo qaadeen dowladda deni iyagoo adeegsaday ku dhawaad 300 oo tikniko ah iyo ciidan lug oo dhan 3500 oo askari, dagaalkaas oo bilowday 21 bisha Dec dhamaadayna 24 Dec ayaa wax natiijo ah kusoo dhammaan.


Khasaaro ayaa labada dhinac soo kala gaaray kala badanse, ciidamada Dowladda waxaa oga dhintay 71 askari in ka badan 100 waaka dhaawacmeen halkan laga qabsaday 2 gaari, dhanka PSF waxaa ka dhintay 5 askari waxaana ka dhaawacmay 7 askari. Dhamaadkii dagalkaas Madaxweyne Deni wuxuu garawsaday in looga gacan sareeyay wuxuuna Gen Maxamuud Diyaano 4 March 2022 magacaabis ku celiyay iska Hay'adiisii uu maamuli jiray ee PSF.

Tags:

🔥 Trending searches on Wiki Soomaali:

ShiilaaboAadan Cabdulle CusmaanInqilaabkii 1969-kiiGoroyo SoomaaliSaldanadii Cadal2016Xisbiga SYLSamsungAxkaamta JanaasadaMaxamed SalaancarrabeyGolahi Sare Kacaanka SoomaaliyaGarooweQormo saynisQajaarCaynabaNabi Yacquub C.S.MuqdishoAbshir BacadleDillaLiiska Jaamacaddaha SoomaaliyaMaxamed Faarax CaydiidXamarweyneDhaqanCamar bin caasNew YorkBuq aqableYeesif maxamedIlbaxaysiGobolada SomalilandAf-RomaniMadiinaJubbada Hoose10-ka saxaabi ee Janada loogu bishaareeyayBakoolMadhibaanSaliid MacsaroBe LoveDib QalloocGeedXasan AbtidoonMasarSaynab bint MuxamedGeri koombeBilaal ibn RibaaxWasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha SoomaaliyaIngiriiskaOgadenFaysbuugDhaqanka SoomaaliJagada Madaxwaynaha SomalilandDayax GacmeedBakteriyaIleysDabagaaleGeelMaxamed CawaaleDowladii UmawiyiintaShimbirXeebta FoolmaroodiShiicaAf SoomaaliJoorjiya (wadan)WikibidhiyaGuurFurashada makkaJabaanMidowga AfrikaCayr (beel)DangorayoGaldogobTaariikhda MasarNooleMaxamed Cali KalaayCusmaan bin Cafaan🡆 More